SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Qaar ka mid ah madaxda magaalada Minneapolis, Minnesota oo fuliyay adeeg looga baahnaa.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

August 25, 2003 

 

barxad Barxad ka mid ah xaafada Cedar, Minneapolis

Labaatankii bisha August saacaddu markay ahayd 7dii fiidnimo waxaa maqaayadda Kaah ee ku taal mallka Soomaalida ee Elliot iyo 24 Street ka dhacay dhagaysi ay ay dhagaysteen councilman Dean Zimmerman oo ka socday maamulka magaalada Minneapolis iyo khabiir Dan oo xagga nabadgelyada ku taqasusay kana socday booliiska Minneapolis. Waxay ahayd xaflad aan caadi ahayn waayo madaxdu ma u imaanin in ay qudbeeyaan ee waxay u yimaadeen in ay cabashada iyo dareenka dadka Soomaaliyeed ee degan magaalada Minneapolis dhagaystaan halkaasna ay ku qaataan magacyadooda iyo sidii ay ula soo xiriir lahaayeen. Ayadoo ujeedadu tahay in wax loo qabto ama loo sheego ciddii ku shaqo leh.( Xilligan Minneapolis waxa ka dhacay denbiyo aad u badan, dhowaan labo nin oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo Maxamed Saalax iyo Axmed Xuseen Axmed ayaa la dilay Alla ha u naxariisto;waxaa kale oo la dhaawacay ama la dhacay dad badan oo Soomaali ah).

Kowdiiba waxaa lagu shamuumay kjabiir nabad gelyada oo ka socday Minneapolis Booliis oo lala socodsiiyay xaaladda ammaan xumida iyo dhibta Soomaali badan ka haysata booliska iyo burcaddaba. Waxaa xusid mudan in isla markaas goobta la keenay gabar markaas boorso laga dhacay iyo saddex oday oo la garaacay oo ay garaaceen wiilal aad u da’ yar.

Koox kale oo Soomaali ah waxay ku shamuumeen councilman Dean Zimmerman oo ay uga dacwoodeen dhibta ka haysato qaar ka mid ah maamulayaasha guryaha dawladda ee magaalada iyo iwm. Dadka dhibta haysata waxaa ka mid ah oday Soomaaliyeed oo indho la’ oo loo diiday in wiilkiisii caawini lahaa u yimaado oo u soo galo, weliba wiilkii ayaa loo gooyay warqad ganaax ah. Oday kale waxaa loo qabtay inuu guriga ka baxo muddo bil ah ka dib markii uu nin dhallin yaro ah oo da’ yar gurigiisa keeney qaad uusan shaqo ku lahayn.


Tartankii cayaraha Soomaalida ee laba kooxood ee Maine iyo Boston ku dhexmartay Porland ka akhri Pressherald
Sawirada: Pressherald
GUJI...

Waxaa kale oo dacwadooda dhiibtay dhawr odayaal oo ay dhib ku noqotay inay gooyaan wadada u dhow oo laamiga ah si ay xataa farmashiga daawo uga soo gataan ayagoo weliba sheegay inay mararka qaarkood iska laabtaan markii ay baabuurta kala go’iwayso. Odayaashan Soomaaliyeed waxaa kale oo ay sheegeen in ay arkeen baabuurta oo qof ku dhacda oo qofkiina loo qaado isbitaal,

Arrimaha cabashada ah oo ay soo gudbiyeen habeenkaas Soomaalida inta kuma soo koobi karno laakiin waxaan shaki ku jirin in ay ahaayeen kuwo loo baahnaa in madaxda la ogaysiiyo. Siday wax uga qabtaanna waa la arki doonaa!.

Councilman Dean iyo qabiirkii booliska ee dhinaca ammankaba waxay codsadeen in ay jeclaan lahaayeen in bil walba mar ay dhgaystaan Soomaalida dhibta haysato si ay wax u taraan, waxayna u mahad celiyeen kuwii soo abaabulay.

Maxamuud Nuur Wardheere 

mnwardere@yahoo.com 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

  

QORAALADII HORE EE WARDHEERE---1 | WARDHEERE--2

25-jir Loo Xiray Dilkii Maxamed A. Saalax
Waxaa xabsiga loo taxaabay ninkii taxi-wadiha Soomaaliyeed ku diley magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, USA.. Guji...

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD