SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL
“Federal”-nimada Soomaaliya waa arrin fidhrada ka fog oo ah feer iyo faro-laab.

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

Ilaah baa mahadleh, Abuuraha dhaaman. Nabad-gelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Soomaalida kaliya ayaa laga hayaa sharci ay qab-qablayaal iyo cadow keeneen oo ay “professors, doctors” iyo qorayaal ku raaceen jacayl ay qowlaysatadaas u qabaan ama isku-qolo ay yihiin darteed.

Waxaan mar raadiyoow Muqdisho ka dhagaystay barnaamij ay dhihi jireen ila-qosol in mar arday ku jira imtixaan Juqraafi ah oo qishaya uu soo dul istaagay macallinkii waardiyeynayey. Kaddib ardeygii aad buu u dhididay oo wuxuu is yiri waraaqda imtixaanka ayaa lagaa qaadi doona ama dhibco ayaa lagaa jaran. Macallinkii markuu arkay dhididka ka baxaya ardayga ayuu waydiiyey waxa ku dhacay? Ardaygii wuxuu ku yiri macallinkii dhul-baraha ayaan marayaa!

Hadda dad badan oo shahaadooyinkaas haysta ayaa is-xiijinnaya oo ka hadlaya in “federalism” Soomaaliya dan u yahay oo la xamaasaysan qab-qablahooda. Waxaa gubaya waa khiyaamo iyo caaqnimo laakiin yaa ka yeelaya? Qaarkood waxaa arkaysaa iyagoo noo sharaxaya “federalism” markaasay waqtigii naga qaadeen. Qolo kale ayaa jirta oo nacayb ay u qabaan qoraa ama dad kale ay ku khasabtay in ay “federalism”-ka qiil u baar-baaraan laakiin waxay ku fiicnayd in ay si kale arrinta u abbaaraan.

Mowduucu waa inuu noqdaa Soomaaliya iyo “federalism”. Run ahaantii aniga iigama duwana sidii iyadoo diinta Soomaaliyeed laga hadlayo haddii qof dhaho waxaa mudan in laga hadlo diinta Yuhuuda maxaa yeelay qofku waa ka hadli karaa diin Yuhuud laakiin marka diinta Soomaalida laga hadlayo, Islaamka, wax boos ah halkaas ugama furna. Marka haddaan rabno inaan wax ka ogaanno “federalism” waxaan aadi karnaa jaamacado ama waxaan akhrisan karnaa waxa laga qoray oo qaabab badan loo soo gudbiyey.

Horta “federal”-nimadu dal waynaan iyo dad badnaan looma shardiyo. Fiiri haddaad rabtid Canada iyo Switzerland. Marka Soomaaliya laga hadlayo waxaan ku mitaali karnaa sidii “state” ka mid ah Maraykanka dheh California. Hargeysa iyo Xamar ka dhig Sandiego iyo Sanfarasisco. Ogaada dadka ku nool state-kaas 4-jeer ayey ka badanyihiin Soomaalida laakiin Soomaaliya way ka dhul-wayntahay State-kaas in ka yar labo-laab marka la hadlayo Koonfur iyo Waqooyi oo kaliya. Haddii labadaas magaalo ama magaalooyinka gobolkaas ay is dagaalaan ma oran karaa waa in “federal”-nimo kale loola yimaado? “Aqoonyahannada ayaan waydiinaynaa” ama dheh Soomaaliya waa qayb ka mid ah qaybaha ay ka koobantahay Switzerland sida qaybta Jarmalka ku hadasha oo ay Zuruch ku jirto.

Bal aan la hadlo dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed. “Federalism” goormay timaaddaa? Waxaan soo qaadanayaa “federalism” ay Soomaalidu taqaan waa guurka. Waxaad arkaysaa wiil barbaar ah oo hanti leh oo aan wali guursan iyo sidoo kale gabar inan ah oo sidaas oo kale ah. Khasab ma ahan in labadaas qof is-guursadaan xittaa khasab ma ahan in ayba guursadaan haddaysan ka baqayn inay xaaraan ku dhacaan. Qof walba intuu rabo ayuu kaligiis ahaan u noolaan karaa. Waxaa u fiican inay “federal” noqdaan oo ay is guursadaan si ay faa’iido badan u helaan. Maxay tahay faa’iidadaas?

1. Ilaah oo isu abuuray ragga iyo haweenka si ay u helaan wehel iyo naxariis.

2. Islaamka oo kasoo horjeeda tafaraaruqa.

3. Mujtamaca oo badanaya. Haddii lammaanahaas Ilaah ubad siiyo waxaa badanaya mucjamicii iyagiina way faa’iideen.

4. Iyagoo dhaqaale u baaqanayo oo waxaa ku filan labada qof hoygii midkood degenaa iyo masruufkii ay gooni-gooni u cuni-jireen.

5. Waxay hadda helayaan labo maskaxood oo ka fiican mid kali ah.

6. Waxaa ka faa’iidaya martida iyo dadka kale oo aan iyaga ahayn iyo waxyaalo badan.

Soomaaliya ma ahan waddan xornimo la siinayo. Waxay ahayd lammaanahaas laakiin waa la isqabtay oo hadda way kala hijroodeen ama hal dalqad ayey isku fureen. Suurtogal ma tahay lammaane kala carooday in la isku sii diro? Hadday ubad leeyihiin ma la dhihi karaa waa in carruurta yar-yar ay kaligood is debberaan oo ay waalidka ka madax-banaanaadaan iyagoon qaan-gaarin? Gobol kasta marka gooni loo eego wuxuu Soomaali wayn u yahay cunug gu’ jir ah ama labo jir ama hadba inta kheyraadkiisu yahay laakiin marna kali ahaantiis carruurnimo kama baxsana. Anigu haddaan Mudug ka imid imisa jir ayey noqonaysaa? Waa arrintaas waxa shirka Kenya ka soconaya iyo kuwii ka horeeyey loogu magac-daray dib-u-heshiisiin. Bal inta nimankii shahaadooyinka la xiimayey iyo kuwa suugaan-yahannada ah ee u ordaya “federal”-ka isu tagtaan meel isugu keena dib-u-heshiin iyo “federalism”. Hadduu ahaan lahaa oo kaliya shir heshiiseed waxaa dhici karta in laga wado aan ku heshiino “federalism” laakiin eray dib ee ku jira dib-u-heshiin ayaa arrintaas diiday. Labadii Jarmal ma “federalism” baa loogu yeeraa sidii walaalo hore sheegeen mise dib-u-midoobid ama midoobid?

War wuxu caqli xumaa! Marka laga hadlayo “federalism” waa in la helaa wax isu diyaar ah sidii wiilkii iyo gabadhii oo kale iyagoon cidi isku khasbin. Tusaale ahaan usoo qaado Switzerland. Waxaa halkaas ah seddex qaybood oo seddex af ku kala hadla. Meeya waxa Soomaaliya raba inay “federal” noqdaan? Ma Laascaano iyo Garoowe? Yaab badanaa! Waxaa Zenawi wado kama duwana sidii labo wiil oo dhalinyaro ah oo midi kan kale ku dhaho waxaan kuu guurinayaa gabadhaan dhalo markaan guursado. Haddaad i rumaysanwaydo fiiri qodobada 19 &88 ee Axdiga ku-meel-gaarka ah. Aan qodobka 88-aad kusoo qoro halkan.

QODOB 88.0

“MAAMUL GOBOLEEDYADA JIRA

1.      Xukuumada iyo maamul goboleedyada jira waxay ka mid noqonayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka ah.

2.      Dowladda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah waxay gacan ka geysanayaan muddada ku meel gaarka ah sidi loo gaari lahaa maamul buuxa oo federaal ah.

3.      Aasaasida maamulo gobol federaal in lagu dhamaystiro labo (2) sano hore si loo hirgeliyo Axdiga Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah.

 

Gobolada aanu ka jirin maamullo gobol waa in gacan laga siiyaa sidii looga dhisi lahaa xukuumado federaal ah”.

