War aan saakay ka soo xiganay ilo xog ogaal ah 
 oo ku sugan Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay uu 
 Wiil yar ku geystay Fal argagixiso ah oo aanan weli ka dhicin Magaalada 
 Muqdisho, sal & raad-na ku laheyn falalkii foosha xumaa ee ka dhici jiray 
 dhammaan dalka Soomaaliya.
 Wiilka da’da yar ayaa Saakay Bomba gacmeed ku 
 tuuray dadkii joogay Isgoyska Sanca oo aad u fara badnaa, waxaana halkaasi 
 dhaawac ka soo gaaray 7 qofood, laba ka mid ahna uu caafimaadkoodu aad u liito.
 Labadan qofood ee uu caafimaadkoodu daran 
 yahay ayaa la sheegayaa in loola cararay Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla 
 Waqooyiga Muqdisho, waxaana magacyadooda lagu sheegay Dahaba Gaandi oo Isgoyska 
 Sanca ku gadeysay Qaadka oo qoysas badan Soomaaliyeed ceyr teeyay, ha noqoto 
 kuwa nool dalka gudihiisa & kuwa ku nool dibedda-ba iyo Siciid Jiis.
 Sababta keentay in Wiilkan uu Bam gacmeedka uu 
 ku dhex tuuro dadkan faraha badnaa, Xitaa iyada oo haatan lagu jiro bisha 
 barakeysan ee Ramadaan ayaa la sheegayaa in ay ku kaliftay maadaama ay 
 Waalidkiis ka dhiidhiiyeen in uu TAHRIIB ku aado dalka Talyaaniga.
 Haddaba waxaa cad in wiilkan yar ay haleeshay 
 Sindrome-ka ama jirada cusub ee Af-ka Soomaaliga ah loogu magac daray BUUFIS, 
 jiradan dhalin yaro badan oo jooga Soomaaliya ama dalalka kale ee Afrika ayaa 
 la sheegayaa inay iyadu-na heyso, waxaa kale oo jirta in dhalin yaro kale oo 
 badan oo ku Nool qurbaha ay iyada oo ka gedisan haleeshay jiradan Buufis-ka la 
 yiraahdo maadaama ay Cidladu ka badatay, Qaad cunowgiina ay Raaxada ama Tabarta 
 isaga qaadeen.
 Mar aan la xiriiray Mas’uul ka tirsan 
 Idaacadda Banaadir, Vice Chairman-ka Mogadishu Media Center, isla markaana ah 
 Wakiilka Idaacadda Dalmar (Holand) ee Muqdisho Md. Max’ed Cali Max’ud “Madka” 
 ayaa ii sheegay in Saxaafadda Muqdisho ay si aad ah u hadal heyso Arintan 
 Xasaasiga ee la xiriirto Tahriibka lagu aadayo Talyaaniga.
 Md. Max’ed Cali Max’ud “Madka” wuxuu ii 
 sheegay inay wadaan Wacyi gelinta waalidiinta Soomaaliyeed sidii ay uuga 
 hortagi lahaayeen Tahriibka ay Carruurtooda uugu dirayaan Wadamada Libia & 
 Talyaaniga.
 Waalidiinta dhalay wiilkan geystay Falkan 
 Argagixisanimo lala meel dhigo karo ayaa ah kuwa mudan in laga tusaalo qaato, 
 waxaana rajeyneynaa in Waalidiin kale ay ku dayadaan ayna muujiyaan 
 Xilkasnima-da & adkeysiga ay la yimaadeen Waalidka dhalay wiilkan Buufiska qaba.
 Waxaa xaqiiqo ah in Wiilkan uu yahay Wiil 
 xanuunsan waxaana rajeyneynaa in Waalidka & dhammaan dadka ay xiriirka 
 leeyihiin ay u guda geli lahaayeen dib ugu soo celidda Ummadda Dhibane-han yar 
 in kasta uu yahay Nin geystay fal Argagixiso laguna magacaabi Karo Danbiile.
 Hadda-ba waxaa Muhiimaddu tahay in Wiilkan 
 aanan loola dhaqmin Danbiile weyn, waxaana ka codsaneynaa Saxafadda Muqdisho 
 inay waddo wacyi gelinta Waalidiinta Soomaaliyeed si aanan mar danbe u arkin 
 Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku la'anaya Badweynta Mediterraneum-ka.
 
 WabiLaahi Towfiiq. 
 Khalid X. Cali Maalin “Deble”
 SomaliTalk – Italia 
 somalitalk@email.it 
 tahriibdiid@hotmail.com 
 amalroma@hotmail.com 
 
 
 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2003