SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DOXA, QATAR

Dibad Joog Sidaas uun baa udambaysa!

Qore: Al-Hassani

  • Hooyo Somaliyeed oo ka amba baxdey wadankii ay daganeyd in kabadan 38 sano!

DOON KALE AYAA KU SOO XIRATAY DEKEDDA LAMPEDUSA
Laba Doon kalena isla shalay ayay ku soo xirteen, mid kalena dadkii Saarnaa oo Magaalada dhex jooga ayaaba la arkay Guji Oct 31, 2003

Doon ay Saaran Yihiin 172 Qof oo Soomaali u Badan oo Kusoo Xiratay Dekeda Ragusa
ITALY:
Laba Doon kalena waxaa soo galbinaya Ciidanka Ilaalada Badda ee Talyaaniga.. Guji Oct 29

Aaskii 13 Qof oo Kamid ah Soomaalidii Kugeeriyootey Badda Talyaaniga
Xabaalaha Muslimiinta ee Roma ayaa lagu aasay marxuumiinta. Aaska waxaa isugu soo baxay dad aad u farabadan oo...
Guji

LIISKA DADKII KU DHINTAY DOONTA
Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa magacyada iyo beelaha Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen 65 qof oo kamid ah dadkii ku dhintay doonta xeebaha talyaaniga... Guji... Oct 24

Qaxootinmo Nafta Loo Miidaamiyaa Sharaf ma laha! Guji.... [Qore Saciid Cali]

Dhibtaatooyinka Tahriibta Badda.. Dr. Taqi

Marka aad eegtid xaalada Somalida maanta lama yaabeysid qof kaqaxey meeshii uu kudhashey ama uu deganaa mudo dheer waayo waxaay kamid noqotey noolasha maanta lagu noolyahey balse waxaad layaabeysa qofkii kugu yirahdo: Waligey maqixin oo meeshii aan kudhashey ayaan daganahey!

Nin Sudani oo aan saaxibo nahey ayaa igu yiri: Mudo 12sano ah ayaan hal wado ah usii mari jirey schoolka markaan aadayo! Amaanka ayaa keeney inuu 12sano hal meel ah jooga! Anigana 12kii sano ee iigu danbeysey oo kali ah waxaan isu marey 12wadan walina iima muuqato meeshii aan kunasanlahaa!

Wuxuu nin waliba ogyahey dadka dibida joogay mudada badan inaay leeyihiin sharci ay ku joogaan oo ay kamid noqdeen umada wadanka kudhalatey. Haseyeeshe, caalamka Carabta taasi waa kaduwanyahey.Qofka ugu danbeeya ayaa ugu rajo fiican; kii ugu soo horeeyeyna waa ugu rajo xunyahey! Haddii aan sikale

Hal sano kadib markii laqaatey xuriyada, ayey Khadiijo iyo walaasheed waxay doon karaaceen dekeda Barbara ayagoo kusii socdo wadanka S.Arabia. Malaha waagaas lama aqoon magaca maanta caanka noqdey ee TAHRIIB(isbiimeynra badaha) khasaaruhuna sidaas uma sii badneyn.

Khadiijo safarkeeda waa uu kaduwana safarada aan maanta badaha ugu dhamaaneyno. waxaay intaas umareysey inaay kaqeyb gasho arooska walaasheed ayadoo mataleysa hooyadeed oo howshaas qabanlaheyd oo dhimatey awgeed. Abaheedna wuxuu kula taliyey inaay walaasheed gacan qabato oo ay istaagto booskii hooyadeed.

Safar dheer kadib waxaay yimaadeen S.Arabia halkaas oo ay walaasheed ku aqal gashey.

Shacabka somaliyeed ee kunoolaa S.Arabia aad iyo aad ayey usoo dhaweeyeen madama ay ahaayeen dad fariimo kawado eheladii iyo qaraabadii dadkaas. Inuu safar kayimaado Somaliya, waxaay aheyd sida kali ah ee lagu helikarey wararka dalka.

Waxyar arooskii markii uu dhamadey, ayuu nin raggii kamid ah isa soo taagey in lagu daro(guuriyo) gabadha oo aan wadada dheer lagu celin. Waxaa halkaas hadana kadhacey arooskii Khadiija.

Sanadkii 1965, waxaa udhashey cunugoodii ugu horeeyey ayagoo usoo wareegey Doha,Qatar oo markaas kahormaryareed S.Arabia kana soomaali yareed.

Khadiija waxaay daganeyd Doha ilaa wixii kahoreeyey bisha November ee sanadkan2003 markaas oo ay goosatey inaay isaga tagto wadanka kadib markii intaas kujoogtey visa lacusbooneysiinayo sanad waliba.

Khadiijo iyo odeyga Allah unaxariiste waxaay soo dhaweyn jireen Somalida wadan Qatar soo gasho oo dhan ayagoon u eegeynin qabiilkooda iyo gobalka ay kasoo jeedaan. Waxay aheyd qof laga wada naxey markii ay goaansatey inaay isaga tagto Qatar maadama ay viso kujoogtey wax kabadan 39 sano.

Ilmo ayaa nagu soo wada istaagtey markii aan kusii dhaweyneyney garoonka.Waxaan usheegney meesha ay kusocoto inuu yahey wadankii hooyo anagoo og inuusan aheyn wadankii ay Khadiijo kasoo tagtey 39 sano kahor.Waxaan anagana usheegney inaan soo socono Ayuu yiri nin dhalanyarada duqda garoonka kusii dhaweysey kamid ah.
Dahabo Shire oo ah hooyo Soomaaliyeed oo 35 jir ah oo dhabta ku haysa gabadheeda yar ee aadka u gaajaysan ayagoo markaas joogey cisbitaal kuyaal xerada qaxootiga ee Dhadhaab (Sawirka AP Sep 28, 2000)

Maanta (Dec 18, 2003) ayaa radio VOI warbixin dheer ka bixiyey sida ay ilaa hadda Soomaalida Qaxootiga ku ah Dhadhaab ay rajadoodu u liidato, rajada ay ka qabaan nabadda. halkan dhegeyso.... Guji

Waxaa xusid mudan in ciyaalka Khadiija qaarkood ay aadeen wadama reer galbeedka oo mudo yar kadib ay qaateen sharciga wadamadaas kadib markii ay sharci iska dhaafee ay kawaayeen daganaasho wadamada Carabta.

Waxaa asxaabta Khadiija isweydiinayaa sida ay ugu noolaandoonta Somalia! Waa marka hore caruurteedii oo dhan qofna kama jooga Somalia, waa tanlabaade odeygeedii ay iskalmeysanlahayeen manoola, waa tan sedexaade, yey kataqaan oo nool iminka oo ay wada sheekeysan doonan!

Gabar ay Khadiijo dhashey ayaa ii sheegtey inaay hooyadeed ku adagtahey Somalia sidaasi darteed ay aadi doonta S.Arabia oo ay utagidoonta walaasheed oo wali kunool S.Arabia!

Malaha suaasha maskaxdaada kuwareegeyso waa: Maxaa keeney inaay Khadiijo isaga guurta Qatar, wadankii ay daganeyd 39sano ayadoo waliba ay joogaan caruurteeda qaar kamid ah? Waxaadse yaabeysa marka ay jawaabta noqota: Waxaa loo diidey in loo cusbooneysiyo Visaha ay kujoogtey 39kii sano ee ay halkan joogtey! Wuxuu ii sheegey wiil ay eedo utahey Khadiijo inaay bixisey 3sano oo lacag ganaax ah maadama aay joogtey wadanka sedexdii sano ee ugu danbeysey Viso laaan kadib markii ay adkaatey in lacusbooneysiyo!

Somalida Khaliijka joogta ayaa guud ahaan aan sidaasi ugu sii qanacsaneyn joogitaanka wadamadas. Dhibaatooyin dhowr ah ayey kacabanayaan oo ay ugu horeysa shaqo laaan taas oo aan horey ujiri jirin. Iyo ayadoo passportka Somaliga aan sidaas looga jecleyn wadamad Khaliijka. Caruurta kudhalata wadamadaas oo aan heli karin waxbarasho heer jaamacadeed ah madama ay waxbarasha jamacadaha wadamadaas ay tahey lacag.

Waxaa laysweydinaya cida sababtey dhibta heysata Khadiija, Qatar oo ay kusoo qaadatey dhalanyaro nimadeedii? Qab-qablayaasha qarankii burburiyey ee kadhigey meel aan loo laabankarin?

Al-Hassani

 QORAALADII HORE EE AL-HASSANI

Faafin: SomaliTalk.com Dec 20, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MAXAY JARAA'IDKA CAALAMKU KA QOREEN SOOMAALIDA 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]