Gobalka waqooyi galbeed ee Soomaaliya, oo isugu yeeray “dal
madax-bannan”, waxaad moodaa inay siyaasada ka lunsan tahay. Waxaa wax
laga naxo ah siyaasada qob-qobka ku dhisan oo ay wado gobalka waqooyi
galbeed “Somaliland”. Siyaada ku dhisan magaalooyinka Hargaysa, Burco
iyo Berbera inay ka baxaa dadka aan u dhalan gobalkaas waa qabiil iska
cad, oo ay macnaheedu tahay, dadkaan Isaaq aheyn ha ka baxaan dadka.
Waxaan weyddiinayaa ragga hoggaamiya waqooyi galbeed ama Somaliland:
Miyaanay danta gobalkiina iyo danta guud ee Soomaaliyeed aheyn in dadka
Soomaaliyeed aan lakala qob-qobin, oo la isu daayo?
Toddbaadkii tegay waxaa dhabaha dheer ee isku xira Boosaaso ilaa
Garoowe iyo Garoowe ilaa Gaalkacyo ku rogmaday 2 gaari, waxaana ku
dhintay dad gaaraya ilaa 26 qof. Dadka ku nool Garoowe, mahadi ha ka
gaadhee, waxay muujiyeen karti iyo dadaal dheeraad ah, oo ay ka muuqato
xil-kasnimo, walaalnimo, muslinimo iyo Soomaalinimo, ka dib goortay u
gurmadeen maatadii ku dhimatay halkaas
Magaalada Garoowe waxaa la kiciyey dadweynihii,iyagoo xaynxeyn ah
ayaa ugu gurmadeen goobihii shilku ka dhacay, waxaana dadkaas la dhigay
isbitaalka ku yaala magaalada.
Waxaanse ka xumahay in aanay jirin cid ka hadashay, kana dooday cidii
shilka foosha xun ku geeriyootay, waayo waxay ahaayeen dad u dhashay
qabiilo aan awood lahey, una badan hooyooyin iyo carruur, taasna waxaan
ku eedanayaa qalabka warbaahinta ee Soomaalida.
Maamulka waqooyi galbeed, ha ogaadeen, iyagaa ayaa ka mas’uul ah
dhibkii iyo geeridii soo gaaray maatada Soomaaliyeed, waayo iyagoo
iyagaa ka soo eryey dhulkii ay ku noolaayeen, waxaanse mahad leh dadka
reer Garoowe ee u guntay gargaarka maatadaas.
Ugu danbeyn, waxaan u soo jeedinayaa dadka reer Koonfur in aanay soo
eryin, wax dhibaato ahna u gaysan dadka reer waqooyi ee ku nool gobalada
Koonfureed, waayo waa dad maato ah, oo aan wax dhibaato ah gaysan,
siyaasadna aan shaqo ku laheyn
W.C.
Friendw200@yahoo.com