SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 

   war-1-8-Disember,Nairobi.

wasiirka Arrimaha Dibada Kenya:-Shirka Soomaalida waa socdaa ..Cabdiqasimna Waa..........
"Kulankii dagaal oogayaasha Soomaaliyeed 9-ka December ku dhex mari lahaa xeebta dalka Kenya ayaa waxaa dib loo digay ilaa December 18keeda" Sidaas waxaa yiri VOA Halkan ka dhegeyso...

Wasiirka arrimaha Dibada dawlada Kenya Muddane Kolonso Misayo ayaa kulan saakey ka dhacay hotelka NordFork ee Magaalda Nairobi ka sheegay in wadahadala Nabada Soomalida ay socdaan .

wasiirka ayaa saaakey khudbad dheer ka aKhriyey kulanka 2-aad ee wasiirada Arrimaha dibada ee dawlada IGAD.hadaliisa oo qoraal ku kooban waa sidan:-

salaan ka dib mar kale ku soo dhawaada saakey magaalda Nairobi waddanka Kenya. laga soo bilaabo kulankii 28-bishii Oktoober kambala,Uganda waxaa qabaney hawlo badan oo ku saabsan arrimaha shirka soomaalioda ee ka socda Kenya iyo in la qabto kulanka gaar u baxa ee 9-ka dicember magaalda Mombaaasa 10-berri iyo 40-hogaamiye.

19-November,2003,waxaan ka hadalney oo aan go'aaminey arrimaha kulanka gaar u baxa ee 9-ka Dicember.

20-November,2003 waxaa socdaal ku tagey jabuuti waxaana kula kulmay Madaxweynaha waddanka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweyne Cabdiqasim oo aan kawada hadalney Arrimaha gaar u baxa ee Kulanka 9-bisha december.

29-Nomenber ,2003,Wafdi uu hogaaminayo wasiirku xigeenka wasarada Arrimaha dibada dawlada Kenya Muddane Muses Wetag`ula ayaa isna soo booqdey muqdisho isagoo la kulmay Madaxweyne Cabdiqasim iyo Guddoomiyaha Golaha Badbaadada Muddane Muuse Suudi yalaxoow waana ay ka aqbaleen in ay ka soo qaybgalaan Kulanka 9-dicember.

dhanka kale hogaamiyayaasha ku sugan madasha shirka Mbagathi waxay soo jeediyeen in hogaamiyayaasha soomalida laga dhigo 24 oo lagu daro cabdiqasim. hogaamiyayaasha soomalida waxay kaloo naga ogolaadeen in ay fuliyaan heshiiskii xabadjoojinta ee 27-bisha Oktober.

4-Dicember,2003 wafdi uu hogaaminayo Am,b.Mohamed Ali Forum uqeybsanaha Ururka Midawga Afrika ayaa muqdisho ku soo booqdey cabdiqasim iyo Musse Suudi oo ka wada hadley arrimaha shirka iyo gaar u baxa 9-december waana la isku afgartey in ay ka soo qayb galaan.

kulanka 2-aad ee wasiirada Arrimaha Dibada IGAD saakey waxaa goobjoog ka ahaa:-

Muddane James Wapakhabulo Ra`isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha Dibada dawlada Uganda ahna Guddoomiyaha la tashiga ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD.

kulanka saakey warbxintaasi ka dib waxaa lagu balamey in la tashi la aado qaddada ka dib la isku soo laabto,lana sheego go'aanka kama danbeysta.

dhanka kale wasiirka arrimaha dibda waxaa uu kulanka ka sheegay in uu cabdi qasim uu Iman doono beerito wixii ka danbeeya sida uu sheegay wasiirka arrimaha Dibada Dawladda KMG.

dhamaad.

war-2-8-Dicember,Nairobi.

Kulanka Hogaamiyayasha Soomalida waxaa dib loo dhigay................

fadhiga labaad ee wasiirada arrimaha Dibada Dawladaha IGAD ee 8-bishan qadadii ka dib waxaa la soo saarey qoraalkan isagoo kooban waa sidan:- fadhigii labaad ee wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ee ku aadan arrimaha Shirka dib u heshiisinta Soomaalida go'aanada ka soo baxaey waa sidan:- kulanka uu diyaariyey:-

1-wasiirka Arrimaha Dibada dawlada Kenya Kolonzo Misoyoka ahna Gudoomiyaha la tashiga Wasiirada Arrimaha Dibada ee dawlada IGAD . wasiirka Hawlaha Dhisida ee Arrimaha dibada ee Waddanka Uganda ahna u qaybsanaha arrimaha Guddoomiyaha IGAD Mudane Agustine Nshimye .

wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xiriirka Caalamiga ee Djabuuti Muddane Cali cabdi Farax. wasiirka Beeraha ee Dawlada Ereterya Mudane Arafaine Berhe. Safiirka Dawlada Itoobiya ee Kenya Mudane Yamani Abadi. Xoghaya guud ee IGAD Dr.Attalla Hamadi Bashiir. wajkiilka Midawga Afrika ee shirka Nabada Soomaalida Amb.Mohamed Ali Farum.

Xubnaha IGAD ,dawladaha Talyaaniga ,Boqortooyada Ingiriiska, Dawlada Mareykanka ,Dawlada Masaarida, dawlada Sweden,Jaamicada Carabta,dawlada Faransa. Dawlada Swezerland ,Midawga Yurub iyo Qaramada Midawey.

shirka wadahalada Nabada ee Soomaalida markii la galiyey la tashiyo badan laga soo bilaabo fadhigii 1-aad ee wasiirada Arrimha Dibada ee dawlada IGAD 28-Oktoober iyo la tashigii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ,booqashadii wasiirka arrimaha Dibada Dwalada Kenya Kolonzo Misoyoka,20-November. Booqoshooyinkii kala duwanaa iyo wafdiyadii kala duwanaa ee la kulmay Madaxweyne Cabdi Qaasim Sallad Xasan iyo Muddane Muuse Suudi Yalxoow Guddoomiyaha Golaha Badbaadinta wasiirada waxa ay Go`aamiyeen in kulanka laga dhigo 18-December ,magaalda Mombaaso ,waxaana ka soo qayb gali doona dhamaan Madawynayaasha Dawlada IGAD iyo Madaxweynaha dawlada Mozambiiq.

5-bisha Janaayo shirka waxa uu gali doonaa wajiga 3-aad. Wasiirada arrimaha Dibada ee IGAD iyo wakiilada Beesha caalamka waxay u mahad celinayaan Dawlada iyo dadka Kenya oo martigaliyey shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Kenya.

Dhamaad.

Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2003

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD