SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON
C/hi Riyaale ma iska Difaaci Karaa?

 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed dushiisa ha ahaato.

Marar badan baan sheegnay in dhibta meelahaas ka jirta, ninka koow ka ah uu yahay kornayl C/hi. Marka hore isagu xoog buu ku haystaa Puntland oo “wixii xunba Xaawaa leh”. Tan labaad waxay ahayd Waqooyi Bari C/hi (Puntland) ka hor meesha Soomaaliya ugu nabadgelyo badan. Maxamed Ibraahim Cigaal oo ruug-caddaa u ahaa reer Waqooyi wuu ka quustay inuu aqoonsi helo. Sabab? Adduunku waxay dhaheen Waqooyi Bari baa idin ka nabad badan xittaa markaad bartamihii sagaashanaadkii aad idinku dagaal sokeeye ku jirteen iyagu ganacsi bay ku jireen deedna afkiisuu qabsaday.

Cali Dhuux waxaa laga hayaa: uddigay oo uddigay oo duulka waa loo danleeyahay, dabada ha iska raacshee bal maan daysto hadalkeyga. Waxbadan baan dadkaas “Puntland” sheegta ku iri war yuu ninkaasi sidii roobkii geel-jire bi’iye ahaa, wasakhda idinku kaa-kicine oo inta dhib idin dhex gesha hadhowna idiin ka baxine ka danaysa oo keensada dad waxgarad ah oo nabad iyo colaadba wax qaban kara.

Idinkiyo Riyaalba xassuusta in geyigaas yahay meelihii ka badbaaday dagaalkii sokeeye waana guryihiina mana aha meel la isku yiraahdo “aabbahaa waranka ka bixi”. Bal aan fiirino dhowr beyt oo Maxamed Fiin tiriyey.

  • Guhaad laguma falo ruux hadday, gogoshu kuu taalle

  • Gaadiid ku qaadiyo haddaad, gelin lixaad weydo

  • Gurgur lama shiraystiyo hashii, geela ka irmaane

  • Guntana laga ma jaro geed hadduu, kuu gabbaad yahaye.

Haddaan usoo galno Riyaale, waxaad arkaysaa in Binu Aadamku uusan nimcada ceshan aqoon. Dib u milicso dagaalkii 1977. Imisa magaalo buu Caydiid ciribta ku dhuftay? Riyaale isagoo arrintaas og waxaad mooddaa in Cawil, wasiirkiisa maaliyaddu uu gabaygan u marsho, iyagood mooddo inaysan balanqaadkii (dagaal-gal) aysan ka noqonayn. Shicibkii iyo guurtidiiba waxay ku dhaheen gunta dhiisha iska dhiga. Bal tixdii Ismaaciil C. Bullaale aan milicsano.

  • Dacwad waxaan ka idhi geelayaga, loo dardaarweriyey;

  • Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashi haaneed leh

  • Doollaaba lagu sii wadaa, Dayrtan maanta ahe

  • Dibna u laabmimaysoo dhulkii, dooggu ka idlaaye.  

  • Darka Qarandi deexdii Cammuud, waa dar noo xidhane

  • Dixda Reygareed iyo Gargaar, waanan dayn karine

  • Dumbuqyaaba laga soo guriyo, dogobbo waaweyne

  • Afarteeda deyr bay taqaan, looga duulwado’e

  • Anaa doonanaystaye baqaa, looga diirwaraye

  • Dawo hadday lahayd Jeerinleey, waa dul tegayaaye

  • Degina maayo jeeraan ku furo, degelki Gaafoowe.

Waa iyagoo leh dacwaad waxaan ka iri xudduudihii Ingiriiska. Waa isagoo tikniko qaarkood tuute leeyahay kusoo wada Buuhoole, Laascaano iyo Baran. Sidoo kalana aysan dib uga laabanayn go’aankooda. Waxay leeyihiin Berbera iyo Hargeysa waa noo xirantahay. Marka waxay rabaan inay Garoowe kulaalaan. Marka hadday Laascaano sumcad soo kordhinayso waan dul-tagaynaa.

Marka laga reebo nimcada oo aan la hayn karin, Daahir Riyaale afar arrimoodba wuu ku khasbanyahay inuu Laascaano dul-tago.

1. Dowladdiisa oo ah dowlad daciif ah kaddib markuu halkaa isugu geeyey qolyo malafsi ceebeed soo bartay (haraadi) iyo kuwo aynaan weligeen maqlin oo Soomaalinimaba inkirsan. Marka si ay ceebtaas u qariyaan waa in dadka la mashquuliyo.

