|
GABAR SOOMAALIYEED OO QALLIIN DEGDEG AH U BAAHAN

Codsi naga soo gaarey dadweyne
farabadan awgeed ayaan u qarinay cawrada, balse maadaama aad
xaqiiqada nala aragteen fadlan ka qayb qaata caawinaada,
ujeedadanadu waxay ahayd in aan dadweynaha tusno xaqiiqada rasmiga
ah ee xishoodka lahayn. gabadhan yar waa dhiban tahay
gargaarkiina ayeyna u baahan tahay. |
Waxaan dhammaan halkan idiinku soo
tebineynaa gabar yar oo Soomaaliyeed oo gargaar degdeg ah u baahan.
Gabadhan yar oo magaceeda layiraahdo
Maryan Yuusuf Maxamed, da'deeduna tahay 15-bilood waxaa haysata
dhibaato aad u weyn taas oo ah in aysan si caadi ah kaadidu uga
imanayn, balse ay iska socoto kaadida oo aysan xakamayn karayn, iyo
ayada oo sida sawirka ka muuqata aad uga jiran xubnaha kaadi mareenka,
waxayna u baahan tahay qalliin degdeg ah.
Sida ku cad
warbixinta dhakhaatiirta gabadhan yar ku arkay Muqdisho, waxay u
baahan tahay dhakhaatiir takhasus dheeraad ah u leh qalliinka xubnaha
kaadi mareenka. Qoyskeeduna ma awoodaan kharashaka ku baxaaya
qalliinkeeda. Sidaas daraadeed ayaan halkan idiinku soo gudbiney si
aad uga qayb qaadataan taageerada gabadhan yar.
Warqaddii dhakhaatiirta
ka eeg
halkan... Guji...
Wixii mucaawino ah waxaa lagu
hagaajin karaa:
tel:2525-968678
fax:2521-217728 ama
Emailka:
awfaarax114@hotmail.com
XUSUUS: Sawirka gabadha
yar waxaan wajiga uga qarinay si aan u xafidno aqoonsigeeda, maadaama
xubnaha muuqda ay yihiin cawr, xubnahaas sababta loo muujiyeyna ay
tahay mid la xiriirta xaqiiqo tusida qof kasta oo ka qayb qaadanaya
gargaarka gabadhan yar.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2003
LIFAAQ Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan
cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay loogu
arkijirin ee hadda kusoo badanaya. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa
waxa ay tahay, sunta lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii
Dr.
Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo batay
Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh cilmigaas......
Guji....
|