Ufiirso qodobka 88-aad numberkiisa seddexaad iyo qormada ka dambaysa oo oranaysa waa in la aasaasaa maamul gobolleedyo “federal” ah waliba gacan lagu siiyaa kuwii aan lahayn! Waa u jeeddaan in Axdigan meel kale laga soo guuriyey khaasatan Itoobiya oo ka kooban qoowmiyado kala duwan. Marka “federalism” laga hadlayo waa in la ogyahay waxa isku biiraya si xor ah. Islaamku wuxuu diidaa in lakala gato waxyaalo aan gacanta dadka wax kala gadanaya ku jirin ama aan la aqoon xittaa wuxuu diidaa miraha beeraha oo aan si fiican u bislaan in lakala gato. Sidoo kale wuxuu diiday in qof kaa gado xoolo uurka ku jira ama aan wali dhalan. Dadweynoow waad aragtaan khiyaamada la idin la rabo.

Suugaanta Soomaalida way ka buuxdaa sida looga hortago wararka qashinka ah ee riyada ah ee xaqiiqda ka fog. Waan xasuusanaa inay dhahaan markii Arraweelo ay raggii ku xirtay xujjooyin adag oo la furiwaayey in uu halkaas joogay Oday-biiqay. Araweelo waxay tiri waxaan rabaa dhig cirka iyo dhulka is haysata sida qaansa-roobaada oo ay dadku u qabeen inay dhulka soo taabato oo ay badaha biyaha ku shubto. Oday-biiqay wuxuu barbaartii u-sheegay inay keento wax lagu cabbiro. Arraweelo waa iska aamustay. Marka qab-qablayaashu ma oranwaayeen Zenawi gobollada aad sheegaysid hala aasaaso marka hore aasaas dabadeedna aan isu nimaadno. Qofkii raba in isagoon cidi cambaarayn dabinka ka baxo waa inuu saas yeelaa haddaad nin karmeed tahayna Zenawi si toos ah u dhalleecee.

Dhowr qof baa ka hadashay maqaal uu Axmed Faarax Cali Idaajaa ka qoray arrintaas. Sidoo kale Muuse Suudi iyo C/Qaasim waxay sheegeen in meesha khiyaamo taal. Dadka nimankan warkooda gaashaanka ku dhuftay waa labadii qaybood oo aan ka soo hadlay. Kuwo qab-qablahooda qabiil ku raacay iyo kuwo iyaga shakhsi ahaan uga soo horjeeda. Waxaan rabaa inaan ka la hadlo kuwa shakhsi ahaan uga soo horjeeda maxaa yeelay kuwo hore ma istaahilaan in loo jawaabo.

Horta haddii qof ama axad uu runta sheego lama diidi karo oo lama oran karo beenbaad sheegtay xittaa haddii uu beenloow yahay ama dagaal-ooge. Qisadii Shaydaanka iyo Abuu- Hurayra dhex martay xasuuso markii inta shaydaan iska soo dhigay nin uu Abuu-Hurayra ku yiri isii daa wax kuu fiican baan kuu sheegin. Wuxuu u sheegay inuu Aayad kursiga uu akhristo markuu seexanayo. Mar shiikh Soomaaliyeed ka hadlayey in qab-qablayaashu is dhaami karaan ayuu xaddiiskan ku sheegay taskiyo laakiin wuu ku gafay. Xaddiiskan taskiyo shaydaan la siiyey maahan waxaa laga qaadan karaa axad xuni uu wax run ah sheegi karo iyadoon runtaas uu sheegay aysan wax ka bedelin waxa uu yahay. Nabigu wuxuu Abuu Hurayra ku yiri “sadaqaka wahuwa kaduub” oo ah shaydaanku waa kuu runsheegay laakiin waa beenaale xeel dheer. Nabigu (SCW) ma oran “kaadib” wuxuu yiri “kaduub”. Marka Shaydaankii lama taskiyeyn bal waa la ceebeeyey.

Marka qab-qablihii dhaha Itoobiya waa cadow, dastuurkaan waa khalad way run sheegeen laakiin wali waa qab-qablayaal ilaa ay Ilaahood u toobad keenaan oo ay faraha kala baxaan dhibka ay ku hayaan dadkooda. Eraygaa runta ah oo ay sheegeenna waxba uma tarayo. Marka sidoo kale qofkii Idaajaa haysta waa u jawaabi karaa laakiin wuxuu sheegay run bay ahayd.

