SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Dagaallo cadowga Itoobiya lagu naafeeyay
  • Maamulka Hargaysa oo sheegay inuu maxkamad horkeenayo dadwayne reer Ogadenya ah.
  • Maamulkii Zoonka Qorraxay oo Wayaanuhu la wareegatay.
  • Askarta Wayaanaha dad badan ku laysay magaalada Gambella.
  • Dhaqaalha Itoobiya oo hoos u dhacay.
  • Dood ku saabsan dadka ay maamulka Hargaysa ku xidh xidheen magaalada hargaysa iyo arimo kale oo mihiim ah.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu naafeeyay

09 November 2003, Kalas oo ka tirsan degmada Iimey ee Gobalka Nogbeed dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 8 askari, waxaana lagaga dhaawacay 7 kale.

23 November 2003, Abaaqorow oo ka tirsan degmada Iimey ee Gobalka Nogbeed dagaal ka dhacay waxaa sidoo kale cadawga lagaga dilay 4 askari, waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

27 November 2003, Coballe oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur ee Gobalka Jarareed dagaal ka dhacay waxaa ciidanka jabka weheshada ee gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 8 askari, waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oon la xaqiijinin.

02 December 2003, Bukudhaba oo ka tirsan Gobalka Jarareed, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay in ka badan 21 askari, iyadoo lagaga dhaawacay tiro intaas ka badan.

09 December 2003, Buurta la yidhaahdo Wagad oo u dhaxaysa Coballe iyo Dhagaxbuur, dagaal ka dhacay waxaa ciidanka maxaysatada ah ee Itoobiya lagaga dilay 9 aaskari, waxaana lagaga dhaawacay tiro intaas ka badan.

13 December 2003, Dhagaxyaley oo ku taalla waddada isku xidha Garbo iyo Dhagaxbuur dagaal ka dhacay waxaa ciidanka saama-la-luudka ah ee Itoobiya lagaga dilay 5 askari, waxaana lagaga dhaawacay 9 kale.

Maamulka Hargaysa oo sheegay inuu maxkamad horkeenayo dadwayne reer Ogadenya ah.

Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadenya u jooga magaalada Hargaysa ayaa noo soo sheegay in barri oo taariikhdu ay ku aaddan tahay ( 20/12/2003 ) Maxakamada Sare ee Magaalada Hargaysa la horkeeni doono dadkii u dhashay Ogaadeeniya ee ku xidhnaa xabsiga magaalada Hargaysa.

Hase yeeshee maamulka Hargaysa ilaa iyo hadda ma aanuu sheegin denbiyada uu dadkaas u ahaysto. "Majirto wax dambi ah oo ilaa hadda aanu u hayno maxaabiistan, hase ahaatee waxaa noo caddaatay in uu wasiirka arrimaha guduhu ujeeddo gaara ka leeyahay xadhigooda" sidaa waxaa yidhi sargaal sare oo ka tirsan ciidanka booliiska ee Magaalada Hargaysa.

Sarkaalkan sare ee booliiska ah oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa intaas ku daray inuu aad ula yaaban yahay in lagu tilmaamo dambiilayaal dhalinyaradan la yaqaano ee inta badan ka shaqaysanayay magaalada Hargaysa, wuxuuna sargaalkaasi magac dhabay nin dhalinayro ah oo lagu magacaabo Mawliid Dheere, oo sdannado badan ka shaqaynaayay gukaan ku yaalla badhtamaha magaalada hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan ayaa muujinaya dambi la'aanta dadkan iyo sida uu maamulka Gobollada Waqooyi ugu badheedhay cadaawada uu doonayo inuu ka dhex abuuro dadka soomaaliyeed dhexdooda.

Maamulkii Zoonka Qorraxay oo Wayaanuhu la wareegatay.

Wargays Itoobiya ka soo baxa oo Itop lagu magacaabo ayaa toddobaadkii hore qoray in ciidammada Wayaanuhu ay la wareegeen maamulkii ka jiray Zonka ama gobolka Qorraxay.

Wargaysku wuxuu intaas raaciyay in 12 oday oo Zoonkaas ka tirsan ay warqad cabasho ah u qoreen keligii taliye Meles Zenawi, taasoo ay odayaashu kaga cabanayeen dhibaatooyika ay xukuumadda Itoobiya ku hayso Soomaalida Ogadeniya iyo maamul xumida ka taagan Zoonka Qoraxay.

Wuxuu kaloo wargaysku intaas raaciyay in toban ka mid ah odayaadshii warqadda cabashada ah qoray xabsiga loo taxaabay, qaar kalena ay wali nabad sugiddu raadinayso.

Xukuumadda Meles Zenawi waxay baryahan danbe ku jirtay qorshihii ay kula wareegi lahayd maamul ku sheega Kililka Soomaalida Ogadeniya, waxayna muddaba ku hawllanayd sababihii ay la wareegidda maamulka gobolka u cuskan lahayd, waxayna sida hadda muuqata ku bilowday gobolka Qorraxay.

Dadwaynaha Ogadenya marna xor uma ayna ahayn maamulka dhulkooda, waxaana mar kasta awoodda kama denbaysta ah lahaa ciidammada gumaysiga ee Ogadenya la soo dhoobay, hase yeeshee waxay xukuumadda Itoobiya intii hadda ka horraysay dunida ku khaldi jirtay in dadwaynaha soomaalida Ogadenya ay iyagu is-maamulaan, taasoo aad mooddo inay xukuumadda hadda u cuntami wayday oo ay caddaysanayso gacan ku haynta maamulka Ogadenya oo dhan.

Askarta Wayaanaha dad badan ku laysay magaalada Gambella.

Askarta Wayaanaha ayaa toddobaadkan oo dhan dagaal cuslus kaga jiray nawaaxiga magaalada Gambella, kaasoo ay kaga soo horjeedaan kooxo nidaamka Addis Ababa ka soo horjeeda, waxaana la sheegay in dagaalkaas ay ku dhinteen dad boqol ruux kor u dhaafay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalladaas awogood albaabada loo laabay dugsiyadii, bangiyadii, xafiisyadii dawlada iyo dhamaanba goobihii adeegga guud qaabilsanaa.

Waxa kaloo iyaguna shaqooyinkoodii joojiyay oo deegaanksaa ka soo cararay ururradii samafalka ahaa, waxayna taasi ka denbaysay, ka dib markii 8 qof lagu dilay gaadhi ay hay’ adda qoxootiga ee UNHCR lahayd, iyadoo 4 ka mid dadkaas la laayay ay hay’adda u shaqayn jireen.

Dagaalkani wuxuu billowday sabtidii ina dhaaftay, wuxuuna ka billowday weerar gaadmo ah oo lagu dilay toddoba nin oo ay ku jiraan masuuliyiin seddex ah oo ka tirsan xukuumadda Addis Ababa iyo nin ka tirsan booliska gobolka.

Saraakiisha xukuumadda Addis Ababa ayaa laga soo xigtay in ciidammada dawlada la keenay magaalada Gambella, si ay u kala dhex galaan dagaal dhex maray labo ka mid ah qabiilooyinka deegaankaas isla dega.

Hase yeeshee warar deegaanka laga soo xigtay ayaa sheegaya in ciidammada dawladu ay weerarkan qaadeen, si ay u ciqaabaan mid ka mid ah qabilooyinka halkaaso dega, oo ka soo horjeeda siyaasadda dawlada Wayaanaha.

Qof u hadlay kaniisad ku taalla magaalada Gambella, oo codsaday inaan la magac-dhabin, ayaa sheegay inay soo gaadheen warar tibaaxaya in dadka ay askartu laayeen ay 200 oo qof kor u dhaafayaan.

Wuxuu kaloo qofkani sheegay in ciidammada Wayaanuhu ay subanimadii sabtida ahayd uruuriyeen dadkii aqoonyahaniinta ahaa iyo madax dhaqameedyadii deegaankaas oo ay si wadajir ah u laayeen.

Wuxuu kaloo qofkani ku sheegay war uu u soo diray kaniisad ku taalla magaalada Addis Ababa in ardaydii ku xaraysnayd Maxadka Tababarka Macalimiinta ee Gabmella iyagana subaxnimadii isniinta ahayd gaadhka laga qabtay oo lala baxay.

Dhaqaalha Itoobiya oo hoos u dhacay.

Wariyaha Wakaalda Wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya inuu dhaqaalaha dalka Itoobiya aad hoos ugu dhacay, sidaasna waxaa caddaysay hay’adda lacgata aduubka ee (IMF).

Warbixin ay hay’adda IMF soo saartay arbacadii waxay ku sheegtay inuu dhaqaalaha Itoobiya hoos u dhacay saami gaadhaya 3,8% marka loo eego sannadkii hore. Warbixintu waxay kaloo intaa ku dartay in baryahan danbe uu dhaqaalaha dawlada Itoobiya guud ahaan aad u xumaa, taasoo keentay in qiimaha maciishaddu uu 15% kor u kacaday, dalka Itoobiyana uu ka dhasho sicir-barar dadwayanaha si wayn u naafeeyay.

Hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid dalka Itoobiya waxaa sabab u ah baa la yidhi maamul xumada haysta xukuumadda Itoobiya oo dhinacayo badan saamaysay, sida siyaasda, arimaha bulshada, iyo dhaqaalha intaba.

Dadka maamulka Itoobiya u dhuun duleelaa ayaa sheegaya inay xukuumadda Addis Ababa illowday guud ahaanba masuuliyadii ka saarayd wax ka qabashada adeegyada guud ee arrimaha bulshada, isla markaana xukuumadda Meles Zenawi ku mashquulsan tahay oo kaliya sidii ay Geeska Afrika ugu yeelan lahayd cudud millatari oo aan tabarteeda ahayn.

19.12.2003
Ahmed Gaal´ eri
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD