SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL
USC = Ururkii Saaciday C/laahi

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Aug 7, 2003

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

Nin baa la sheegay cadaabtaba waxaa ii keenay geerida. Dadka reer Waqoogyi Bari, “Puntland” waxay kornaylka u haystaan teedkii lagu xiray Ya’-Juuj Wama’-Juuj oo wuxuu ugu bootteeyaa waxaan idin ka hortaagnahay dadkaas mooryaanta ah oo waxay arkaan diiranaya. Runtii waxa ka dhacaya Xamar markaad u fiirsato waxaad isleedahay wax baa ka jira. Maalin walba waxaa Xamar la aliffaa ciqaab cusub. Kufsigii iyo dilkii caadiga ahaa markii laga daalay waxaa soo baxay afduubyo iyo in dadka sidii xoolihii ama raashinkii la miisaamo. Waxaa qiyaamihii ku dhacay dadkii ka yimid bulshooyinka aan hubaysnayn. Waxaa hadda soo baxay in dilkii caadiga ahaa laga talo baxay oo dadka jirkooda la googoosto isagoo nool oo ay iibsadaan ama ciqaab ahaan u sameeyaan. Waxaa maalmahan la sheegayaa xubno qof oo lagu arkayo barxadaha sida midda Tarabuunka.

Waxaa taas ka daran waxaad la soo shirtagteen madax tiro badan oo wada Mooryaan ah. Xaggee caqligii idin ka aaday? Miyeydaan dad ahayn? Seed C/laahi u asaagsanaysaan? C/hi dhulka intaas le’eg kaligiis baa horbooda. Wuxuu idinka idin ka haystaa taageerayaal. Xukunkii qabate xabbadna maydaan samayn aan ka ahayn xulufo hor leh iyo xaq-darro. “ Fa ayna tad-habuun”? War xaggeed u socotaan.

Kiinii hadla C/laahi buu dhibco siin! Muuse Suudi waydiiya waxa badnaantu u tartay Oramada? “Timahiinu isku dhan uma xiirmaan”. Wallaahi meesha C/hi ku fiicanyahay inuu xukumo waa Xamar ma ahan Puntland maxaa yeelay Puntland waxay fiicnayd intaan C/hi madax-goboleed laga dhigin waana la ogaa nabadii taalay iyo in la hadal hayey in Boosaaso shir lagu qabto.

Taageerada ay reer Puntland C/hi taageereen ma ahan mid jacayl ka ah ee waxay rabaan mar inuu Xamar ka aado oo uu madaxweyne noqdo si uu dhibkiisa ugala dheeraado ilayn madaxweyne Soomaaliyeed xukunkiisu magaalo madax ma dhaafee. Waxaad mooddaa inay qabsatay qiso laga sheeko boqor muslim ahaa oo booqday magaalada Basra. Dadkii waxay uga dacwoodeen waaligooda inuu ka beddelo. Boqorkii wuxuu yiri war waaligaan wuxuu ka mid yahay kuwa ugu caddaalad badan madaxdayda ee haysta. Dadkii intay baqeen ayey iska aamuseen laakiin nin baa yiri boqoroow xaq darro ha samayn. Boqorkii isagoo xanaaqsan buu yiri maxaad ka waddaa? Ninkii wuxuu yiri dhulka aad xukunto oo dhan baa xaq kugu leh marka ninkan caaddilka ah caddaaladiisa dadkoo dhan u qaybi oo magaalo kale u beddel. Boqorkii inta qoslay buu ka beddelay. Hadda waxaad mooddaa in ay reer Puntland inta Zenawi u dacwoodeen ay leeyihiin Zenawiyoow kornaylku waa ka sarreeya nin gobol xukuma ee waxaad samaysaa ninkaan Soomaaliya oo dhan u dhiib.

Waxaan ogaaday inaydaan wax meesha ku hayn markaan arkay website-yo soo gashay sawir ay ka muuqdaan Kiplagat, Dan-jiraha Itoobiya iyo C/hi oo wada hadlaya meel dad badan dhoobbanyahay. Waxay ku sheegeen faq! Maxay micno samaynaysaa niman dariiq dadkoo dhami u jeedo ku kaftamay? Yaase u diidaya inay meeshay rabaan ku kulmaan? Sheekadii reer Ciraaq yeysan idin ku dhicin ee ahayd inay C/hi Binu Cumar (RC) waydiiyeen in marada ay gaarto dhiigga kaneecadu lagu tukan karo? C/hi Binu Cumar (RC) wuu la yaabay wuxuu yiri Ehlu-Baytii baad dhisheen markaasaad dhiig kaneeco i waydiinaysaan. Marka isku xishooda oo wax ka qabta Xamar. Benaadir baad xallin waydeen. Idinkii baa is dhinac ordayee seed rabtaan inaad C/hi wax ula qaybsataan.

Ma aragteen qof ay C/hi is xigaan oo isaga haysta? Aniga koow. Yaa kale? Run ahaantii C/hi dadka taageersan waa yaryihiin laakiin adinka markay arkeen baa dad badani C/hi garab istaageen iyagoo idin ka cararaya. Gar bay u leeyihiin inay saas yeelaan.

Barwaaqada iyo lacagta Xamar taal ma taal Soomaaliya inteeda kale. Inta goori goor tahay ma keensan kartaan hal qof oo idin matala? Xittaa labo? Kornaylku nasiib badanaa! Madaxdii Muqdiho aragnaye ka warama shacabka?

Nin badda ka shaqaysanjiray baa qolyo muslimiin ah oo madax ahaa dulmiyeen kaddibna wuxuu soo aaday Sheekh la yiraahdo Maalik Binu Diinaar inuu kala hadlo nimankaas dhaca usoo jeestay. Maalik waa ka yeelay maxaa yeelay qofkii qof u shafeeco qaadi kara waa inuu uyeelaa. Madaxdii markay Maalik arkeen bay u qaadan waayeen. Waxay dhaheen Maalikoow maanta maxaa naga kaa soo galay? Wax kasta oo ay tahay waan kuu yeelaynaa. Maalik wuxuu yiri ninkaan usii daaya doontiisa. Waxay dhaheen waan yeelaynaa ee noo ducee. Maalik wuxuu yiri kumaankun baa idin habaaraya marka ma umalaynaysaan in hal nin ducadii la aqbalayo oo aan kumaankun la aqbalayn? Wuxuu ogaa dulmigooda iyo in ay makhluuq badan dulmiyeen marka waa ogyahay in ducada qofka la dulmiyey aan wax kale lala simi karin.

C/hi af iyo addinba la isugu dar xittaa la habaar laakiin waxaan u malaynayaa qolyaha aan hubka haysan ee Koonfurta ayaa ducadoodu kacaysaa. Marka C/hi Ilaah oo qabta maahee ma arko sansaan ay reer Muqdisho uga hortagi karaan.

Soomaaliya waxaan samaysanay falsafado maahmaahyo laga dhigay oo tusinaya in wixii horay u dhacay aan dib loogu noqon iyo in dadka qaarkiis ay wax iyagu iska haystaan. Qisada qaarkeed baa qaab daran laakiin waxaan uga danleenahay in falsafadahaas wax laga qabto:

Raad arooryo dib looma qaado

Miro barde canyayuub baa loo liqaa

Oraahahaan/maahmaahyahaan waxaa loo isticmaali karaa qofkii shaksi ahaan dambi kaa galay inaad cafiso oo aadan dib u raacin laakiin qof diintii, dalkii iyo dadkii dhibkiisa usoo taagan inaad tiraahdid waan cafin ama khaladkiisa ma fiirinayo waa khalad. Waxaa kaloo la sheegaa in gabar yari ay aragtay hooyadeed iyo macallinkii dugsiga oo gogol dhaaf sameeyey, in ay subuxii markay yeersanaysay ay macallinkii ku tiri: macalin waxaad fashayba fashaye “ wa infaatakum”. Macallinkii isna wuxuu yiri: sheeg-sheeg badaneey, shaydaan inantiisay “shay’un min azwaajikum”. Waxaa dhici karta in ay sheekadaan aliffeen dad macalliinta ceebaysanaya ama dacaayad diinta ka fidinaya laakiin danta aan ka leenahay maahan ceebayn. Halkaas waxaa kala soo bixi karnaa dhow waxyaalood:

1. Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay sahal tahay is-dhexgalka ragga iyo dumarka ilaa maantadan. Way sahlantahay in dhibaato meesha ka timaado.

2. Soomaalidii hore oo diinta jeclayd, mararka qaarkoodna ay macalimiinta dugsiyada iyo kitaab-gaablayaashu ay ka faa’iidaystaan iyagoo si xeeladaysan u farsamaysanaya.

3. Caqliga gabadhii yarayd iyo inaysan haysan meel kale oo ay ciirsato oo ay Qur’aan ka barato, waxayna ku sabirtay in ay ninka noocaas ah wax ka barato.

4. Gabadhaa yar oo garanaysay khaladkaas la galay.

5. Soomaalidii hore oo dambi kasta oo ay galaan wali jeclaa diinta halka maanta dadka xukunku madax maray ay dadka hortiisa ka dhalleeceeyaan diinta iyo dadkeeda. Bal arka haweenaydaas gabadheeda u diraysa macallinkaas inuu diin baro.

6. Macalinkaas oo calan lahaa oo ogaa inuusan ardadiisa waayi karin wax kasta oo uu sameeyo.

Hadda shacabka Soomaaliyeed ee raali ka ah shirka Kenya iyo kuwo isku sheegay bulshada rayidka ah ee meesha jooga waxay ka dhiganyihiin gabadhaas yartaa ee aan haysan meel kale oo ay ka loox-jiidato. Waxaad mooddaa inay leeyihiin qab-qablayaaloow waxaad fasheenba fashee maxaad kaloo noo haysaan.

Dadka USC ahaan jiray ee hadda la leeyahay waxay dabo ordayaan kornaylka waxay ka dhiganyihiin sidii ninkii ka xanaaqay gabyaagii Khaliif Sh. Maxamuud markuu reer Waqooyi ku lahaa;

Wallee ama magaalada Berbera dhiigu muluclee

Ama sidii muwaashiga ratiga mayro lagu saarye

Waxaa dhibsday arrintaa gabyaa kale oo la oranjiray Dharbaaxo Jaan oo tiriyey gabay uu ku ammaanayo Maxamed Siyaad. Waa la ogaa wixii ka dhacay.

Ma dhici kartaa in Mooryaanta loo baxsado? Ma dhici kartaa waxay faleenba falee in maanta shirqoolkaas ummaddii Soomaali loo maleegayo iyo dastuurka Itoobiya samaysay ay naga badbaadshaan? Kolay anigu kalsooni kuma qabo USC laakiin arrintu waa tan Rabbi.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 7, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD