SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNESOTA
Wardheere oo laga dhigay Latilayaha Senetor Norm Coleman-ka Minnesota.

WQ. C/raxman Ceynte

Feb 20, 2003

Warar aan ka helay xafiiska Senatorka cusub ee Minnesota Mr Norm Coleman ayaa ii xaqiijiyay in Mahamoud Nur Wardhere uu dhab ahaan ku biiray shaqaalaha Senator Coleman, asagoo ay shaqadiisu noqon doonto xiriirinta Soomaalida Minnesota iyo African-ka kale & talo ka bixinta guud ahaan qoxootiga Minnesota.

Xaashi shaafi oo ah abaabule bulshooo arrintan ka fooloonaya ayaa yiri " shaqaaleysiinta Wardhere loo qoray US Senate-ka waxay si toos ah uga tarjumaysaa tirada Soomaalida Minnesota, iyo abaabulkeenii xilligii doorashada ee 2002. markaas oo uu Senatorku ballan qaaday inuu la shaqayn doono bulshada Soomaalida ah ee Minnesota, haddii uu ku guulaysto doorashada" Shaafii oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Senatorku wuu ku mahadsan yahay inuu la tashado qof Soomaali ah. laakiin talo keliya ma doonayno ee waxaan rabnaa wax qabad dhab ah".

Mahamoud Nuur Wardere ayaa asagana igu yiri "marka la eego maskaxda, muruqa, iyo canshuurta aan ku soo kordhinay Minnesota iyo gebi ahaanba United States of America, iyo weliba awooda soo socoto ee codkeena, in nalalatashado waa xaq. mana aha wax la yaab leh".

Mahamoud Nur Wardere waa murashixii hore ee duqa magaalada Minneapolis, Minnesota. waana nin ku caan baxay inay Soomaalinimada. waxaana looga fadhiyaa inuu sii wado dadaalkiisii dheeraadka ahaa. ka sokow dadaalkiisa bulshadeed, Wardheere waa qoraa caan ah oo qeyb libaax leh ka qaata bogagga Internet-yada soomalida. iyo waliba wargeysyada gobolka Minnesota ee soomaalida. waana abaabulihii "Somali Education Night" oo ah xaflad joogta ah oo lagu abaal mariyo dhalinta soomaaliyeed ee wax ku barata gobolkan.

Senator Coleman oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ee imminka talada hayya ayaa dhowaan lagu daray gudiga arrimaha dibadda. wuxuu shaaca ka qaaday inuu tegi doono qaaradda Africa. si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda qaaradda iyo dadka u dhibaataysan cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka.

Minnesota waa meel ay ku nool yihiin Soomaali badan. waxaana ay ka muuqdaan dhinacyada badan ee bulshada. sida waxbarashda, ganacsiga, iyo goobaha shaqooyinkaba.

arrinta sheegidda mudani wexeey tahay ineey soomaalida gobolkani yihiin kuwa la oran karo ineey guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dhinacyada nolosha gobolkan. Tusaale ahaan bangiyada iyo shirkadaha tamarta & qalabka warbaahinta ayaa imminka bilaabay ineey shaqaaleysiiyaan dhalinyaro soomaali ah, si eey u soo jiitaan soomaalida gobolka.

Shaqaaleysiinta Mr Wardheerana wexeey kamid tahay -aniga sideey ila tahay- Istiraatiijiyad oo Senotor Coleman ku doonayo inuu doorashada soo socotana ku soo jiito soomaali badan oo waqtigaas oo intooda badan dhalashada waddankan qaadan doonta.

C/raxman Ceynte

St.paul. MN

ceyntejournalist@attbi.com 

[TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYAHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  TAARIIKH KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

I  I  D  H  E  H

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaa London, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

BILICDA SOOMAALIYA..... GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD