SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Saraakiil Ethiopian ah oo lagu wado inay Jawhar tagaan maalmaha soo socda.
  • Ø Jaaliyada Oromda ee Ingriiska oo mudaharaad balaadhan samaysay.
  • Ø Wasiirak arimaha dibada ee Eritrea oo sheegay in ay Itoobiya dagaal u diyaar garowday.
  • Ø 350 Boolis ah oo shaqadoodii laga eryay.
  • Ø Masaajid ka dhisnaa magaalada Aksum 65 sano oo la dumiyey.
  • Ø Qayb ka mid ah riwaayadii Xaftii waynaye xig ma maalaa iyo suugaan kala duwan.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Saraakiil Ethiopian ah oo lagu wado inay Jawhar tagaan maalmaha soo socda.

Shirkii dib-uheshiisiinta somaliya ee ka socday wadanka kenya oo dowlada Itoobiya ay gaadhi-wade ka ahayd ayaad moodaa maalmahan danbe inuu bur-bur qarka usaaran yahay, dadka siyaasada indha-indheeya ayaa ku tilmaamay in shirkaasi waxba kasoo baxaynin inta dowlada Ethiopia faraha kula jirto.

Saraakiil ka socota Itoobiya iyo kooxda sida weyn ay ugu adeegato ee SRRC ayaa lagu wadaa inay maalmahan soo socda kulan ku yeeshaan magaalada Jawhar ee gobolka Sh/dhexe,kulankaas oo raga siyasada u dhuun-daloola ay ku tilmaameey inay Ethiopia iyo SRRC kaga arinsan doonaan sidii ay uga hortagi lahaayeen kordhinta sixiixayaasha,si ay awood ugu yeeshaan dowlad kastoo laga dhiso soomaaliya,iyadoo wakiilka gaarka ah ee Ethiopia umatala shirka uu u balanqaaday kooxda SRRC inaan marna la aqbalaynin kordhinta sixiixayaasha.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in qaar ka mid ah madaxda SRRC loo qaadi doono magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya soona joogi doonaan 3 maalmood,ma cada sababta loo gaynayo Ethiopia,in kastoo warar ay sheegayaan in la soo siinayo hub iyo saanad ay ku dagaal galaan hadii shirku noqon waayo siday doonayaan oo uu burburo.

Jaaliyada Oromda ee Ingriiska oo mudaharaad balaadhan samaysay

Radyowga Oromada ee Sagalee Bilisumaa Oromoo(SBO) ayaa sheegay in 23.12.2003 Mudaharaad aad u blaadhan lagu qabtay dhamaan wadanka Igriiska gaar ahaan magaalada London.


Banaanbaxan ayaa lagaga soo hor jeeday go’aankii uu dhawaanta soo saaray Ra` iisal wasaaraha wadanka Itoobiya Meles Zenawi, kaas oo sheegayay in xafiisyo ay dadka Oromada ah ku lahaayeen magaalada Adis Ababa u guuraan Kililka Oromada.

Dadka Oromada ah ayaa aaminsan in ay dawlada Zenaawi rabto in ay kala wareegto lahaanshaha magaalada Addis Ababa qoomiyada Oromada.

Qoomiyada Oromada ayaa magaaladaas waxay markeedii hore u taqaanay Fifine balse boqortooyooyinkii Milinik iyo Xayle salaase ayaa waxay ula baxeen Adis Ababa.

Dadkii mudaharaadkan ka soo qaybgalay oo ku dhawaaqayay halkudhagyo canbaareeynaya Xukuumada Itoobiya ayaa warqad cabasho ah u gudbiyay
wasiirka arimaha dibada ee wadanka Ingriiska, warqadaas ayay kaga cabanayeen go` aanka dadaka Oromada ah lagaga fogaynayo magaalada Adis Ababa iyo waliba cadaadiska xad dhaafka ah ee taliska wayaanuhu ku hayo qoomiyada Oromada iyo qoomiyadaha kale ee dulmanba.

Sida oo kale waxaa warqad cabasho ah u qoray Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Mr. Koofi Anaan ardayda jaamacadaha ee qoomiyada Oromada.

Wasiirak arimaha dibada ee Eritrea oo sheegay in ay Itoobiya dagaal u diyaar garowday.

Waraysi dheer oo uu la yeeshay wargayska Al-sharqul awsat oo ka soo baxa magaalada London ee wadanka Ingiriiska wasiirka arimaha dibada ee wadanka Eritrea ayuu wasiirku ku cadeeyay in ay dawlada Itoobiya dagaal ay Eritrea ku qaado isu diyaarisay.

Waxa u intaa raacyay Mr. Cali isaga oo sheegay in u raiisul wasaaraha Itoobiya Meles
Zenawi u si ula kac ah u diiday go’aankii gudiga qaramada midoobay ee loo xil
saaray in ay xaliyaan khilaafka ka dhextaagan soohdinta ay Itoobiya iyo Eritrea wadaagaan.


Waxa kale oo u Mr. Cali sheegay in ay bulshada caalmku dhex gasho arintan oo
si nabad galyo ah lagu xaliyo inta unan dagaalku bilaabmin , hadiise ay
taasi dhici waydo waxaa iman doona khasaare aad u balaadhan oo aan la soo
koobi karin.


dhinaca kale Midowga yurub ayaa ku eedeeyey dowlada Itoobiya inay hortaagan tahay xal kastoo lagu dhamayn lahaa khilaafka u dhaxeeya iyada iyo Dowlada Erateria,wuxuuna midowga yurub ku tilmaamay dowlada Itoobiya inay ku dhaqanto siyaasad ah aniga mooyaane cid kale yaysan noolaanin.

hadalo cul-culus oo ay cadho ka muuqato ayay midawga yurub kula hadleen maamulka Addis-ababa iyagoo uga digay inay waayi doonto kaalmada ay ka hesho saaxiibadeeda ay bah-wadaagta lee yihiin ee reer yurub waa hadii ay kusii dhaga adaygto diidmadii ay ka muujisay go,aankii gudiga calaamadinta soohdinta ee kal hore ay soo gaadhay maxkamada caalamiga ah ee Heeg.

350 Boolis ah oo shaqadoodii laga eryay.

Wariyaha wakaalda wararka Ogaadenya u jooga magaalda Adis Ababa ayaa
sheegaya in shaqadoodii laga eryay 350 Boolis ah oo ay 24 ka mid ah sarakiil yihiin, waxayna dhamaantood ka shaqaynayeen magaalda Adis Ababa.

Booliskaa shaqooyinkii laga qaaday ayaa la sheegayaa in lagu qaaday waxa afka amxaariga loo yaqaano (Gimgama) oo macnaheedu yahay qiimayn.

Dadka qiimaynta lagu qaado ayaa waxaa lagu tuhmaa in ay ka soo horjeedaan taliska sii liciifaya ee Melis Zenaawi uu madaxda ka yahay, waxaana lagu eedeeyaa waxyaabo shir qoolo ah oo ay dawladu soo diyaarisay.

Talaabadan shaqada lagaga eryay ciidanka Booliska ayaa waxaa qaaday Duqa magaalada Adis Ababa Arkabe Uqbay oo ah nin ay si aad ah isugu dhawyihiin kaligii taliye Melis Zenaawi kana soo jeeda qoomiyada Tigreega ee xukunka wadanka Itoobiya haysa.

Ciidanka shagaqada laga eryay ayaa waxay ubadnayeen qoomiyada Oromada oo aad ugu xoogbadan magaalada adis Ababa, dadka ka soo jeeda qoomiyadaas ayaa waxay talaabadan u arkaan mid dadka Oromada ah lagaga cidhib tirayo awooda magaalada Adis Ababa.

Masaajid ka dhisnaa magaalada Aksum 65 sano oo la dumiyey.


Intii ay Soomaaliya dawladda ahayd, laga soo bilaabo xornimadii ay qayb Soomaaliy aah ka qaadatay gumeysiga, waxaa Kismaayo iyo Xamar ka dhisnaa Kaniisad ku sinayd xilligii gumeysiga, Kaniisada Xamar waxay ka dhisnayd meel u dhow masjidka Qadiimka ah ee Arbaca rukun, iyo hoteelkii ugu caansanaa Muqdisho ee Curuba iyo Bangigii ugu weynaa Soomaaliya oo ahaa Bangiga Ganacsiga iyo kaydka Soomaaliyeed iyo xafiisyadii dawladda, iyo jardoonooyin qurub badan oo aagaas ka dhowaa, iyo weliba dekadii caalamaga hayad ee Muqdisho oo aan halkaas ka durugsanayd. Sawirka: www.swan.ac.uk

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Aksuum ayaa sheekagaya in maamulka magaaladaasi dumiyeen masaajid ka dhisnaa halkaas muddo dhan 65 sano,iyagoo u cuskaday duminta masaajidkaas in si sharci daro ah lagu dhisay markiisii hore.

Muslimiinta aagaas dagan oo si aad ah ooga cadhaysnaa falka islaam nacaybka ah ee uu maamulka magaadaasi sameeyay ayaa ku tilmaamay inaysan waxba ka jirin qodobka loo cuskaday duminta masaajidkaasi.

Duminta masaajidkaas ayaa la fuliyey xili habeen ah,iyadoo laga cabsi qabay in hadii maalin cad la dumiyo ay halkaas ka dhacaan shaqaaqooyin iyo iska hor imaado xun.

Sidoo kale xubnihii ka shaqayn jiray masaajidkaas oo dhannaa 5 qof ayaa iyagana xabsiga loo taxaabay.

<><><> Magaalada Aksum (ee Itoobiya) ee waa magaalo taariikhdeedu ku siman tahay xilligii boqor tooyadii la ornjirey "Aksum" taas oo ahayd gobol xoog leh oo u dhexeeyey boqortooyadii Roomaanka iyo tii Beershiya-<><><>

26.12.2003

C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]