|
SRRC = Soomaalida Rumaysatay Ra’yiga
Cadowga
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
|
I I D H
E H
|
|
Dugsiga Hoose Dhexe markaan
dhiganayey haddaan maqlo saarkii Carays Ciise Allaha u naxariistee oo ahaa
waraaboow maalin wacan aad baan ula dhici jiray micnihiisuna waa iga
dhaadhici jiray. Markii isagoo Xabashida ka wada ay lahayd aan “federal”
noqo oo aan isku biirno wuxuu yiri:
Wankii oo uu Soomaaliya ka
wado wuxuu yiri:
Carays Allaha u naxariistee
wuu yaqaan inaan waraabe rabbaayad gelin.
Markii Eldoret la joogay
waxaan soo saaray maqaal aan ugu magac daray Sheekhu Najdi shirka halaga
saaro oo aan Zenawi ka waday. Qab-qablayaasha ilaa tooda laga carqaldaynayo
hadalka ma qaataan. Maxaan Zenawi shaydaan ugu sheegay?
Akhristayaal Diinta
Islaamka ayaa sheegtay in shaydaanku inta uu iskaga kaa dhigo saaxiib uu
markaad ugu baahi badantahay kaaga baxaa. Haddaad akhrisid aayadda 48-aad ee
Suurat Al-Anfaal wuxuu shaydaanku Quraysh ku leeyahay anaa idin la jira oo
cid idin ka rayn karta ma leh laakiin markii goobtii la yimid ayuu cagaha
wax ka deyey! Hadda Zenawi wuxuu u sheegay dadka Somaliland ee goosashada
raba inuu hiil iyo hooba la garab-taaganyahay ilaa ay Soomaaliya ka go’aan.
Somaliland nabad soo dabbaale, doorashooyin qabte, madaxweyne Daahir ka
dhigte markii ugu dambaysay ee ay dunida ka doonayeen in la aqoonsado ayey
saaxiibkoodii qaaliga ahaa (Zenawi) ka bilaabeen. Muxuu yiri? Wixii
shaydaanku Quraysh ku yiri. Zenawi wuxuu yiri meesha Maraykan iyo midowga
Yurub baa maraya waxba idiin ma qabankaro waxaan danaynayaa Nabadda
Soomaalida iyo Soomaali weyn.
Carabtu waxay tiraahdaa
“cinda Shadaa’idi yucrafu ikhwaanu” oo ah marka dhibaatadu jirto ayaa la
gartaa qofkii walaal ah.
SRRC = Soomaalida Rumaystay
Ra’yiga Cadowga hadda oo ay dhibanyihiin waxay walaal ka dhigteen Zenawi
waxayna dhagaha ka furaysteen saarkii Carays Ciise Allaha unaxariistee. SRRC
waxay ka baqeen inaysan “dhaxalkii Soomaaliya dhadhamin” makaasay qaylo afka
ku shubteen iyagoo leh “hanqaraarac lug uma dhutiyo” micnaha ninkii shirka
ka baxa isagay jirtaa! Haddii ninka shirka ka baxa aan shuqul lagu lahayn
may joogaan meelihii ay ka yimaadaan oo ay dadka ku dhici jireen? Gabyaa
Soomaaliyeed baa laga hayaa isagoo haweenay ka sheeganaya:
-
Iimaanku qayb buu galaa
waa mid laga qaaday
-
Qalalaasahay jeceshahoo
nabaddu waa u qaaxo
-
Qaanuunku meeshuu ku jiro
qoobka dhigi mayso.
Horta dharbaaxo xun baa
qabsatay oo qorshahoodii ahaa inaan shirka la hakkin oo aan cid loo istaajin
waa lagu diiday. Waxay la yimaadeen caqligii carruurta. Shirka waddamo ayaa
hantidoodii gashay. Ma waxay mooddeen in uu Zenawi xukumo Yurub iyo Maraykan?
Haddee la yaab ma leh waatii Idaajaa nooga warramayey Ibnu Khaltuum markuu
lahaa qof walba cida madaxa uga istaagta waa ka dambeeyaa. SRRC waxay
indhaha fureen oo ay dagaalka soo galeen Zenawi oo carrada hor booda.
Qab-qablayaashii ka baxay
SRRC oo magacooda loo soo gaabin karo SRRC = Soomaalidii Radisay Ra’yiga
C/hi markay toodi socon wayday waxay la soo shirtageen qodobo lagu dhagi
karo oo ay ka mid tahay:
1. Dastuurka oo dacay la
gashay
2. Somaliland hala keeno
3. Qab-qablayaasha hala
heshiishiiyo
4. Hogaanka shirka
Soomaalida haloo dhiibo
Somaliland ma Moorgan bay
meel la fariisan? Madaxweynaha Somaliland iyo Moorgan isku macalin bay
ahaayeen mabaadii isku mid ahna waa la haayeen. Teeda kale marba hadday
Xabashi isku fiicanyihiin waxkasta waa dhici karaan.
-
Suugaantan mala hilmaamay?
-
-
Nin abeeso koriyoow
adigaa u aayine
-
Axdi malaha Xabashidu
lagu aaminaaye
-
Ninkii dilay walaalkeen
-
Inana waa noo danleeyahay
SRRC-da iyo
taageerayaashoodu waxay dhaheen Xabashidu taad taqaaneen maaha! Koow waa
tee? Waxaa la dhahaa:
“man caasha calaa shay’in
maata calayhi” waa meeshii Barkhad Cas ka lahaa waxaad wadhafto oon wad kaa
helin ka waantoobay waa war loo noqon ama sida Soomaalidu u tiraahdo waxaad
baratay waa baaskaa. Miyeydaan u jeedin in macalinkii bilaabay in Itoobiya
loo irkado uu wali maanta hoosta uga jiro. Miyeeydaan u jeedin in ay da’i ka
dabo timid isagoon mowqifkiisii bedelin iyadoo ay Amxaaradii wax badan iska
bedeleen.
Cadowgaaga cadowgiis ma
saaxiibkaa baa? Maahan siyaasad muslim. Cadowgaaga cadowgiis waa wuxuu kuu
yahay! Waxaan ka wadaa haddaad dad muslim ah is haysataan dadka cadowga u ah
muslimkaas dheh Xabashida sinaba saaxiib kuuguma ahan ee adna waa cadowgaa.
Caqliga Soomaalida markii la eego Somaliland iyo Puntland waa isu cadow
haddii mid ka mid ah uu Zenawi soo weeraro, Zenawi ma wuxuu noqon
saaxiibkood? Haddii aad SRRC ka mid tahay haa. Dib ugu noqo qisadii Kacab
Binuu Maalik. Yaan loo fahmin in Nabiga Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha
ahaatee iyo Kacab cadow isu ahaayeen ee waxaan uga jeedaa in uu Kacab warqad
ka helay boqorkii Ruum isagoo leh nin caan ah baa tahaye noo imoow oo
muslimiinta ka soo tag markii uu ka haray dagaalkii Tabuuk oo la qaadacay
laakiin Kacab waa diiday. Sidii kale Mucaawiye wuxuu warqad ka helay Ruum oo
oranaysa waxaan ku siinaynaa taageero aad uga hortagtid Cali Binu Abii
Dhaalib Ilaahay Raali ha ka noqdee laakiin Mucaawiyey Ilaahay Raali haka
noqdee wuu diiday.
Talo: hadday noqoto in
shirkaas dib loogu soo noqdo waa in dastuurka, hogaanka iyo qaabka shirka
wax laga bedelaa. Haddii kale inta wax la iska saxiixdo ayaa hadhow waxaad
halaagaysaan dadkiina iyo dalkiina. Deg-deg wax ma taro. Waqtigiina qaata.
Sidii horay loo sheegay waxay ku fiicnayn in qab-qablayaasha oo dhan la
xirxiro oo maxkamad la horkeeno.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|