2. Waxaa soo dedejinaya dagaalkiisa waa iyadoo dadka u shaqeeya aysanba aqoon sida loo hadlo oo qaarkood Soomaali oo dhan inkireen, qaar ay eed usoo jeediyeen gobollada deriska la ah, qaar masaakiintii tarxiileen iyo sheekadii ugu dambaysay ee wasiirka maaliyaddu ka sheegay in Siilaanyo uu dad SNM ahaa “mujaahidiin” uu laayey. Tuhunkaas laftiisu Siilaanyo kama dhigayo inuusan “mujaahid” ahayn. Haddaan dadka “Somaliland” dagaal la gelin, arrintani waxay keenaysaa isku-dhac qabiil iyo dhiig-sokeeye oo daata. Marka si taas looga gaashaanto “geeridu waxay ku fiicantahay nimaadan garaneyn iyo geel-jire”. Marka faqashta (Sool & Sanaag Bari) liishaanka hala saaro.

3. Riyaale wuxuu haystaa ciidan uu maalin ka yar ku qabsan karo degaankaas isagoon fiirin intuu joogi karo.

4. Iyo cayrintii laga cayrshay Laascaano, marka si shakhsi ah ayuu u aarsanayaa. Sidaan horay u sheegnay waxaa la rabay inaydaan weerarin ee aad tiraahdaan annagu in Soomaaliya lakala gooyo ma rabno.

Dhinaca kale, kornaylku arrimo badan darteed far ma nuuxin karo:

1. Sidaan horay u soo sheegnay isagu meesha xoog buu ku haystaa oo dadweyne badan ma rabaan siyaasaddiisa, diyaarna umay ahan in ay far-qaadaan inta uu halkaaas joogo.

2. Caqligu wuxuu keenayaa haddaadan awood hayn inaad hadal fiican la soo shirtagtid laakiin taas kornaylka loogama fadhiyo waana tan ka xanaajinaysa Somaliland.

3. Ciidan badan ma haysto oo Riyaale waa ogyahay markii uu Boosaaso qabsanayey iyo markuu la dagaalamayey mucaaradkiisii reer Puntland, waxaa loo soo aruuriyey wiilal reer baadiye u badan, iyagiina markii mucaaradkii la heshiiyey bay meesha ka baxeen. Wiilashaa waxaa qaybaha u badan laga keenay labada aag ee hadda Somaliland iyo Puntland isku haysato. Wiilashaas waqtigan xaadirkaa diyaar uma aha inay Riyaale foodda siiyaan maxaa yeelay way ogyihiin inuusan Riyaale mucaarad ahayn ee uu ka hub iyo ciidan badan yahay kornaylka. Ogaada shacabka “Puntland” sheegtay wax badanna ka badan kan Riyaale ku faano.

4. Waxaa hadda ku kacsan dadkii ka soo jeeday labadaas aag ee la isku haysto. Maxamed Cabdi Xaashi waan ogayn hadda wakaas la leeyahay madaxdii Wersengeli ee Puntland ku jirtay waa gadoodeen oo diyaar uma aha inay la shaqeeyaan kornaylka inta arrintooda wax laga qabanayo makra yaa ciidan usoo ururin?

5. Puntland waxaa ka jira dhaqaalo xumo aad ah. Maka laga reebo intii uga baxday dagaalkii sokeeye ee uu mucaaradka la galay iyo qarashkii ku baxay mucaaradka si ay gudaha u soo galaan waxaa shirarka Kenya iyo martiqaadyadooda uga baxay lacag lagu qiyaasay 2 milyan oo Doolar oo inteeda badan Puntland ka timid.

6. Xagga niyadda (Psychology) way hoosaysaa oo reer Puntland waa ogyihiin inaysan maanta xitta qabiil la dagaali karin inta la helayo qof shacabka soo jiidan kara.

7. Shacabka reer Waqooyigu waxay dowladda ku khasbayaan in kornaylka lala dagaalo halka kuwa Puntland ay leeyihiin “kornayl naga soo deg”. Marka dad saas ukala fog isma caabbin karaan.

8. Inuusan kornaylku ciidan haysan waxaa u daliil ah wuxuu Laascaano u diray waa taliyihii Booliiska, C/Risaaq Afguduud. Waa ninka C/hi u laaya sokeeyaha. Lama hayo sarkaal kale oo C/hi u daacada. Sida qof walba ogyahay Soomaaliya waxaa la isku howlgashaa qaab qabiil. Ninka madax laga dhigayo waa inuu yahay nin haysta dad ka dambeeya (qabiilkiisa) marka C/Risaaq oo shacabka reer Puntland oo dhan farta u qaniinsanyihiin oo waliba aanan keeni karin 20 wiil oo reerkiisa ah ileyn maba kasoo ciidmi karaane, see buu rabaa inuu Riyaale ula xaalo? Haddaad i rumaysan weydaan aaway saraakiishii ka soo jeeday Sool iyo Sanaag, Ina Cali Shire iyo Goroyo-Cowl? Marka wax kasta C/hi waxaa u qabta waa Afguduud. Haddii dekedda la dhacayo isagaa sameeya, haddii wafti la soo dhoweynayo isagaa soo dhoweeya. Marka Ciidanka ugu horreeya ee C/hi iyo kan ugu dambeeyaba waa Afguduud.

9. Hogaamiye yeey dhici kartaa hadday qolo is-hayaan inuu qolo kale ka helo caawinaad laakiin taas C/hi laga filimaayo. Wuxuu ka dhigay kuwa uu yiraahdo bad baan idin ku darin iyo shacabkiisii oo uu cagta madaxa uga hayo.

10. Ciidamadii mucaaradka ee Puntland marna ma gelayaan dagaalka Riyaale soo qaado maxaa yeelay waxay ogaayeen in ciidamadii C/hi kula dagaalay ay u badnaayeen kuwa laga keenay Sool iyo Sanaag. Waxayba abaal dheeraad ah u hayaan shacabka Somaliland sidaas darteed dagaal been-been iyo muruq-tuujin loo galayo uma diyaar aha. Waqtigan aan joogno ciidan la isku hubo ee Puntland waa kaas mucaaradka ahaan jiray marka wakaas Afguduud hadba dhan isu qaadayo.

11. Waxaa intaas dheer xoogaagii taageerayaasha ahaa ee C/hi oo ku xeeldheeraa dacaayadda waxaa niyadda ka jabshay isaga, markii shirkii Kenya ay Muuse Suudi iyo Caato ka siyaasad fiicnaadeen oo la arkay isagoo qab-qablayaal degmo barkeed haysta sida Qanyare iyo Cumar Filisha ama kuwo aan wax heysan sida Moorgan iyo Shaatiguduud hadba huteel Nairobi ah kula shiraya.

Sababahaas iyo kuwa kale oo badanba C/hi cidna iskama difaaci karo. Maxaa talo ah? Fiicnaan lahaydaa haddaan si fiican u fekeri lahayn. Sidaan la socono ninkii shafka u garaacay C/hi oo Boosaaso laga soo ceyrshay oo jooga qurac Gaalkacyo u dhow wuxuu ahaa Garaad Saleebaan. Makaan maqlay in C/hi rabay in uu isimo reer Putland ah u diro Kenya waxaan soo qoray warqad ah inaysan kuwa Gaalkacyo, Garoowe iyo Qardho aysan aadayn ee reer Sool ay Garaad Saleebaan ka joojiyaan Nayroobi. Sidoo kale isagoo jooga ayaan iri war Garaadka meesha ka wada. Dadka reer Sool wey fahmeen waraaqahaygaas. Marka haddii la isku dhaco dadweynaha Puntland oo C/hi neceb iyo iyagoo idin ka urinaya taageeradii uu Garaadku siiyey C/hi dagaal diyaar looma ahan. Cawad Casharo iyo kooxdiisuna sidaas oo kale bay C/hi u dhinac istaageen ilaa heer ay gaaraan in qoryo ay la baxsadeen Cadde Muuse iyagoo Ceel Afweyn u socda in Wersengeli uu ilooway magantii la isku lahaa oo ay C/hi dib ugu cesheen. Walaalayaal maanta waa laga tagay in been la isu sheego marka waa in la fiirshaa wax soo bixi kara. Waqtigan xaadirkaa Cadde Muuse Riyaale ayuu xushmeeyaa mid ka badan tuu u hayo Xaabsade iyo Casharo.

Hadduusan Riyaale “Ina-igare” ahayn meesha waxbaa ka soo socda. Haddii dagaalkaas dhaco, Riyaale waa dul tagayaa meeshuu rabo iyadoo tobonaan ilaa boqolaal reer Sool iyo Sanaag ah ay ku dhinteen. Sii haysashada Riyaale ee degaankaas lama saadaalin karo intay gaarayso. Xittaa khasab ma aha inuu Riyaale labada furinba ka dagaal gelo waxaa dhici karta inuu ciidankiisa oo dhan isu geeyo aagga Laascaano taasoo ka dhigaysa inuu saacado halkaas kaga falaxasho dabadeedna uu maalmo kaddib iskaga noqdo isagoo leh reer Laascaanoow ogaada inaan “idin dili karno idinna deyn karno”.

Reeraa waxay lahaayeen lax tuugo ah oo reerka kusoo guryo noqota marka arigu foofo. Waxay reerka ka xadi/dhami jirtay caanaha iyo wixii kalooy guriga ka hesho. Maalintii dambe ayaa reerkii xeradii ka guuray oo degay meel dugaag badan. Maalinkii markii reerihii degeen oo harkii arigii la tirshay baa laxdii la waayey. Aabbihii reerka baa yiri Ilaah waan aqaan dabadeedna caalihiina (waraabaha) waan aqaan, calaantiina (laxdii) waan aqaan. Wuxuu ka wadaa laxdu waxay ku noqotay gurigii laga soo guuray. Marka Ilaahna iyada iyo waraabaha isa seejin maayo iyadoo tuugo usocota. Markuu xeradii hore ku noqday wuxuu arkay laxdii oo dhurwaa feentay.

Waxaan ka wadaa C/hi oo waxaan ehel-dil iyo guryo noqod ahayn aqoon iyo Somaliland isa seegimaayaan waana u dhamaynayaan marka reer Sooloow dhowr arrimood mid yeela.

1. In C/hi bixiyo raali-gelin ku aaddan Riyaale iyo Somaliland, weerarkii Riyaale lagu qaaday awgiis iyo sanadguuradii aad ku sheegteen cayrintii Riyaale ilayn dad Soomaaliyeed saas uma wada hadlaane. Teeda kale yaa u fasaxay in C/hi googooyo gobollada Soomaaliya? Ma aragteen Gaalkacyo oo laga xusso sanadguuradii Caydiid Gaalkacyo looga saaray? Soomaalidu waa dagaalantaa laakiin waxyaalaha qaarkood la iskulama hadlo.

2. Inaad C/hi beri ka noqotaan oo aad caddaysaan inuusan idin xukumin markaas waxaa idin dhinac taagan dadweynaha Puntland oo aan kala harin. Waadna ogtihiin inaysan jirin wax shacab ka xoog badan kana tiro badan. Haddii kale C/Risaaq Afguduud oo dhowr jirri ah wata ha idiin hargo lulo.

3. Ama inaad idinku si kale Riyaale ula xaashaan si colaadaas aan micnaha lahayn u istaagto.

4. Riyaale ciidankiisa waa u urursanyihiine, idinkuna waxaad ku bootaynaysaan inaad Riyaale ka hortagi doontaane maxaad diyaarsateen? Ma gurmad reer Mudug ah baa idiin yimid? Reer Garoowe? Qardho? Boosaaso? Mise reer Sanaag? Marka Riyaale “intuusan yur oran buu warmo yeeshay” ee idinku ma marka uu yub idin ka siiyo baad hadhow waxyeeli doontaan?

5. Teeda kale Riyaale oo xoogaa waardiye ah wata baa Laascaano soo galee haddoo uu kumanaan wato hadduu soo galo yaa ka hor taagan? Ma C/Risaaq Afguduud?

6. Haddii kale C/hi ka danaysta oo gooni isu-taaga si shacabka kale ee walaalihiin ah idiin garab is-taagaan. Teeda kale dadkiina dibadda jooga haddaad dantiina garataan oo wax uruursataan waxaad bishii samayn kartaan lacag ka badan tan xagga C/hi idin ka soo gasha. Oo ma C/hi baa lacag idin ka soo gashaa? Maya laakiin waxa tan dhowrka madaxdiina ahi ku qadayso.

Arrinta goosashada, Riyaale iyo idinka kaliya idiin ma taal marka odayaasha degaankaas ha isku dayeen inaan halkaas dhiig ku daadan intii tabartood ah. Hadday noqoto in Riyaale wax kale aqbali waayo meesha yaan wiilal idiin ka dhiman, C/hi idin difaaci maayee, ee wixii awood ah ee aad haysataan la taga xuduudkii hore dabadeedna arrintu waxay u taal dadweynaha reer “Puntland” iyo Soomaalida kalaba. Markaas qofkii talo haya waxbaa u furan.

Muxuu C/hi u taray dadkii abaarta ku dhintay ama ku waxyeeloobay? Caqligu ha shaqeeyo. C/Risaaq Afguduud dhowrkan gaari oo uu ku ordayo biyo maku dhaanshay? Dad socon waayey ma kuso qaaday?

Kollay anigu waxaan ahay dadka aan aamminsanayn in Soomaaliya lakala gooyo. Riyaale iyo “Somalilanders” kalana waa ku khaldanyihiin sheegashadaas.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]