SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaallo dhexmaray JWXO iyo kuwa cadowga Itoobiya.
  • Ø Maamulka Hargaysa. oo ku guul-darraystay inuu maxkamadeeyo dadkii uu xasuuqay.
  • Ø Kulan ballaadhan oo ka dhacay Germany.
  • Ø Midowga Yurub oo dhaqaalaha ka jaraya Itoobiya.
  • Ø Janaraal wasaarada gaashaanadiga Itoobiya ka tirsanaa oo iscasilay.
  • Ø Ciidamo Itoobiyaan ah oo xadka Kenya weeraray.
  • Ø Faalo aanu ku soo qaadan doono dadka uu maamulka hargaysa xabsiyada ku hayo iyo suugaan kala duwan.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dagaallo dhexmaray JWXO iyo kuwa cadowga Itoobiya.

Dagaallada dhexmaraya ciidamada cadawga Itoobiya iyo kuwa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya ayaa ah kuwo joogto ah oo aan kala joogsi lahayn, waxaana ugu denbeeyay;

13.12.2003 dagaal ba` an oo ku dhexmaray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada wadaniga xoraynta Ogaadeenya meesha la yiraahdo Karin-Cagaag oo ka tirsan gobolka Dhagaxbuur waxaa ciidamada dulmiga waheshada ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo badan.

Isla 13.12.2003 dagaal adag oo ka dhacay meesha la yiraahdo Garwaan oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaa ciidamada maxaysatada ah ee cadawga Itoobiya lagaga dilay 4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 9 Askari oo kale.

14.12.2003 dagaal culus oo ku dhexmaray Toon-tixlay oo ka tirsan gobbolka Qorraxay ciidamada dulmiga ku caan-baxay ee Itoobiya iyo ciidamada xaq u dirirka xoraynata Ogaadeenya waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 6 Askari waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo badan, balse aan wali naloo soo xaqiijin.

Maamulka Hargaysa oo ku guul-darraystay inuu maxkamadeeyo dadkii uu xasuuqay

Maamulka magaalada Hargaysa, oo hadda ka hor sheegay inuu sabtidii ina dhaaftay maxkamad horkeenayo dadkii faraha badnaa ee lagu xidhxidhay magaalada Hargaysa, ayaa ku guul- darraystay inuu dadkaas maxkamad horkeeno, waxayna arrintaasi dhgalisay shaki ku saabsan in dadkaasi ay wali ku xidhxidhan yihiin magaalada Hargaysa iyo gacanta loo galiyay cadowga Itoobiya.

Garsoore ka tirsan maxakamada maamulka Hargaysa oo la waydiiyay sababta ay maxkamaddu u baaqatay ayaa sheegay inuu wasiirka arrimaha guduhu soo saaray go’aan maxkamaddaas lagu baajinayo, isla markaana ay dadkaasi rummaan ku sii jirayaan inta uu go’aan kale ka soo saarayo maamulka qabiiligi ah ee magaalada Hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee keenis la'aanta dadkan maxakamada la keeni waayay iyo adkaynta la adkeeyay in xabsiga lagu soo booqdo waxay xoojinayaan shakiga ah inay dadkaasi wali Hargaysa ku xidhxidhan yihiin iyo in kale.

Kulan ballaadhan oo ka dhacay Germany.

Kulan balaandhan oo jaaliyada Germany ay soo qaban qaabisay ayaa 20.12.2003 ka dhacay magaalada Stuttgart ee wadanka Germanay.

Kulankaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya Adm. Mohamed Cumar Cisman iyo wafti uu hogaaminayo oo kormeer shaqo ku maraya qaar ka mid ah wadamada Yurub.

Masuuliyiinta kulankaas ka soo qaybgalay ayaa waxay warbixin dheer ka siiyeen dadkii kulankaas ka soo qaybgalay xaalada uu ku suganyahay shacabka Ogaadeenya iyo waliba halka uu marayo Halkanka hubaysan ee ay Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya hogaaminayso, waxay kalooy masuuliyiintu xogwaran dhab ah ka bixiyeen shirqoolada uu gumaysiga Itoobiya u maleegayo shacabka aan walaalaha nahay ee Soomaaliya, kaas oo sida ay shegeen gaadhay meel khatar oo halisteedu gaadhay in shacabka soomaaliyeed god madoow lagu tuuro.

Masuuliyiintu waxay ka soo qaybgalayaashii shirkaas ku guubaabiyeen in ay si hagar la` aan ah isu garab taagaan halganka ay JWXO ugu jirto madax banaanida shacbka Ogaadeenya ee gumaysigu mudada dheer haystay, waxayna dadwaynaha ku guubaabiyeen in uu dhamaaday xiligii is Adoonsiga iyo isku dulnoolaanta, Xoriyadiina iyo sharaftiinu waxay ku xidhantahay hadba sidaad gumaysiga uga gilgilitaan ayuu yidhi madaxwaynaha Jwxo.

Dadkii kulankaas ka soo qayb galay oo ay wajiyadoodu ka muuqatay shucuur wadininimo oo aad u badan ayaa waxay masuuliyiinta kalkaas uga soo jeediyeen talooyin iyo tilmaamo wax ku-ool ah oo dhamaantood wax tar u leh geedi socodka halganka.

Waxay kalooy shacabkii shirkaas ka soo qaybgalay masuuliyiinta u muujiyeen in ay ka go,antahay taageerada halganka lagu baadi goobayo gobonimada Shacabka Ogaadeenya, waxayna madaxda ku guubaabiyeen in ayna marnaba u dabcin gumaysiga Itoobiya wax xoriyad kayarna ayna qaadan.

Midowga Yurub oo dhaqaalaha ka jaraya Itoobiya.

Madaxa xafiiska barnaamijyada horumarinta ee Midowga Yurub Richelle Koos ayaa sheegay in diidmada ay Itoobiya diidday inay u hooggaansanto go’aankii caalamiga ahaa ee ka soo baxay xadka iyada iyo Eritereya u dhexeeya uu keeni karo in Midowga Yurub uu ka jaro dawlada Itoobiya barnaamijyadii horumarinta ee uu ka caawin jiray.

Mr Koos wuxuu intaas ku daray in arrintan lagu soo qaadi doono kulan kasta oo Midowga Yurub uu la yeesho masuuliyiin xukuumadda Itoobiya ka tirsan, wuxuuna yidhi; ”Haddii ay Itoobiya doonayso inaan laga jarin dhaqaalaha horumarinta ah ee la siiyo waa inay si taxaddar ah u dhaqanto oo ay maqasho go’aanka arrinta xadka laga gaadhay”.

Xaaladda xadka ee Itoobiya iyo Eritereya ayaa si wayn u kacsanayd, tan iyo markii ay Itoobiya ku gacan saydhay go’aankii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee Haag, oo dawlada Eritereya u xukumay magaaladii uu dagaalku ka kacay ee Bademe.

Midowga Yurub ayaa ku talajira inuu bisha jannaayo ee foodda inugu soo haysa wafti heer sare ah u diro Itoobiya iyo Eritereya, si la isugu dayo in la dhammeeyo colaadda dhinaca soohdinta ah ee labada dal u dhaxaysa.

Janaraal wasaarada gaashaanadiga Itoobiya ka tirsanaa oo iscasilay

Wariyaha Wakaaldda Wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya inuu is-casilay taliyhii saadka ee wasaarada gaashaandhiga ee Itoobiya oo u dhashay qawmiyada Oromada.

Janeralakan, oo toddobaadkii hore is-casilay, wuxuu ka tirsanaa isbahaysiga EPRDF, gaar ahaan ururka OPDO, oo ah urur daba-dhilif u ah ururka tigreega ee TPLF. Dadka arimaha Itoobiya u dhuun duleela waxay sheegayaan in Janaraalkani uu u adkaysan waayay dhibaatooyinka uu nidaamka Addis Ababa ku hayo dadka Oromoda ah.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo xadka Kenya weeraray

Ciidamo Itoobiyaan ah oo hubaysan ayaa soo weeraray xarunta booliska ee magaalada Mandheera, waxayna halkaas ka afduubeen seddex nin oo booliska Kemya ka tirsan, oo midkood ay dhaawac gaadhsiiyeen, waxay kaloo horay u sii qaateen wixii hub ahaa ee xaruntaas yaallay.

Hase yeeshee mid ka mid ah seddexdaas nin ee ciidammada Itoobiya ay Mandheera ka qafaasheen ayaa la sheegay inuu ka soo baxsaday.

Taliyaha Booliska ee Mandheera ayaa warqad dheer u qoray xukuumadda Itoobiya , taasoo uu kaga codsanayo in ay si degdeg ah u sii daayaan booliska ay ciidammada Itoobiya qafaasheen, isla markaana ay soo celiyaan wixii hub ahaa ee xarunta booliska ee Mandheera ay ka dheceen.

Waxaana la wada ogsoonyahay in u baryahan danbe ay aad u bateen weerarrada ay ku hayaan ciidammada Itoobiya xadka Kenya, waxaana intooda badan lagu tilmaamay inay sabab u yihiin nidaam xumada ka dhex jirta ciidammada Itoobiya iyo baahida aan la qiyaasi karin ee haysa oo u gaynaysa inay boobaan wixii hanti ah ee ay boobi karaan.

Golaha Ammaanka oo adkaynaya xayiraadda hubka ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa badhtamihii toddobaadkan soo saaray go’aan ku baaqaya in la sameeyo guddi cusub oo u kuur-gala sida loogu xadgudbo xayiraada hubka ee lagu soo rogay dalka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu ku baaqay in siwayn loo adkeeyo xayiraada hubka ee dalka Soomaaliya saaran.

Go’aankan Golaha Ammaanka ka soo baxay wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ugu baaqayaa inuu sameeyo guddi cusub oo afar qof ka kooban, kaasoo baadhis ku soo sameeya dalka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, isla mar-aahaantaana lix bilood gudohood ku soo uruuriya warbixino daboolka ka qaadaya dhinacyada ku xadgudba xayiraada hubka ee Soomaaliya saaran.

Go’aankani wuxuu kaloo dhigayaa in dhinacyada xayiraadan ku xadgudba laga qaadi doono tallaabooyin ciqaab oo idb laga xaddidi doono.

Waxaa la wada-ogsoon yahay in xukuumadda Itoobiya ay si joogto ah ugu xadgudubto go’aanka xayiraada hubka ah ee Soomaaliya lagu soo rogay, waxayna si joogto ah u hubaysaa hooggaamiye kooxeedyada gacan-saarka la leh ee Soomaaliya.

23.12.2003

Ahamed Gaal` eri


Ahmed Gaal´ eri
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD