SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 

 

UJEEDOOYINKA MAGACYADA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYEED

Cabdiraxmaan C. Faraax ‘Barwaaqo’
Hal_aqoon@yahoo.com

Qoraalkani wuxuu ku soobaxay tirsigii 3aad ee warsidaha Hal-aqoon. waxaanan wax yar kaga taataabtay ujeeddooyinka magacyada magaaloo- yinka Soomaaliyeed qaar ka mid ah. Qoraalkan iyo kuwo kale oo dabasocdaba waxan ugu talagalay inaan ku dareensiiyo dadweynaha Soomaaliyeed inaanay murtideennu ku koobnayn maansada oo qudhe ee ay jiraan dhinacyo kale oo murtida ku jirta aan laga xiiso gooyn karin loona baahan yahay in loo dhumo yeesho. Waxa lagayaabaa iney jiraan aragtiyo kale oo ka duwan kuwa aan halkan ku xusidoonaa. Haddaba, haddii aad hayso aragtiyo kale oo ka geddisan kuwa aan halkan ku xusay waad noo soo dawin si dadka loo gaadhsiiyo. Hadal iyo dhammaantii waxa magacyada aan idiin xulay  ka midah : 

Jabbuuti: Waa magaalo madaxda dalka Jabbuuti oo waagii hore la odhan jirey Xeebtii Soomaalida, markii dambana loo bixiyey Xeebtii Canfarta iyo Ciisaha. Magaca Jabbuuti  markiisa hore waa Jabbuti. Waana mid lamman. Waxaanu ka kooban yahay labada qaar ee kala ah Jab iyo Buti. Jabku waa guuldarro. Butina waa madaxkuti. Ujeeddadu waa kobtii ama meeshii ay butidu ku jabtay(ay ku guuldarraysatay) ama lagu jebiyey. Magacaasaana isu beddeley Jabbuuti. 

Boorame: Waa magaalamadaxda gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Soomaalilaand. Magacu waxa uu ka soo jeedaa ereyga booraan oo wadartiisu tahay booraamo. Booraantuna waa bohol. Booraame waa booraamaley. Haddii aan si kale u nidhaana waa meeshii booraamaha badan lahayd. 

Buuhoodle: Magaalo yar oo ku taal gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Soomaalilaand. Magacu waa magac lamman. Waxaanu ka kooban yahay qaarka hore ee ah Buuhood oo ah meesha jilicsan ee biyo fadhiisinka ah, iyo qaarka dambe ama nudanaha "Le" oo ah mid togan ujeeddadiisuna tahay lahaade. Dulucdu waa meeshii buuhoodka lahayd. 

Ceerigaabo: Waa magaalo madaxda gobolka Sanaag. Magacuna wuu lamman yahay. Waxaanu ka koo banyahay labada qaar ee kala ah ceeri iyo gaabo. Ceerigu waa meesha biyo fadhiisinka ah. Ujeeddada magacuna waa meeshii  gaabnayd (ama ceerigii gaabnaa) ee ay biyuhu fadhiyeen. 

Faanoole: Ugu horrayn, Faanoole waa tuulo yar oo ka tirsan gobolka shabeellada hoose ee koonfurtii hore ee Soomaliya. Waxaanay caan ku noqotay biyo-xidheen la rabay in laga dhiso, kaasi oo aan hirgelin. Haddaba qaarka hore ee ereyga ama magaca oo ah faan laba ujeeddo ayuu leeyahay. Mar waa tookha, oo waata la yidhaa “nin is faanshay waa ri isnuugtey”. Marka kalana waa foolka maroodiga. Ujeeddada magacuna tan dambe ayey ku dhisaalan tahay. Haddaba, Faanoole waa meeshii faanka maroodiga lahayd ama foolka maroodiga badnayd. Halkaana waxa aynu  ka garan karraa in meesha ay tuuladu ku taal tahay ama ahaan jirtey meel maroodigu ku badan yahay. Sida magaca loogu bixiyeyna ay sidaa tahay. 

Garbahaarrey: Waa magaalamadaxda gobolka Gedo, kaas oo laga dhambalay gobolkii loo yiqiin Jubbada sare, ee koonfurta Soomaaliya. Magacu waa  mid lamman. Waxana loo kala qaari karaa ‘Garbo’ iyo ‘haarre’. Garbadu waa gebiga ama jarka. Haarrana waa jaad ka mid ah, baa la yidhi, jaadadka masaska ku nool Soomaaliya. Maskaasi oo sida la weriyey ah mid booda. Dulucda magacu waa garbadii haarraha lahayd. Si kale haddaan u nidhaana waa gebigii maska haarrahu joogey. Waxa kale oo naloo sheegey in ereyga ‘haarre’ yahay erey af-oroomo ah. Ujeeddadiisuna tahay dameer. Dulucda magacuna tahay meeshii ama gebigii ay dameeraha badani joogeen. Ereygaasi kolkii aannu ka baadhnay abwaan af-oroomo iyo af-ingiriisiya oo yaalla qolka kaydka buugaagta ee Jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa waxaannu soo hubinay iney aragtida dambe dhab tahay. 

Gebiiley: Waa magaalamadaxda degmada Gebiiley ee gobolka Hargeysa. Gebi waa jar ama garbo qofba sida uu u yaqaan. Gebiiley waa meeshii gebiyada badan lahayd. Magaalada oo ku taal dooxada qalax loo yaqaan ayaa, run ahaantii, ah mid gebiyo badan. Sidaasi awgeed ayuu magacu u tilmaamayaa meesha ay magaaladu ku taal. 

Hargeysa: Hargeysa oo loo yaqaan Herer, waxay ku taal dooxa la yidhaa Maroodi jeex ee ka soo rogmada buuraha Golis. Waxaanay ahaan jirtey magaala-madaxdii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya dagaalkii sokeeye ka hor. Haatanna waa magaalamadaxda Jamhuuriyadda Soomaali laand. Ujeeddada magaca magaalada dhawr siyood baa loo sheegaa. Dadka qaar baa yidhaa ereygu waa af-oroomo. Waana geedka dacarta loo yaqaan. Haddaba, jiidda ay magaaladu ku taal oo dacar miidhan ah awgeed ayaa sidaa loogu bixiyey. Dar kale ayaa aragtidaa ka soo horjeeda oo yidhaa ereygu waa Af-soomaali waa na Harga geys. Ujeeddaduna waa meeshii hargaha la geynayey ee lagu iibsanayey ama lagu kala iibsa-nayey. Qolo kale ayaa tidhaa ereygu waa Harar geys. Dadka aragtidan qabaa waxa ay leeyihiin waxa ay magaaladu ku taal jid isku xidhijirey Berbera iyo Harar, taasi oo ay ujeeddadu tahay tii isku xidheysey Berbera iyo Harar, haddaan si kale u nidhaana waa tii Harar ku geyneysey. 

Laascaanood: Waa magaalamadaxda gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Soo- maaliland. Magacu waa mid lamman. Waxaanu ka kooban yahay ‘laas’ iyo ‘caanood’. Ereyga laas waa ceel yar. Ceel sida lagu yaqaan biyo ayuun baa loogu tagaa. Ha-yeeshee, kani waa mid caano ah. Waxa haddaba is weydiin leh sida uu ceelkaasi ku noqoday mid caano ku jiraan? Warcelintu waxay tahay inaan ceelku ahayn mid caano ku jiraane uu yahay mid ay xoolo fara -badani ka cabbaan oo ay had iyo jeer dul tuban yihiin. Meel xoolo joogaanna caano way yaallaan. Sidaasi darteed ayaa magacu si sarbeeb ah u tilmaamayaa inuu laaskaasi yahay ku goor kasta ay xoolo dul joogaan caanana laga helo.  

Wanle weyn: Waa tuulo yar oo ku taal jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Buur xakaba. Waxa kale oo loo yaqaan Daafeed. Waxay tuuladasi soo caan baxday 1960kii kolkii loo codaynayey xeerkii dalka ee la dejiyey kolkii ay labadii gobol ee Soomaaliya iyo Soomaalilaand la kala odhan jirey isku darsadeen. Tuuladaasi oo aanay dadkeedu badnayn waagaa ayaa la sheegay iney ka codeeyeen 9999 qof. Dadka reer Soomaalilaand oo ka soo horjeedey xeerkaasi ayaa arrintaa aad ula yaabay. Waana kolkaasi marka magaca Walle Weyn uu reer Soomaaliya u baxay. Ereyga wanle dadku aad uma aqoon waxaanay uqaateen in magacu yahay Walle. Arrintu siday doonto ha noqotee,ereyga wan waa caano. Wanle Weynna waa caano weyn ama waa meeshii caanaha badnayd. Magaca magaaladuna maaha Walle Weyn sida ay dad badani u haystaan ee waa Wanle weyn.


Cabdiraxmaan C. Faraax ‘Barwaaqo’
Hal_aqoon@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan.

18 kii Gobol (Regions) ee Soomaaliya ka koobnaanjirtey [Yusuf Osman]

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]