SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNNESOTA
Hogaan Dhaqameed:

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Dhanbaal u socda Madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee jooga Shirka Nabadaynta iyo Dib-U-Heshiisiinta Somaaliyeed, Nairobi, Kenya. 

crisaaq CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisul Wasaare Soomaaliya: 14 Jun 1964 - 15 Jul 1967

Mudanayaal,

Salaan diirran ayaan idin ku salaamayaa. Nin baa horey wuxuu ku yiri mid kale: "War waxaad ogtahay ma kuu sheegaa?". Warka aan soo wadaa waa kaasoo kale. Muraadka keliya aan ka leeyahayse waa baraarujin.

Sooyaalka Soomaliyeed wuxuu caan ku yahay in wixii dhiillo iyo dhibaato dhex-mara ama ku yimaada ay madaxdhaqameedku gogolfidsan iyo geed hoostiis ku soo afjaraan iyagoo dhacda kasta xeer dhaqameedka bulshada saldhig uga dhigaya.

Sidaas darted, waxaa waajibku ahaa in bilawgiiba madaxdhaqameedku bud-dhige u noqdaan shir nabadeedka iyo dib-u-heshiisiinta.Waxaa waayo-aragnimo ku filan fashilaadihii lagala kulmay 12kii shir nabadeed ee hadda ka hor aduunweynuhu abaabulay, kuwaasoo qabqablayaasha dagaalku keligood horumood ka ahaayeen. Waxaan rumays-nahay in haddii,madax-dhaqmeedyadu shirarkaas horumood ka ahaan lahaayeen, mar horeba la gaari lahaa nabad buuxda oo waarta. Marag madoonto waxaa u ah nabadda iyo xasillonida ka jirta goboladda waqooyi galbeed ee Soomaliya.

Dad badan ayaan dooneyn in madax-dhaqmeedku marnaba qayga shirka cag soo dhigaan. Allaase mahadlehe, madax kale, oo si daacada uga wal-walaysa/daryeelaysa danta dhabta ah, ayaa ku adkeysatay sida ay lagama maarmaan u tahay in madax-dhaqmeedyadu ugu yaraan ka soo qayb galaan wajiga kama dambeysta ah ee shirku ku dooran-doono dadka loo xil-saariddoono hoggaanka dalka sanooyinka soo socda, meelna marindoona go'aannada lagu gaaray shirka Kenya ka socday in ka badan 9 bilood.

Mudanayaal!

Musiibada ku habsatay ummadda Soomaaliyeed ee keentay burbur, qaxooti, barakac iyo dib-u-heshiis laa`n waxaa guud ahaan xal u helid laa`nteeda loo aanayn kara dagaal oogayaasha oo mid waliba qumbo caddihiisa ligliga haystey, welina haysto, iyo dawlado aan daacad ka ahayn dib-u-dhis "qaran Soomaaliyeed".

Waxaa xaqiiq ah in dagaal ogayaashu dawr weyn ka ciyaari karayn, welina ka ciyaari karaan, nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta la baadi goobayo. Waxaa horey loo yiri: "Xarig carrabo nin ogaa baa fura". Laakiin taasi waxay imaan kartaa haddii, ama markii, dantooda iyo midda dal/dalal shisheeyaba ay ka hor mariyaan danta guud.

Nin beeraley ah ee u dhashay dalka Burundi, oo ka mid ah dalalka dagaalka sokeeye halakeeyey, ayaa wareysi wuxuu ku yiri: Dagaalka waxaa wada dagaal oogayaal, iyagaana og siday u joojin lahayeen. Laakiin ma doonayaan inay joojiyaan madaama awood iyo ilo dhaqaale uu u yahay,danahooda gaarka ahna ay ku fushanayaan.Taasi waxay marag u tahay in dagaal ooge meelu joogaba isku si u fakarayo.

Mudanayaal

Waxaan rumays-nahay inaad igaga xog ogaal-santihiin halaaga, burburka, iyo lixaad-ka-baaba`a dalka iyo bulshada Soomaaliyeed ku habsadey, oo ay adagtahay, haddii Eebbe uusan ur u bixin, sidii looga kaban lahaa burburkaas.