Qab-qablayaasha diiday dastuurkaas waa ku saxsanyihiin ee waxaad u baahantihiin inaad iskaga tagtaan meesha. Kuwa kale ee labo-boglaynayana waa inay ku dhiirradaan inay iskaga baxaan. Ogaada cid cid khasbi karta ma leh. Miyeydaan u jeedin Maraykan oo aad aragteen waxa uu hub haysto inuu Ciraaq wax ka qaban la’yahay. Marka ma jiro nin waddankaaga kugu gumaysan kara.

Waxaan kaloo maqlayey qab-qable kale oo ay waraysanayso hornafrik oo la sheegay inuu Luuqadda Carabiga ka soo horjeedo. Horta qofoowna ha isku dayin inaad Carabi iyo Soomaali kala saartid intaan muslim nahay. Waan wada ognahay inaynaan si fiican Carabi ugu hadli karin laakiin dadka Badankiisu akhrin karaan ama qori karaan. Waxaan aaminsannahay in qab-qablahaa markii hooyadiis iyo aabbihiis is-mehersanayeen la isticmaalay kalmado Carabi ah. Sidoo kale wuxuu wataa magac Carabi ah. Marka waalidkiis hadday noolyihiin Ilaahay ha xafido hadday dhinteena Allaha u naxariisto kama gaabin barbaarintiisa. Dhowrkii daqiiqo oo la waraysanayey wuxuu ku hadlay erayadan Carabiga ah laakiin isagu waa moogyahay:

Luuqad, diin, dastuur, khilaaf, saxiix, wafdi, musharax, wakiil, laakiin, dacwad, muhiim, qabiil, sharci, qancid, shakhsi, fashil, carqalad, munaasib, dowlad iyo nooc.

Waraysigaas waqtiga aan maqaalkan qorayo isagoo maqal ah wuxuu ku jiraa website-kaas.

Gababagabo: Qofkii Soomaali ah oo Diinta Islaamka jecel wuu jecelyahay Carabiga. Soomaalidii hore ma ogalayn in dikri ama duco aan Carabi ahayn. Dhalinyaro aan iskuulka isla dhiganjirnay waxay sheegi jireen in haddii dadka miyiga jooga aad u akhriso nashiido Carabi ah ay Sheekh kuu qaadanayaan deedna si fiican kuu soorayaan. Erayyada Carabiga oo ku jira Afsoomaaliga aad bay u badanyihiin markii caadi loo hadlayo waa adagtahay in la iska ilaaliyo maxaa yeelay Afsoomaaligii bay ka midnoqdeen. Marka sinaba looma kali saari karo. Waligay ma arag wax Afcarabi isku khasba laakiin waa diin nacayb waxa ay qab-qablayaashu ula ordayaan. Qodobka ah 15:9 intuu jiro wax Carabi wax ka qaadi kara ma jirto mana jirto cid qodobkaas wax ka qaban karta oo aan ahayn Axadkii sameeyey. Ilaahay baan dambi dhaaf ka waydiisanayaa Suuraddaas iyo Aayaddaas aan qodob ku sheegay. Fiiriya Aayadda 9-aad ee Suurat Al-Xijri oo uu Allaah leeyahay Annagaa soo dejinay dikriga/Qur’aanka annagaana Isaga xafidayna. Qur’aanku intuu joogo Carabigu waa joogayaa. Marka qof walboow naftaada gaalnimo ka ilaasho waxba Carabi kama qaadi kartide.

Mar hadday Soomaali horay u tiri la jiifiyaana bannaan la yaab ma leh in “federalism”-ka ay dadyow samaysteen ay dabo-gediyaan oo khiyaamo ay cinqilaab iyo feer iyo faro-laab ku keeneen noogu sheegaan “federalism”.

Affeef haddaad aragtan erayyo kale oo aan ahayn toddobadii laban-laabmi jiray oo aan labo-laabay sida affeef halla yaabina. Anigu waxaan aaminsanahay in eray kasta oo Soomaaliya laban-laabmi karo.

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD