SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Madaxwayne Bush: Minnesota waxaan ku jeclahay hilibka doofaarka

Madaxweyne Bush oo ku soo fool leh Minnesota markale sidii caadada u ahayd.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

 Musharaxii hore ee duqa Minnesota

 
 August 18, 2003

 

Taasi waxay ahayd hadal kaftan ah oo madaxwayne Bush kaga jawaabayay su’aal uu weydiiyay Governorka Minnesota Tim Pawlenty, su’aashaas oo ahayd: Jaalle madaxweyne Maraykanku waa 50 state ee maxaa kugu kalifay in aad marwalba ku soo noqnoqoto Minnesota?

Jawabtiisa waxay ahayd “spam” oo ah hilib doofaar oo la farsameeyay oo weliba aan safi ahayn. Haddaba qofkii aanan garanayn macnaha spam iyo Minnesota wax ka dhaxeeya waa ku wareerayaa kaftankan marka haddii aan isku dayno in aan sharaxno waa sidan. Spam (ma aha tii computerka la xiriirtay)oo ah hilib doofaar oo la farsameeyay waa cunto waqti adag oo reer Minnesota soo maray abaarta lagaga bixi jiray waayo waxay ahayd hilib raqiis ah, laakiin hadda dadka reer Minnesota waa ladan yihiin oo waaba ka faanaan oo weliba qaar baa ku yaaq yaaqsada markay maqlaan.



Tartankii cayaraha Soomaalida ee laba kooxood ee Maine iyo Boston ku dhexmartay Porland ka akhri Pressherald
Sawirada: Pressherald
GUJI...

Inkasoo markaasba dadka dabaqadda dhaqaalaha ee sare iyo dhexe aanay cuni jirin laakiin dad badan oo maanta labadaas dabaqad dhaqaale ah ayaa ku soo koray. Spam oo ka soo bilaabatay magaalada Austin, Minnesota waxay ku fiday gebi ahaanba maraykanka oo maanta weliba habkii qasacadda loo gelin jiray waxaa loo geliyaa noocyo kale oo hilib ah.

Madaxweyne Bush waa siyaasi doorasho ku taagan tahay booqashadiisa wuxuu ku sheegaa in sababta uu Minnesota ugu soo noqnoqdaa ay tahay dadka reer Minnesota oo uu aad u jecel yahay. Dhab ahaantii Madaxweyne Bush labadii sano ee u danbaysay waxaa la hubaa inuu Minnesota yimid ilaa lix goor welina uu soo socdo. Minnesota oo ah gobol caasimadda ka fog uma baran madaxweyne ku soo noqnoqda. Mararka qaar in muddo ah ma aysan arki jirin madaxweyne imaanaya halkan sidaas darteed dadweyne badan ayaa dareemay. Markii u danbaysay oo uu halkan yimid waxay ahayd bishii Juun ee sanadkan haddana wuxuu imaanayaa 26ka August. Markanse wuxuu u imaanayaa inuu lacagtii ololaha doorashada ka urursado, waxaana la filayaa in saaxiibadii ay diyaariyaan lacag badan bal marka u horaysa si ay u muujiyaan cududooda dhaqaale.

Nidaamka gobolada wax u doortaan ayaa la filayaa in ay sibedelaan oo qaar xisbiga dimoqraadia ku guulaysan jiray ayaa laga yaabaa in sanadkan republicansku ku guulaystaan. Gobolkan Minnesota wuxuu ka mid yahay kuwa la filayo in uu madaxweynaha ku guulaysto xisbiga dimoqraadigana taas dhimasho ayuu ka xigaa oo inay miciyaha ku dagaalamaan ayay rabaan sidaas darteed ayaa Minnesota lagu tilmaamay goobaha dagaalka ee 2004. Ogow doorasho lama filaan ayay noqonkartaa!

Taariikh ahaan Minnesota waxaa is lahaysiin jiray xisbiga dimoqraadiga oo weligii ku guulaysan jiray. Markii ugu danbaysay oo madaxweyne maraykan ah uu ku guulaysto Minnesota waxay ahayd 1972. Gobolkan waxaa ka soo baxay siyaasiiyiin heer qaran ah oo ka gaaray siyaasadda ilaa madaxweyne ku xigeen sida Walter Mondale iyo Hubert Humphery.

Doorashadii u danbaysay ee madaxwetnenimo ee Bush iyo Al Gore ee 2000 aad ayay isugu dhowaayeen oo Al Gore ayaa ku badiyay 5000 oo cod oo keliya asagoo weliba madaxweyne Bush uusan ka samayn olole rasmi ah waqtina iska gelin. Taas iyo September11 ka dib oo dad badani u arkaan madaxweynaha inuu yahay geesi iyo xisbiga republicanska oo aaminsan inay sahal tahay inay ku guulaystaan ayaa sababtay in madaxweyne Bush ku dhiirado inuu reer Minnesota booqashada ku badiyo, lacagta ololaha doorashada ka gurto lacag kalena geliyo si uu Minnesota ugu qarqiyo mutadawiciin albaabkasta garaacda iyo iidheda TV yada.

Doorashada oo dhici doonta November 2004 ayaan hadda la sii saadaalin karin waayo xilligaas inta laga gaarayo ilaa hadda wax weyn ayaa dhaqaalaha ama amniga iska bedeli kara. Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in doorasha Maraykanka ee 2004 uu ku guulaysan doono qofkii ku guulaysta inuu ammaanka sugayo iyo inuu dhaqaalaha soo kobcinayo tan kale oo ahaan lahayd kalsoonida madax weyne Bush cabsi kama hayso waayo dadka maraykanka badankood daacad ayay u arkaan.

Maxamuud Nuur Wardheere 

mnwardere@yahoo.com 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

  

QORAALADII HORE EE WARDHEERE---1 | WARDHEERE--2

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD