|  Badhtamaha 
     Caasimada Kuala lumpur
 | 
 
 Waxaa iyana la soo bandhigay waxyaabihii kala duwanaa 
 ee ururka wakhtigan xilka hayaa soo qabtay , iyagoo halkaa ku soo bandhigeen 
 sawiradii barnaamijyadii kala duwanaa , kulamadii kala duwanaa ee ay ka 
 qaybgaleen, iyo dalxiisyada kala duwan ee ay Ardayda u baxaan marka ay 
 waxbarashada ka nasanayaan.
 Intaa kadib waxaa iyana la galay barnaamij Dood 
 cilmiyeed ah oo aad u xiiso badan, Doodaa oo lagaga doodayay qodobka ah “Waa 
 maxay Aqoonyahanku ?, Sidee Aqooyahanku uuga qayb qaadan karaa dib u dhiska 
 Dalka”.
 Doodaa oo ay ka qayb qaateen laba aqoonyahan oo kala 
 ahaa Dr. Muuse Maxamuud , iyo Aqoonyahan Xasan Nuur ( Iimaam ),
 Waxaa ugu horeyn Dooda hadalka qaatay Aqoonyahan Iimaam, 
 oo ugu horeyn ka hadlay macnaha kalmada Aqoonyahan leeyahay , isagoo si weyn 
 uuga hadlay macnayaasha kala duwan ee ay weedha Aqoonyahanku yeelan karo, 
 isagoo hadalka sii wata ayaa waxa uu u daadagay sida weyn ee aqoonyahanku uuga 
 qayb qaadan karo dib u dhiska dalka , waxa kale oo uu ka hadlay Burburkii dalka 
 soo gaadhay iyo waxyaabihii kala duwanaa ee sababay, iyo in Dadku maanta iska 
 iloobaan dhibaatadii dhacday, oo ay u kacaan dib u dhiska dalkooda.
 Dhinaca kale waxaa isaguna goobtaa ka hadlay Dr.Muuse 
 oo isagu ka hadlay macnaha ka Aqoon iyo Aqoonyahan leeyahay , iyo waxa diinta 
 Islaamku ka qabto , isagoo tilmaamay in Aqoonyahanku hayo masuuliyad aad u 
 balaadhan, sidoo kale waxa uu ka hadlay Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo 
 waxqabadkiisa, waxa uu ka hadlay sida weyn ee uu Aqoonyahanku uuga qayb qaadan 
 karo dib u dhiska iyo burburinta dalkaba.
 Sida dib u dhiska uu uga qayb qaadan karo dib u dhiska 
 dalka waxa uu tilmaamay in Aqoonyahanku aanu dhinacna garabka saarin , ee uu 
 aqoonyahanku dhex ka noqdo wax walba oo soo gudboonaada.
 Sidoo kale waxa uu kalmada Aqoonyahan ku qeexay cid 
 walba oo xumaan iyo wanaag kala sooci karta ee aanuu Aqoonyahanku ahayn darajo 
 ama shahaado laga gaadho heerkay doonto ha noqotee.
 Intaa kadib waxaa dadweynihii ka soo qaybgalay xaflada 
 loo ogolaaday in ay su’aalo weydiiyaan waxa ay dooda ka qabaan .
 Waxaa halkaa laga soo jeediyay su’aalo aad u balaadhan, 
 oo taabanayay dhinacyo kala badan, waxaana si xeel dheer uuga jawaabay 
 aqoonyahanadii Dooda soo jeedinayay.
 Waxaa iyana halkaa aan ka madhnayn barnaamijyada kala 
 duwan ee dhalinyaradu aadka u xiisayso, iyadoo halkaa lagu soo bandhigay 
 Barnaamij aad u xiiso badan oo la mid ah, lana magac baxay Barnaamijka “Who 
 wants to be a millionaire”, oo laga sii daayo Television badan oo caalamka ah , 
 gaar ahaan Tv-ga caanka ah ee af-carabiga ku baxa ee la yidhaa NBC.
 Barnaamijkaa oo uu soo diyaariyay mid ka mid ah 
 dhalinyarada oo isagu Barnaamijyada qosolka ah kaga caan baxay dalka Malaysia.
 Su’aalaha lagu soo bandhigay barnaamijkaa waxa ay isugu 
 jireen qaar ka hadlaya taariikhda , dhaqanka iyo degaanka soomida, sidoo kale 
 waxaa iyana ku jiray, deegaanka , juqraafiga , iyo cimilooyinka kala duwan ee 
 Caalamka.
 Waxaa iyana halkaa lagu guddoonsiiyay Abaalmarino kala 
 duwan dhalinyaradii ka guulaysatay su’aalihii lagu soo bandhigay Barnaamijka.
  
   
 
 Waxaa iyana halkaa lagu soo bandhigay Bandhig faneed 
 aad u balaadhan oo loogu magac daray “Habeenkii ardayda soomaalida Malaysia”
 Bandhig faneedkaa oo ay soo wada qabanqaabiyeen 
 Dhalinyarada soomaalida iyo jaaliyada Jabuuti ee dalkan Malaysia degan.
 Bandhigaa oo ka hadlayay xaalada kala duwan ee ay 
 soomalidu ku jirto , kuwa dalkii jooga, kuwa qurbaha iyo dhamaan meelaha 
 soomaalidu joogto.
 Waxaa dadkii xaflada ka soo qaybgalay ee Bandhig 
 faneedkaa daawanayay ay aad ula dhaceen sida balaadhan ee loo soo diyaariyay 
 bandhigaa.
 Ugu dambayntii waxaa halkaa lagu bixiyay Abaalmarino 
 kala duwan oo isugu jira Dadkii soo qabanqaabiyay ee ka mid ahaa suura 
 geliyayaashii Xaflada.
 Waxa ay Xafladu ku dhamaatay si heer sarre ah , waxaana 
 la isku raacay in xafladu ahayd tii ugu xiisaha badnayd ee Soomaalida dalkani 
 soo bandhigto, waxaana dadku u kala hoydeen goobihii kala duwanaa ee ay dadku 
 ka soo baqooleen.
 Waxaana Eebe loogu mahadnaqayaa sida wanaagsan ee ay 
 xafladu ku soo gabagabowday.
 
 
 Source : Media Group , Somali Students Society 
 Malaysia.
 www.sssmalaysia.org
 
 E-mail : sssinmalaysia@yahoo.com
 
 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2003