Waxaa la ogsanyahay in madax kooxeedka ("Leaders Committee") shirka naakhuudaha ka ahi ay go'aansatay baarlamaan tiradiisu tahay 450 xubnood, tiradaasoo dood iyo dagaal dheer kaddib, lagu maslaxay inay noqoto 351 xubnood. Xataa 351 waa tiro aan marnaba u cuntamin kana tarjumi Karin xaaladda iyo awoodda Soomaaliya. Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa, haddii la buun-buuniyo, 6 ila 7 milyoon . Dadka dalka Kenya waa 32 milyoon. Tirada baarlamaanka Kenya waa 212(?). Tirada dadka dalka Maraykanku wuxuu sigayaa saddex boqol oo milyoon. Tirada baarlamaankiisu (Congress) waa 535 (100 Senators iyo 435 House of Representatives). Tolow, yaa yaqaan waxay walaalaheen "Leaders Committee" ku cilmiyeeyeen, ama saldhig uga dhigeen, baarlamaan 450 ah?. Malaha su'aashaydu meesha kuma jirto, maxaa yeelay waa la'ogsonyahay sababta ay u qorsheeyeen tiradaas maan-gaddada ah.

Sidaad og-tihiin, ujeedada markaan la idiin ku yeeray waa sidii aad kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaydeen soo xulidda xubnahaas oo, haddi tiradooda aan laga yareyn karayn 351, ay dantu tahay in xoogga la saaro sidii loogu dadaali lahaa inay noqdaan kuwo lagu tuhmayo daacadnimo, caddaalad iyo aqoon sare, kasbina kara kalsoonida dadweynaha kala irdhoobey. Waa kuwaas kuwa la rajayn karaa inay Soomaaliya ka soo saaraan godka dheer oo haatan ay ku jirto. Waa kuwaas kuwa la rajayn karaa inay isu soo dumaan bulshada 13 sano kala qoqobnayd laysuna bahaleeyey. Waa kuwaas kuwa la rajayn karaa inay soo celiyaan qaranimadii, midnimadii iyo sharaftii Soomaaliyeed. Waa kuwaas kuwa la rajayn karaa inay kasbaan kalsoonida iyo kaalmada adduunweynaha oo la'aantood Soomaaliya aysan ka soo kaban karayn burburkii ku dhacay.

Haddii la doonayo in la helo dad tilmaantaas leh, waxaa lagama maarmaan ah inaan doorashadu ku koobnaan 361da ergey ee IGAD soo aruursatay, kuwaaso, waxay iyagu isbidayaan ka sokow, aan marnaba la rajayn karin inay xal u noqdaan dhibaatooyinka iyo boogaha la doonayo in la dhayo.

Inkastoo aan ogahay innad ka feejig-tihiiin, haddana waxaa ila qummanaatay inaan idin ku sii adkeeyo inaydaan MAANTA cidna uga haybeysan danta dhabta ah ee dadkiinna iyo dalkinna, taasoo ah, haddii hoos loo sii dhuuxo, danta carruurtinna iyo carruurtinna carruurtooda. Waxaan ku farax-sanahay in maalin dhaweyd Internet-ka aan ku arkay shir madax-dhaqmeedyada qaarkood ka yeesheen meelmarinta arrimaha shirweynaha ka socda, iyagoo si xilkasnimo leh u falaanqeeyey, isna xasuusiyeen mas'uuliyada ka saran danaha dadkooda iyo dalkooda.

Walaalayaal

Waxaan, ugu dambeystii, idin xasuusinayaa in dhibaatooyinka sida agab-la'aanta ah u haysta bulshada Soomaaliyeed qaarkood la rajaynayo in shirka Kenya xal wax ku ool ah looga gaaro, laakiin taasi waxay badiba ku xirantahay midnimada iyo firfircoonida madax-dhaqmeedyadu muujiyaan, mowqifka iyo dawrka ay ka istaagaan arrimaha NAFTA ah.

Waxaan Allaha awoodoo dhan iska leh ka baryayaa in gaca iyo garab u idin ku siiyo hawsha iyo mas'uulidda culus ee idin saaran.

Inataas iyo SOOMAALIYA HA-NOOLAATO!.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisul Wasaare hore ee Soomaliya

Aug 2, 2003

e-mail addrees:
Hussen554@aol.com 


C/risaaq Xaaji Xuseen oo Itoobiya Cambaareeyey
& Ingiriiska oo beeniayy baaqii Meles Zenaawi ee Abaarta.. XORIYO

 Waraysigii Wargeyska Sahan ee May 6, 2001

Dhambaalkii C/Risaaq Xaaji Xuseen oo Afsoomaali loorogey
Tarjumadii Axmed F. Cali idaajaa

eng http://somalitalk.members.easyspace.com/crisaq/crisaq2.html

Cudurdaarkii C/Risaaq Xaaji Xuseen uu ka cudur daartay guddoomiyenimadii gudiga qaran ee dib u heshiisiinta July 2001 http://yool.somalitalk.com/2001/july/25072001.html


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 1, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD