SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay

  • Ø Dagaalo dhex maray CWXO iyo Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Wararkii ugu danbeeyay ee Hargeysa.
  • Ø Kulan dhex maray Masuuliyiinta Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway iyo Masuuliyiin ka tirsan wadanka Norway.
  • Ø Kuliyada Farsmada Gacanta ee Naziret oo ay Nabadsugida Itoobiya isku
    xeertay.
  • Ø Dagaal dhexmaray jabhada Oromada ee OLF iyo ciidamada Itoobiya.
  • Ø Waraysi aanu la yeelanay Madaxwaynaha JWXO iyo barnaamujkii aanu ku eegi jiray waxyaabaha ugu waaween ee dhacay Todobaadka.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dagaalo dhex maray CWXO iyo Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya

Hadwayne oo ka tirsan gobolka fiiq dagaal ay ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iskaga hor yimaadee ayaa waxaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 12 waxaana lagag dhaawacay 15 askari oo kale.

Sidoo kale 23.11.2003 dagaal ay dagaayahamiinta Xoraynta ogaadeenya ku qaaden ciidamada naflacaariga Itoobiya ee ku sugnaa Magaalada garbo ayay kaga dileen 15 waxayna kaga dhaawaceen 9 Askari oo kale.

Dagaal isla xiligaas ku dhexmaray ciidamada cadawga iyo ciidamada Xoraynta Ogaadenya Toon ceelay oo ka tirsan gobolka Qoraxay ayaa ciidamada cawga lagaga dilay 8 Askari waxaana lagag dhaawacay 11 Askari oo kale. Ciidamadaas ayaa dagaalka kadib waxay dil iyo dhaawac aad u badan u gaysteen shacabkii Tuuladaas ku noolaa.

Dagaal adag oo dabayaaqadii Bishii hore ku dhex maray deegaanka Awaare ciidamada dagaalyahamiinta Xoraynta Ogaadeenya iyo ciidamada doolka ku jooga Ogaadeenya ayaa waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 30 Askari waxaana lagaga dhaawacay Tiro aad u badan oo aan wali naloo soo xaqiijin. Dagaalkan ayaa ciidamada cadawga waxaa lagaga furtay hub iyo saanad aad u badan.

Meesha lagu magacaabo sarwayn oo ka tirsan gobolka wardheer dagaal ku dhexmaray dad shacab ah iyo ciidamada cadawga ayaa ciidamada cadawga lagaga dilay 7 askari dhinaca shacabkana waxay ciidamada cadawgu dileen 2 Ruux.

Wararkii ugu danbeeyay ee Hargeysa.
[Maamulka Hargeysa oo Dad Shacab Xirxiray Kuna Tilmaamay ONLF]

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Telefeshinka magaalada laga soo saarey dad u badan dhalinyaro oo Tuute ama dharka ciidamada qasab loogu lebisay. kuwaas oo uu Maamulka Maalada Hargeysa ku sheegayo in ay yihiin xubno ka mid ah ONLF, balse dhalinyaradaasi ay kalayihiin kuwa ka soo qaxay Jabuuti iyo qaar ku noolaa magaalada Hargeysa, halka qaarkood ahaayeen ganacsato safar ku timid magaalada. Warbaahinta Magaalada Hargeysa ayaa aad u buun-buuninaysa dadka shacabka ah ee maamulka Hargeysa xabsiyada dhigay.

Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Hargeysa ayaa la sheegayaa in uu aad ugu hanjabayo dadka ka soo jeeda Gobolka Ogaadeeniya, taas oo uu amar ku bixiyey in dhaamaan dadka u nasab sheegta Ogaadeeniya ka baxaan Gobolada waqooyi.

Dhinaca kale Sadex sarkaal oo Itoobiyaan ah oo ka socda Xafiiska Nabadsugida Itoobiya ku leedahay Magaalada Hargeysa ayaa la hor keenay Maxaabiistii u dhalatay Soomaalida Ogadenia oo beryanba lagu hayay Xabsiyada Magaalada Hargeysa. Sadexda xafiis Nabadsugideed ee ku yaala Hargeysa ayaa ka wada qaybqaatay booqashadii ay ugu tageen maxaabiista u dhalatay Ogaadenya ee laga soo xasuuqay suuqyada magaalada Hargeysa.

Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa muujiyey inay ku adag tahay in ay u aqoonsadaan Xubno ONLF ah dadkan la soo hordhoobay oo tiradoodu ay gaadhayso Sagaashameeyo ruux oo isugu jira qaybaha ay Bulshada Ogaadeenya ka kooban tahay, Waxaana la filayaa in si kooxkoox ah loo horkeeno shacbigan maxaabiista ah saraakiisha Itoobiyaanka ah ee ku suguan Magaalada Hargeysa.

Dhanka kale waxa wali socda raafka iyo xasuuqa dadka Soomaalida ah ee loo garto inay ka yimaadeen dhanka Ogadenia iyo Koonfurta Soomaaliayaba.

Sida lawada ogyahay waxay maamulka Hargeysa gacanta u galiyeen Taliska Itoobiya dad Soomaali ah in ka badan shan jeer oo hore ilaa iyo sanadkii 1996.

Talaabooyinkaas uu qaadayay maamulka hargaysa dhamaantood waxay ahaayeen wax uusan qaadan karin damiirka caafimaadka qaba ee Soomaali-nomadu ku dheehantahay.

Iyadoo meelo badan oo ka mid ah koonfurta soomaaliya lagu qabtay banaanbaxyo lagaga soo horjeedo arintaas,dadka kasoo qayb galay banaanbaxaas ayaa si,ay cadho kujirto ugu muujiyey dareenkooda sidayna marnaba u aqbali karin falalka xun-xun ee dilka,saxuuqa,dhaca iyo weliba gacan galin cadow ee uu maamul kusheega Hargaysa kula kaco shacabka Ogadeniya iyo shacabka soomalida Koonfureedba.

Sidoo kale waxgaradka magaalada muqdisho oo ka kala socda beelaha soomaaliyeed oo dhan ayaa la xaqiijinayaa inay wadaan wada tashi iyo wax iska weydiin siday uga hortagi lahaayeen ficiladan foosha xun iyo dhaqankan guracan ee Maamulka hargayso caadaystay,iyadoo weliba Wax garad badan oo labada dhinac ee(Ogadeniya,iyo Maamulka Hargaysa) ka soo jeeda ay xaaladahaas wax iska waydiiyeen balse marnaba maamulaka Hargaysa uma dhaga nuglaan dareenka figradaha caafimaadka qaba, si kastaba ha ahaatee shacabka ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya, xaalada ay wadaan qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Hargaysa kuma qanacsana, waxayna dareemayaan in maamulka Hargaysa fulinayo danaha Itoobiya oo labada shacaba lid ku ah.

Kulan dhex maray Masuuliyiinta Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway iyo Masuuliyiin ka tirsan wadanka Norway.

Jaaliyada soomaalida Ogadeniya ee dalka Norway oo in muddo ahba ku howlaneed in gumaadka iyo xadgudubka joogtada ah ee lagu hayo Shacabka Soomalida Ogadeniya gaadhsiiyaan shucuubta dalka ay ku noolyihiin ayaa taariikhdu markay aheeyd 03.12.03 kulan balaadhan layeeshay masuuliyiin sarsare oo u dhashay wadanka Norway.

Masuuliyiinta Jaaliyada Ogaadeenya ayaa waxay u gudbiyeen masuuliyiinta ay la kulmeen war bixin dheer oo si qodo dheer uga hadlaysa xadkudubyada xuquuqda aadamaha ka dhanka ah ee ay Xukuumada Itoobiya ku hayso shacka dulman ee Ogaadeenya, masuuliyiintu waxay kaloo warbixin dheer ka siiyeen saraakiishii ay la kulmeen xaalada abaareed iyo nolol xumo ee ka jirta dhulka Ogaadeenya taas oo saldhig u ah gumaysiga aan naxariista laheeyn ee dhinac walba ka curyaamiyay shabka ka Ogaadeenya.

Saraakiishii ka socotay dhinaca Norway ayaa si aad ah u soo dhaweeyay kulamkaas waxayna balan qaadeen in ay Isha ku hayn doonaan xaalada Ogaadeenya iyo guud ahaanba Geeska Afrika wax yaabaha ka socda, saraakiishu waxay intaas ku dareen in ay horay uga gaabinayeen waxyaabaha ka dhacaya Itoobiya, balse waxii hada ka danbeeya ay si aad ah ula socon doonaan.

Masuuliyiinta Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway ayaa waxay ku jiraan qabaqaabo shir wayn oo caalami ah oo lagaga hadli doono arinaha Xuquuqda aadamaha gaar ahaan mida shacabka Ogaadeenya, shirkaas oo dhici doona Fer - Mach ayaa waxaa soo dhaweeyay saraakiishii ay la kulmeen waxayna u sheegayn masuuliyiinta jaaliyada in ay ka soo qab gali doonaan. Masuuliyiintii shirkaas ka qayb gashay oo ay ka mid ahaayeen.

  • Maxamed yuusuf
  • Cabdinuur Dhagacade iyo
  • Cabdiraxman Sh, Yusuf

Ayaa wakaalada waraka Ogaadenya u sheegay in uu shirkaasi ahaa mid guul ku dhamaaday ayna ka gaadheen u jeedooyinkii ay ka lahaayeen.

Kuliyada Farsmada Gacanta ee Naziret oo ay Nabadsugida Itoobiya isku
xeertay.

Kuliyada Farsamada Gacanta ee Naziret ayay ciidamada nabad sugida Itoobiya habeenimadii axadii isku xeereen, kadib markay ka war heleen in ay ardayda Jaamacadu isu diyaarinayaan banaanbax ay kaga soo horjeedaan nidaamka Xukuumada ka talisa Adis Ababa.. Hasa yeeshee Araday u hadlay ardaydaa halkaas wax kabarata oo magaciisa la yidhaaho Getachaw Iticha waxa uu saxaafda u sheegay in ay mudaharaadka u qabanqaabiyeen si ay dawlada uga dalabadaan in ay joojiso qorshahan cusub ee kharash qaybsiga iyo in tayada tacliinta iyo raashinka kor loo qaado.

Warku waxa u intaa ku daray in ardayda qaar ka tirsan xabsiga loo taxaabay , kuliyadiina albaabada loo laabay mudo aan wali lacayimin. Nabadsugida Itoobiya ee hawlgalkaas sameenayay ayaa la sheegayaa in ay si kulul ugu hajabeen macalimiintii jaamacadaas wax ka dhigaysay, waxaana macalimiinta lagu handaday in ay ku lug leeyihiin falka ay ardaydaasi ku kacayeen talaabana laga qaadi doono hadii ayna ka hor tagin dhaqdhaqaaqa ardayda.

Ma, aha markii ugu horaysay ee xukuumada Zenaawi ay ardayda Jaamacadaha xabsiyada ka buuxiyaan amaba ay albaabada u laabaan jaamacadaha tirada yar ee Itoobiya ka jira, waxayna xukuumadu indhaha aad ugu haysaa goobaha waxbarashada oo uu aad ugu badan yahay Mucaaradka xukuumada sii liciifaysa ee Adis Ababa.


Dagaal dhexmaray jabhada Oromada ee OLF iyo ciidamada Itoobiya

Radyaha Oromada ee Sagalee Bilisumaa Oromo ayaa sheegay in u dagaal
dhexmaray ciidmada cago jiidka ah ee Itoobiya iyo jabhada xaq u dirirka ah
ee OLF. Radyahu waxa uu intaa raaciyay in u dagaalkani dhacayn 24kii bishii
November, waxuuna ka dhacay Zonka Bale degmada adha. Waxaana halkaas
ciidmada Itoobiya lagag dilay 11 askari waxaanan lagag dhaawacay 8 askari.
Waxa kale oo uu radyuhu sheegay in hub iyo saaniyad aad u badan laga furtay
gumaysiga Abasiniya.

05.12.2003
Dhoodi Danwaa


raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD