SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 

  

S.N.M : Xinifbaaba loo Kordhiyay iyo Xoorrimaadee !

W/Q : Ahmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
India December 2003

Ayadoo uu banii-aadanku sidiisaba ilowsho badan yahay, ayay hadana sidaan aaminsanahay dadweynaha reer somaliland ugu sii ilowsho badan yihiin, runtii inaan sidaas idhaahdo maan doonayn hayeeshee waan ku qasbannaaday markii aan arkay xaqiiqada dhabta ah, isla markaasna aan u fiirsaday in badan oo dadweynaha kamid ah.

Bulsho weynta reer somaliland haddii aad dhex qaaddo oo aad qof qof ugala sheeekeysato arrimo ku saabsan ururkii xaqu dirirka ahaa si aad u ogaato sida ay u arkaan Ururka iyo halgankii xaqa ahaa ee lagula jiray Ina Siyaad garba weyne iyo xukuumaddiisii kacaanka ee qabiilku lahaa, qabyaaladdana ku shaqayn jirtay, haddiiba waxaad ogaaneysaa ama aad dareemaysaa inay dadka ku yar yihiin inta xog ogaalka u ah waayihii ururka shalay iyo maanta, waxaad dareemaysaa inay dadka si dhib yar u halmaammeen halgamayaashii jihaadka ku shahiiday, kuwa hadda nool, iyo xaasaskii iyo ubadkii ay ka tageen intii hoyatay ilaah naxariistiisa hasiiyee, waxaa kaloo aad garawsanaysaa sida sahalka ah ee loo ilaaway dhamaan dhibaatooyinkii lasoo maray ayaamihii tagay sida dawladnimadii 1960kii gebiga laga tuuray,caddaalad darradii iyo garba duub u xidhnaantii 1960kii ilaa 1969kii, iyo musiibooyinkii halista iyo khatarta huwannaa socdayna intii u dhexaysay 1969kii ilaa 1990, halistaas oo uu ururkii S.N.M ka bedbaadshey dadka iyo dalka somaliland horraantii sanadkii 1991.

Xilli hore dad badanoo aanu ka wada sheekaysannay taariikhdii S.N.M ayaan su'aalo badan waydiiyay anigoo doonayay bal inaan ogaado siday la tahay, mid kastana waxaan waydiinnaayay bal inuu saheego waxyaalihii dhaliyay halgankii ururka iyo wixii laga dagaalamaayay ? kadibna waxay dhamaantood ku jawaabayeen oo ay sheegaayeen qaar kamid ahaa dhibaatooyinkii ba'naa ee bulshada laga galay sida xasuuqii, dilkii, dhacii, hantidii lala wareegi jiray sabab la;aan, cabudhintii iwm ; Inkastoo ay saxsannaayeen jawaabahaasu hadana waxay ka reebayeen ama ay kusoo dari waayeen arrin kamid ahayd dhibaatooyinkii kacaanka kuwoodii ugu halista iyo khatarta badnaa taas oo aan hoos ku sheegi doonno, anigu waan ugu horeysiin lahaa haddii su'aashaas oo kale lay waydiin lahaa .

* * * *

Sanadkan aan ku jirno bilihiisii hore ayaan baraha internetka ee soomaalidu wararka isugu gudbiso midkood ka helay gabay dheer oo xikmad meel sare gaadhsiisani ay ku jirto, gabaygaas oo uu tiriyay Abwaan Ibrahim Xasan maxamed ( gaagaale ) ilaahay khayr hasiiyee ,wuxuu ka waramaayay arrimo badan oo muhiim ah oo tan aan sheegaayayna kamid tahay, waxaa ku jiray gabaygaas murti iyo taariikh anfacaysa dadwaynaha somaliland gaar ahaan dhalin yarada oo aad mooddo inay xagga madadaalada u dillaameen.Dhibaatooyinkii dadweynaha reer Somaliland soo food saaray 30kii sanno ee midnimadii lagu hanqaarmay waxa ugu darnayd halistii iyo hawshii naxdinta lahayd ee lagu boobayay reer Somaliland mudadii u dhexaysay (1979-1990), xilligaas oo la doonnaayay in dadweynihii dhulkii loo yiqiin gaboladii waqooyi dhulkooda la dhaxal wareejiyo lagana dhaco si loo dejiyo qaxootigii ogaadeenka iyo beelo kale oo loo dal ballaadhinaayay kacaankuna hoosta ku watay , arrintan dhul balaadhsigu waxay ahayd mid badheedh ah oo duhur cad la rabay dhul dadkii lahaa oo ciiddaas ka badanu joogaan in la meersado sidii tulud geel oo kale ayadoo lagu gabannaayo wixii kacaanku u yiqiin soomaalinnimo iyo in aan dhulka lakala lahayn waa siday ehelkii kacaanku aaminsannaayeenee, (walina way wadaan qorshahaasee ! ).

Abaal nin gala la arag, nin gudaase yar , waa maahmaah soomaali ah oo caan ah oo murtida iyo xikmadda ay ku holliban tahay ka sokow tilmaamaysa abaal xumada ay soomaalidu kula kacdo qofkii ama ciddii wanaag iyo nimco dulundulcaynaysa durduursiisa.

Dadkaas kililka shanaad ee Itoobiya ka yimi markii ay ayagoo dagaag ah guure iyo geeddi arooryaadba kusoo galeen carradii Somaliland oo xiligaas ku magacawnayd goboladii waqooyi ee soomaaliyadii hore dadwaynihii reer Somaliland adduun, taakullo iyo tabantaabo kaleba waxay heli karayeen si hagar la,aan ah bay ugu miiseen dadkaas soo geeddiyay ayagoo maanka ku hayay walaalnimo iyo fikraddii Somaliweyn ee kacaanku gambiyey. Ayadoo sidaa iyo si ka fiican oo aanan hadda halkan ku wada sheegi Karin loosoo dhoweeyay dadkaas hadda jamhuuriyadda Ogadenya la baxay ayay arrin naxdin leh ku kaceen,waxay ka abaal ka dheceen wanaaggii ay dadkii deegaanku ugaleen, inkiraad iyo garawsho laaan midkay doonto haka ahaatee waxay garan waayeen inay dhulka marti iyo qaxooti ku ahaayeen,waxay qiri waayeen isla markaasna ay laabta ka ogaan waayeen abaalkii loo galay; Intaas oo dhan intay maanka ka saareen ayay dadkii marti galiyey dhib iyo kibir hor leh ka dhex bilaabeen ayagoo ciidamadii kacaankana taageero ka helaayay.

Bulshadan aan hadda waayihii laysla soo maray in yar uun ka tilmaamayaa waa kuwii la dajinaayay magaalooyinka, tuullooyinka,iyo dhulkii miyiga ahaa ee Somaliland, dajinta magaalooyinka iyo miyiga waxaa usii dheeraa ayadoo jagooyinkii waaweynaa ee xukuumaddii markaa jirtay muwaadiniintuna xaqa ulahaayeen si gar darro ah oo aan caqliga galayn looga buuxiyay, waxaa loo magaabay bulshadaas xilalkii waaweynaa ee badhasaabyada, maayarada,danjirayaasha, wasaaradihii muhiimka ahaa sida arrimaha gudaha, goleyaashii sare, warfaafintii iwm. Waxaa guudkooga lagu taxay oo ay maroorsadeen darajooyinkii ciidamada oo idil,qaxootigaasu markii ay awooddii dalka oo idil gacanta ku dhigeen si sharci darro ah ayay bilaabeen inay isku dayaan inay si basarxumo ah dhulkii muwaadiniinta u dhacaan dawladdii kacaankuna ninkastoo wax qaadi karaayay oo kuwaas kamid ahaa hub iyo saad kaleba waxay heli karaysay way ku qarqisay xilliyadii 80maadkii. Gabayga gef iyo gadood ee uu tiriyay walaalkeen Abwaan Ibraahim meerisyada dhacdadan wax ka tilmaamayay waxaa kamid ahaa kuwan :

Galootiga kuwii nagu ahaa, ee mudada gaaban.
Oo golaha qaar loogu daray, ee la garan waayay.
Guddoomiye kuwii laga dhigay iyo jannano geesh haystay.
Danjiriyo wasiir gaadhayee, guri cad loo qeyday.
Qaxootigii wadanigiiba gambiyay ee dalkii goostay.

* * * *

Waagaas bulsho weynta Somaliland waxay ku sigteen in dhulkooda oo idil la maroorsado , dabadeedna ay ay noqdaan wax la dabar gooyay iyo wax bilaa cod ah oo goboladii dadka kale si sumcad xummo ah, dhuumasho iyo is gaabinina ku jirto ku jooga laguna diigdiigsado, - Ilaahaybaan sidaas iyo xumihii kale ee laynala damsanaaba ka dhigin oo mahadle S.N.M na noogu gargaarayee Halistaas markii laga dhiidhiyay ee ay geesiyaashii SNM weerarada isdaba joogga ah ku hayeen dawladdii qabiilku lahaa ,qabyaaladana ku shaqaynaysay ee kacaanka waxay dadkaas aanu ka hadlaynaa wadeen tiiqtiiqsi ,kibir iyo afweyne u adeeg. Waxay soo tirin jireen gabayo meel ka dhac ku ahaa dadwaynihii deegaanka ee horay abaalka ugu galay, gabayadaas oo ay ku qadfayeen dad iyo mujaahidiin kaleba ciddii halganka waday.

Halgankaas xaqa ahaa ee ay halgamayashii SNM wadeen doc ka wreenka ay dadkaasu ku hayeen waxaa sii dheeraa gabayadaas aan sheegnay iyo aflagaadooyin kale oo aysoo tirin jireen qofkii reer Somaliland ah ee ka jawaabana jeelbaa lagu qabiri jiray halka ayna iyaga cidiba waxba odhan jirin.

Taliskii kacaanka oo is bidaayay awood weyn wuxuu u haystay inaan marna inta guryaha loogu yimaado aan magliyada loo qaadi Karin hayeeshee taasu waxay beenowday sanadihii 1983 iyo wixii ka dambeeyay, markii ay dagaalyanadii geesiyaasha ahaa xoogga ku furteen xabsiyadaa dadka laga buuxin jiray ee mandheera iyo birjeex ee tabcada laxaadka leh loo dhigay kacaanka, ayuu gabay dheer oo ay tuducyadanu kamid ahaayeen tiriyay abwaanka weyn ee Cali banfas, wuxuu yidhi abwaanku :

Golihii mandheera iyo halkii gaadhka laga toogtay.
Gobannimadu sow maalintii gacan libaax ma aha.
Halkii guurtidii lagala baxay taan ka guin maaha.
Wax loo galaaftaa shacbiga sow kas gudhay maaha.

Waxaanu aragnay gabayo ay halgankaas ku xumaynayaan nimankii damaca dhuleed hayay,runtii waxaan la yaabnay waxa nimankaas waxaas ku kalifay sababtoo ah dhulka halganku kasocday wuxuu dhulkii waqooyi ee soomaaliyadii hore haatanna ah Somaliland ,xukuumadda lala dagaalamayayna waxay ahayd tii kacaanka sidaas darteed waqooyi iska daayee soomaaliya oo idi nin aan deegaan iyo gobollo ku lahaynu wuxuu dadkaas hawlahooda watay usoo dhex galaayay una aflagaadaynaayay waxay ahayd uun faduul iyo xasarad doon sow ma aha ! ? hadaladii ay tiriyeen iyo taariikhdii bulshadaas ee xilligaa maqaalku kuma saabsana sidaas darteed inagoo aan kusii dheeraanayn gabayadoodiina aan halkan ku qorayn ayaynu si kooban u sheegaynaa qayba kamid ah hadaladoodii oo tiraab ahaan aan ku muujinayno.

Markii weeraradaas ay SNM ku guulaysatay Abwaanka Cali banfasna murtidaas kor ku xusan ku tilmaamay guushii la gaadhay ayay nimanka la baxay Ogadenya hadaladii ay tiriyeen ku sheegeen in SNM askartii ay laysay askar huruday oo lasoo gaaday ahaayeen,markii ciidamadii kacaanku dad shacaba ay ku laayeen buurta gacan libaax agteedana waxay yidhaahdeen haddii aad reer hebel tihiin annagoo ciddaasa ayaa idin laynay, dalka gabigiisaba waanu idinka rari, dawladda anagaa leh iyo hadallo kale oo deelqaafka ay lahaayeen ka sakow ciddii ka jawaab celisa kacaanku xadhig iyo xasuuq kolba kuu doonno uu kula kici jiray.

* * * *

Maanta haddii aad deristo siyaasadda iyo arrimaha soomaalida wali waxaa hor boodaaya meelo waaweynna gacanta ku haya kacaankii iyo intii ay khayaada bareen oo ay kamid yihiin nimanka haysta kooxda carta ee wakhtigeedii dhamaaday hadana kali talisnimadii la baray awgeed ay ku andacoonaaya inay xukumaan raascasayr ilaa raaskambooni. Dadkii dalka ku gelgelimaystay oo ahaa nimankii ay halgamayaashii xaqu dirirka ahaa ee SNM hoorka kasoo qubeen waxay ilaa hadda aaminsan yihiin fikradihii xag jiray ee kacaankii 21kii aktoobar oo ay ka mid yihiin in aan dhulka soomaalidu degto lakala lahayn oo qof kastaa meeshuu doono tagi karo, degi kari isla markaasna xukumi karo codna ku yeellan karo , waa fikrad ay inta badan wataan dad aan dhul hagaagsan lahayn ama dhulkoodu qarfo iyo dhul lahaysto uu yahay sida dhulka ay ogaadeenya ula baxeen ee ay rabaan inay magaca beeshooda quruumo badan ku qasbaan.Ayadoo kacaanka fikraddaa xag jirta laga waaninaayo ayaa :

Garawso la yidhi dawladnimo , waw gudboonnahayee,
Gobollada udaa baa layidhi ,maamulka ugaara.
Haw adeegsan gaasbaa layidhi beeshaad garan weydo
Geyigaba kadaabaa layidhi, guri collaadeedka .( Abwaan Ibraahin ).

In dadka soomaalida ahi ay dhulalka kala duwan ee soomaalida wada degi karaan lama diidana waxse laga galiilyoonayaa khayaamada iyo dhulbalaadhsiga mataanaha ah ee ay reer kacaan ku hadoodilayaan arrinta soomaalinnimada ay ku tilmaameen ee ay rabaan inay meel walba ku xukumaan, haddii uu qofka soomaaliga ahi dhul soomaaliyeed ka yimaado tagona dhul kale oo soomaaliyeed nidaamku waxa weeyi inuu hab wanaagsan oo sharci ah ku joogo siloo ilaaliyo xuquuqda dadka kolba deegaankii la joogo leh iyo xuquuqda qofka kale ee qaybta kale ka yimi.

In aynu khayaamooyinkii kacaanka si qoto dheer usoo bandhigno ujeedadeennu ma aha hayeeshee inaan wax ka tilmaanno waxa inagu riixay dib u jalleecidda waayihii shalay ee mujaahidiintii SNM iyo sida ay maanta dadweynaha reer somaliland badhkood u ilowsan yihiin, Mujaahidiintii iyo halgamaayshii Snm lama ay mid ahayn jabhadihii kale ee kacaanka mucaaridka ku ahaa, waxay ahaayeen nimankii hadh cad ugu soo galay kuwii 1969kii burburiyay qarankii soomaaliyeed ee rayidka ahaa guryihii iyo beerihii quruxda badnaa ee ay ku daansha daanshoon jireen ee teeriyada ku joojay, SNM wuxuu ahaa ururkii ugu cududda iyo awoodda weynaa ee guud ahaan dalkii soomaaliya dhexdiisa ka halgamay ururkaas oo aan la barbar dhigi karin kuwii yaryaraa ee meelahaa wax ka tuurtuuri jiray sida SSDF oo markii ay awood waayeen aakhirkii isdhiibay. Haddii aad ururadii halganka kala hor yimi siyaad barre deristo dabadeedna aad barbardhigto xaqu dirirkii SNM waxa markiiba kuusoo baxaysa sida ay ukala halgan iyo hawl qabad badnaayeen inkastoo ururada qaarkood aan arrinkooda halganba lagu tilmaami karin ee ay ahaayeen qaar ujeeddo kale udagaalamayay sida ssdf. SSDF sidii aan barnaamijka bbcda bishan horraanteedii ka dhagaysannay waxay heshay hub aad fura badan iyadoo ka faaiidaysatay dagaalkii uu maxamed siyaad sidii khayaamada lahayd umadda ugu lug gooyay 1977kii , waxa kale oo ay ka faaiidaysatay taageeradii ay liibiyi u fidisay iyo siyasaddii adduunka ee dagaalkii qaboobaa saamaynta kulahaa, ayadoo ssdf intaasoo fursada heshay ayay hadana ku dhici wayday inay kacaankii ugu soo galaan magaalooyinkii dadkoodu waxka dagi jiray sida garoowe iyo boosaaso arrinkoodiina wuxuu ku dambeeyay isasoo dhiibnayee kacaanow na nadaa.!

Laba arrimoodbaana la odhan karaa way keeneen fashilaaddii ssdf waa midda horee hogaankii jabhadda oo aan taladii sare cidna u ogolayn ka qayb galkeedii iyo midda labaad oo ahayd shacabkii taageerayay oo aad iyo aad uga yaraa kuwii taageeri jiray halgamayaashii kale ee ay SNM iyo USC kamid ahaayeen, USC oo iyadu samaysan tay xilliyadii ugu dambeeyay ee talisii kacaanku sii dhacaayay SNM na curyaamisay awooddiisii ciidan waxay ahayd iyaduna jabhad sida SNM oo kale dulmi dadkooda lagu hayay ka dagaalamaysay ; maalmo dhowayd ayaan akhriyay niman yidhi snm may guulaysateen hadii aanay usc koonfur halgan kabilaabin, taas waxaan odhan karaa waa been caddaan ah waayo intii aan usc lagu dhawaaqin snm waxay xoraysay oo ay haysatay dhamaan magaalooyinkii yaryaraa ee soomaliland, magaalooyinkii waaweyn laftooda markii kacaanka laga saaray ee laga awood batay waa kuwii nafla caarrigii dayaaradihii qaranka adeegsaday ee intay shacabkii laayeen yidhi jihaadbuu ahaa ! taas waxaaba ka hawl yar gacmo wada jir bay wax ku gooyaan haddii aan snm waqooyii soomaaliyadii hore qabsan lahayn oo aanay ciidamada naafayn lahayn usc qudheedu may gaadheen guul inay guul gaadho iska daayee bil kaliyana may halgami karteen haddii sidii snm dayaarado iyo hanti qaran loo adeegsan lahaa.

Inaan arrimaha usc, ssdf iyo wixii lamid ah ku dheeraado maan doonayn waxse igu kaliftay anigoo la yaabay waxyaabaha aan raadka lahayn ee ay waayadan dambe dad badanu meelahaa ku qorqoraan.

* * * *

Haddii aynu garannay geesinnimadii iyo daacadnimadii ay halgamayaashii SNM shacabkooda ugu adeegeen, haddii aynu ogaannay inay wadaninimo muujiyeen oo ay u jilib dhigeen ciidamadii lagu tilmaami jiray inay lamid ahaayeen kuwii kale ee xooggannaa dawlahada Afrikaankee filka waynina lahaan jireen, haddii aynu ogaannay in halgankoodii waxba lagaga qaadi kari waayay dayaaradihii qarankee samadada lagaga keenay iyo guutooyinkii faraha badnaa ee loogu heesi jiray Maska ma cuntaa ? haa !, sideed u cuntaa ? ham ! , haddii aynu intaas iyo inkabadanba oagaannay inay u jilib dhigeen cadawgiina goobo badan kaga gacan sarreeyeen, dadkoodii iyo dalkoodiina ay ka badbaadiyeen halistii, gumaadkii iyo dhulkoodii la dhaxal wareejinnaayay sow inalama gudboona inaynu qaddarin, tixgelin iyo maamuus dheeraada siino mujaahiidiintii naftoodii qaaliga ahayd u huray danta dadkooda iyo dalkooda, sow waajib ma aha dadweyne iyo dawladna in loo abaal gudo mujaahidiintii SNM inta maanta ka nool, xaasaskii ay ka tageen halgamayaashii shahiiday , iyo ubadkoodiiba ? nabadgelyadii iyo guushii ay keeneen oo aynu maanta hoos hadhsanayno inaynu u ognahay oo aan si dhib yar loo ilaawi karin inaynu dareensiinnaa sow hawl inoo taalla ma aha ?. SUaalahaas jawaabahoodu waa caddaanee , miyaanay wax laga murugoodo ahayn markaad aragto dadwaynihii iyo dawladdii oo ka gaabiyay kaalintii waxqabad ee ku aadanayd SNM . Abwaanka caanka ah ee Xasan xaaji cabdillaahi ( xasan ganey ) ayaa sanadkii 1992kii markii xaaladda dalku kacsanayd isagoo dadwaynaha u tilmaamaya jidka wanaagsan ee dantu ku jirto wuxuu tiriyay maanso dheer oo duufaan la yidhaa, wuxuu abwaanku maansadaa qaybo kamid ah si cilmiyaysan ugu sheegay sida dhibta yar ee ay dadkeenu wax u ilaawaan, anigoo aan wada xusuusan karayn hadaan qayb kasoo qaato waxaa kamid ahaa meerisyadan.

Sidii daacuflaha aar, ragii duudda mari jiray,
Raggii diinka qalan jiray, marna daafida u cunay.
Marna doonbir dhacarsaday, dabra weerar culus iyo.
Duullaan laxaad lehba, wiilashii durqumi jiray.
Daba laabka kaaraha , danabyadii ku furan jiray.
Ama dibadda ka halgamay, ama dayn ku fara baxay.
Ama dirirta gudihii , si udadan ufulin jiray.
Dahan iyo mid diin qalay, ama duubiyada jaban,
Dar alliyo daraadood , raggii deeqda lagu helay,
Iyo dubbuhuu asaagaa, sidii dameero baadiya,
Damtaa kaaga saaray, iyo birtaa adiga lagu daray,
Dooraalayaashii ,damiirkooga hoogiyo,
Damacoogu fari jiray, dallacaad aad ku heshidee,
Deriskaaga qaar iyo, dar dar kaad isu xigtaan,
Labadaa aad dihatee, ninba doorkuu kulahaa,
Taariikhda daabacan, diiwaan xusuus qor ah
Uma lihid dadweynoow !

Mar kaloo xilligaas ka dambeysay kuna beegnayd sanadkii 1998, isagoo abwaanku tilmaamaya sidii xukuumadihii dalka somaliland soo maray ee kala dambeeyay ay u xooreen halgamayashii SNM (tan hadda jirtaana way kasii daran tahayee ! ) isla markaasna cadaynaaya sida waayihii iyo taariikhihii lasoo maray aan loo astaynayn ee loo halmaansan yahay ayuu maansadii shareero wuxuu ku yidhi :

Taariikhdu shed lagu dhigiyo
Malaha summad lagu sharaxo
Intii qorax shaamisiyo
Shinkiisa hebeen tirsaday
Shaac iyo madoobe isbedelay
Wixii dhacay shar iyo kheyr
Intaan shaahid u ahaa
Shamsadan aan joogno iyo
Haddaan shalay kuugu simo
Ma jiro shay noo qornaa
Sheekadu inay tahay sidaa
shilkuhu nimankuu la tegey
Wadnaha shaandhada ka dhigay
Shanshada dhuuxleh iyo
Lafihii qaarkood shuxaan
Kuwaa shirixyada ka jaban
Haddaan shilini layn
Shahiid maaha la yidhi
Shisheeyana nagama dilin
Shil helayna maanaan ogeyn.

Marka hadalka lasoo koobo sida aan cinwaankana ku xusay waxloo taro SNM daayee xinif iyo waxaa loogu sii daray xoorimaad, mana jirto cid qiimaynaysaa waxaabad moodaa marka ay dadku maqlaan SNM inay qaarkood moodayaanba urur beri hore jiray oo laga soo gudbay hadana aan macno lahayn, xukumaad iyo dadweynaba waxan odhan lahaa dadkii iyo geesiyaashii nacabka inaga xoreeyay yaan laga xawaaraynee intoodii shahiidday taariikhdooda hala qoro inta aanay duugoobin, inta noolna waxqabad iyo sharaf yaan laga hagran, maankana halagu hayo murtidii alla haw naxariistee Xaaji Aadan Afqallooc oo odhanaysay Taariikhdu waa inoo misbaax, maanka caawinee, Adoo male gudahayaad yaqiin marar ku gaadhaayee.

W/Q : Ahmed Iid Aadan.
ahmediid@hotmail.com
India , December, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2003

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]