SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Xaalada Magaalada Laascaanood:-

Qore:

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Magaalada Laascaanood ayaa iyadu ah mid aad u fidaysa oo sadex iyo tobankii sano ee aynu ka soo gudubnay aad u balaadhatay, iyadoo markii hore ahayd magaalo aad u kooban ayaa hada waxay ku fadhidaa 6km oo isku wareeg ah,fiditaanka magaaladan ayaa waxa uu salka ku kahayaa dadka deegankan u dhashay oo iyagu markii hore guryaha ka dhisan jiray gobolada Soomaaliya oo hada culayska saara in ay deegaankan hada dhisaan, gaar ahaan jaaliyadaha deegaankan u dhashay ee Yurub, Ameerika iyo Ustareeliya oo iyagu aad hada u dhista magaalada Laascaanood.

Waxaana magaalada Laascaanood hada laga dhisaa guryo aad u quruxbadan oo naqshadooda dibada laga keeno, loona dhiso habcasriyeysan,dhibaatada kaliya ee guryan quruxdooda kala dhantaalaysa ayaa iyadu waxay tahay wadooyinka magaalada oo aan iyagu habaysnayn, taasina ay mar marka qaarkood bilicda magaalada wax udhinta.

Boosaska ama jagooyinka magaalada Laascaanood ayaa iyagu qaali ah, marka loo eego Gobolada Soomaaliya ee hareeraha ka xiga ,sida Burco iyo Garoowe, magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda waxaa haatan ka furan ilaa labaatan dugsi oo isugu jira Sare/Dhexe iyo hoose, waxaa iyana la qorshaynayaa in mustaqbalka dhow deegaanka Sool,Sanaag iyo Cayn(cayn waa gobol cusub oo ay Degmada Buuhoodle caasima u tahay) laga furo Jaamacada ay ardayda deegaan kani waxbarashadooda ku sii wataan.

Dhinaca nabad gelyada magaalada Laascaanood haatan aad ayey u degan tahay,waxaana bar yahan yaraaday loolankii siyaasadeed ee u dhaxayn jiray dhinacyada Puntland iyo Somaliland, waxaana haatan magaalada kataliya oo kacanta ku haya maamul Goboleedka Puntland, oo isagu maamulkiisii si wanaagsan uga dhaqaajiyey, cashuurahana ka gura,maamulka isku magacaabay ee Soomaaliland ayaan isagu wax dhaqdhaqaaqa ku lahayn deegaankan,kadib markii magaalada laga saaray Madaxweynaha Maamulka iskii isu magacaabay Daahir Riyaale Kaahin.

Maamulka Puntland oo isagu haatan ka shaqeeya arimaha nabad gelyada culayskana saara sidii wax laaga qaban lahaa ,ayaa dadweynaha deegaankani waxay aad ugu riyaaqeen isbedelka xaga nabad gelyada ee la dareemay.

Iyaga oo habeen kii roondo kumara magaalada dhexdeeda,waxaa iyaguna shaqeeya maxkamadaha maamul goboleedka Puntland, iyo saldhiga booliska ,qofkii xabsi dheer lagu xukumana waxaa loo dhaadhiciyaa xabsiga dhexe ee ku yaala magaalada Garoowe,

Ciidamada daraawiishta ayaa iyaguna sifiican uga hawlgala deegaankan, qaybweyna ka qaata xasilinta nabdgelyada

Waxbarshada gobolkan oo uu gadhwadeen ka yahay odayga qadarinta weyn mudan Md:Maxamed Buraale Ismaaciil ayaa waxa qayb weyn ka qaata jaaliyadaha deegaankan ee ku dhaqan dibada gaar ahaa ururka S.S.H .DA oo ah isagu urur ku hawlan sidii uu deegaankan uga horumarin lahaa dhinacyada waxbarasha iyo caafimaadka, waxayna dhawaan ku guulaysteen in ay dugsi dhexe oo hurdana leh, oo boodhan ah ay ka saaraan dadkii ku habsaday markii ay dawladii dhexe ee Soomaaliya burburtay, dadkaas oo ay lacagsiiyeen si ay meelo kale u degaan.

Waxa kale oo ay ururkani mushaaro siiyaan macalimiin badan oo deegaankan ka tirsan,waxaanunna odhankarnaa waa urur ka kaliya ee si fiican uga hawlgala Deegaanada Sool,Sanaag iyo Hawd.

Waxayna hada ku hawlan yihiin sidii uu dugsigaasi u hawlgeli lahaa,sanad dugsiyeedkan,

Magaalada Laascaanood waxa ay leedahay Cisbitaal weyn oo qaada 100 sariirood, oo qayba kala gedisan leh ,laguna daweeyo dadweynaha deegaan ,hasayeeshee Cisbitaalka Laascaanood waxay dhibaato ka haysataa dhinaca daawooyinka oo gabaabsi ku ,waxaana jirta hay’ada NPA,oo iyada xoogaa yar oo dawo ah keenta marmar dhif ah,Cisbitaalku malaha gaadhi kuwan anbalaasta loo yaqaano ee gargaarka.

Waxa kale oo jira xarumo badan oo iyo Cisbitaalo yar yar oo ay leyiin dadka rayidka ahí,

Kuwaas oo bulshada u fidiya adeegyo kala gedisan.

Dadweynaha magaalada ku nool ayaa iyagu waxay hada quudaraynayaan in ay ka faa’iidaystaan shirkadaha isgaadhsiinta oo ku soo badanaya Laascaanood, shirkadahan ayaa hada waxay marayaan afar.

Waxayna kala yihiin Somtel: oo iyadu mudo dheer ka jirtay magaalada Laascaanood oo iyadu ah shirkada ugu weyn.

Telesom oo iyana mudo dheer ka jirtay, waxaana hada ku soo biiray laba shirkadood oo lakala yidhaahdo, Hantel iyo S.T.G(nationlink), shirkadahan ayaa dhamaan tood hada bixiya adeega qalabka internetka.

Waxaanna lafilayaa shirkadahan cusub ee ku soo biiray magaalada in ay xidhiidhka deegaanku uu dibada la leeyahay wax weyn ka taraan,iyadoo ay magaaladu had iyo jeer ka caban jirtay iskaadhsiinta gaar ahaan dadka eheladoodu dibada kala soo xidhaadhaan .

waxaa soo diyaariyey
Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2003

Qoraalkii hore ee Caddaani.... Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD