Lampedusa – War aan ka soo 
 xiganay Wakaalada wararka faafisa ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ANSA ayaa 
 sheegaya in Saakay Doon ay saaran yihiin dad lagu qiyaasay 82 qofood oo 
 Afrikaan ah ay ku soo xiratay dekedda Lampedusa ee Talyaaniga.
 Waxaa kale oo la xaqiijiyay in 
 shalay ay laba doon kale ku soo xirteen isla dekeddan, mid kalena aanan la 
 aqoon sida ay uuga soo fakatay Ciidanka ilaalada Badda, ka dib markii lagu 
 arkay Xeebta magaalada dad 100 gaaraya oo iska dhex yaacaya Agagaarka xeebta.
 Waxaa dadkan ka warhelay Ciidanka 
 Qalabka Sida (Carabinieri) kuwaas oo isla durbadiiba soo qabqabtay dadkan oo 
 sida dhuumaaleysiga ku soo galay Magaalada iyaga oo ka soo fagtay ama u soo 
 ganbiyay Koontaroolka Ciidanka Ilaalada Badda.
 Waxaa laga yaabaa in Maxkamadda 
 Badbaadada ee Lampedusa ay furto Dacwad ku saabsan sidii ay dadkaan uuga soo 
 fagteen Koontaroolka & wax qabad la’aanta ay la yimaadeen Ciidanka Ilaalada 
 Badda.
 Saakay mar aan la xiriiray 
 Taliska Ciidanka Badda ayaa waxay ii xaqiijiyeen in Doontan aysan saarneen wax 
 Somali ah, mar aan weydiiyayna halka ay ka kala yimaadeen dadka lagu sheegay 
 Afrikaan ka ayay igu yiraahdeen Waa Itoobiyaan & Eretrei. 
 Sidee doonta-ba ha noqotee weli 
 waxaan ku guda jirnaa helista Magacyada dadkii soo galay Habeen hore oo 
 tiradoodu aheyd 172 qofood waxaana ku jira ama u badan Dad Soomaaliyeed.
 Goor dhow waxaan dib u habeyn ku 
 soo sameyn doonaa Liiska dadkii ku geeriyooday oo kor u dhaafayay 60-meeyo & 
 inkasta ay jiraan dad badan oo la la’yahay meel ay Cirib & jaan dhigeen.
 
  
 WabiLaahi Towfiiq. 
 Khalid X. Cali Maalin “Deble”
 SomaliTalk – Italia 
 somalitalk@email.it 
 tahriibdiid@hotmail.com 
 amalroma@hotmail.com 
 
 
 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2003
 
 FAL ARGAGIXISO OO 
 KA DHACAY MUQDISHO
 Buufis ayaa sababay in dad fara badan BAM 
 lagu qarxiyo 
 
 Guji Oct 30
 
 
 Habeenkii Ardayda Soomaalida ee Malaysia
 Xaflad aad u heersareysa oo ay dalka Malaysia ku qabteen ardayda 
 Soomaaliyeed ayaa...
 Guji.. Oct 
 30