|
Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba !
Wq. C/raxman Ceynte
Feb 21, 2003
Quruumaha hore u maray ee caalamka ka jira waxaa diiwaanadooda
istiraatiijiga ah ku jira oraah weyn oo laga dhexlay mufakiriintii
siyaasada caalamka ee waagii Giriiga. oraahdan ayaa oraneysa "
Qaranku wuxuu leeyahay maslaxad joogta ah, ee malahan saaxiib joogta ah
" !
hadii aad dhuuxdo oraahdan qaaliga ah, waxaa kuu soo bexeysa ineey
maangaabnimo tahay inaan inagii oo aanba xitaa hal lug ku taagneyn,
misana la gaafwareegno qeylo dhaan oraneysa : itoobiya waa cadowga
soomaalia ee joogtada ah. ineeysan taasi caqli aheyn waxaa kuugu cad
xeelad wanaaga Ra'iisul wasaare Melez Zenawi oo Muqdisho makhaayadeheeda
caan ka ahaa bartamihii sideetameeyadii, isagana keen dhigi jiray in
hadii uu mar ku guuleysto inuu Mingista eryo, uu Itoobiya ka dhigi doono
" saaxiibka koobaad ee Somalia" !
Mr Zenawi kagadaal markii uu xukunka isku dhabacaadiyey, isla
markaana ku guuleystay barakeynta reer galbeedka oo mareykanku ugu
horeeyo, ayuu mar qura bilaabay inuu ka shaqeeyo isku gubidda soomaalida.
aniga wexeey ila tahay inuu caqli ku gaaray taas, ee aan iska deyno
eedeynta iyo aflagaadada aan Itoobiya u heyno. maxaa yeelay wuxuu si
xirfadi ku dheehan tahay isugu hubaa inuu kalabar oo bar hogaamiye
kooxeedyada soomaalida gacanta ku dhigi karo mar walba, iyo xaalad
walbaba.
Mr Zenawi inuu siyaasi gaamuray yahay waxaan ku ogaaday markii uu
laba todobaad kahor soo dhaweeyey Dr C/qaasim Salaad xassan. isla
markaana uu kula laafiyooday saliga (rooga) guduudan ee loo fidiyo
" madaxda" waddamada ee sida rasmiga ah loo qaabilo. isagoo
waliba C/qasim iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey daaraha madaxda ee
Addis-Ababa! laakiin waxaan la iloobi karin inuu isla Mr Zenawi gaari
Marcedez ah oo eey saraakiil hubeysan oo Itoobiyaan ahi wadaan uu u diro
odayga & wiilka uu ugu jecelyahay hogaamiye kooxeedyada. waa Col. C/lahi
Yusuf & Laba alifle. Xuseen M Ceydiid'e !
aqristow bal inta labadaas sawir qaadatid, woxoogaa yar ka fikir
gunta uu Mr Zenawi ka leeyahay arrimahan.
waxaanse rabaa inaan sheego in Dr C/qasim uu si nacasnimo ah ugu
fashilmay inuu Itoobiya dhankiisa soo marsiiyo. markaan sidaas
leeyahayna waxaan hubaa inuusan Zenawi kala jecleyn C/qasim iyo C/lahi
Yusuf'e, laakiin uu la jaanqaado hadba midkii uu arko ineey maslaxadi
ugu jirto (maslaxadani waa leysku heystaa. aniguse waxaan u arkaa in loo
ballan qaado Itoobiya inaan loo soo daba galin Zoonka 5-aad ee
ismaamulka soomaalida).
Dr C/qasim waagii aan Qahiro ku aqaanay, oo aan dhowr kulan oo uu
abaabulay kala qeyb galay, kahor intaan sheekada cartaba bilaaban, wuxuu
ila ahaa nin aad xariif ugu ah siyaasadda. ha yeeshee waxaan ogaaday
inuu aad xariif ku yahay tuugsiga iyo gaafwareega boqoradda carbeed !
maahmaah maay-maay ah ayaa oraneysa " Af waa kanee, meey laka aamee?"
ama: Af waa kan'e, maxaa lagu cunaa ? Dr. C/qasim lacagta boqoradda
carbeed haka soo daldala ma xumee, yaa la siiyaa ? yaa wax loogu qabtaa
? anigu koleey ma ogi.
Dr. C/qasim wuxuu khasaariyey fursad dahabi aheyd intii uu joogay
Itoobiya. wexeey aheyd inuu isku dayo inuu khilaafka kala dhexeeya
Zenaawi dhameeyo, isla markaana wadiiqo uga dhigto Zenawi hogaamiye
kooxeedyada eey Zenawi qudba-sirada isku qabaan. kuwaaas oo ah kuwa ugu
liqdaarsan -aniga sideey ila tahay- waa C/lahi Yusuf & Mr Xuseen
Ceydiid'e. C.qasim taas muusan yeeline, islaweyni iyo qab ayaa qaaday,
markaas buu xitaa intii uu shirka madaxda African-ka socday shaxaad
hoosaad u galay Mucammar Al-qadafi IWM.
Itoobiya waa la ogsoon yahay in iyadoon barakeyn dowlad soomaalia ka
dhalata eey adag tahay ineey wax noo hirgalaan. waa marka aan runta
hoose isu sheegne'e. marka sidaasi howli kaaga wareertana, tallaabada
ugu dhiifoon waa inaad cadawgaaga u beddesho saaxiib. ee qabweyni meelna
kaama saarto.
Itoobiya waa buundada isku xirta soomalida aan isfahmi karin (hogaamiye
kooxeedyada) waana buundada isku xirta adeer mareykan, eedo yurub,
abaayo carab iyo Somalia ! waa marka aan markale runta isku sheegno.
iyadoo taas laga anbaqaadayana, aniga wexeey ila tahay inaan adeeryaalo,
eedooyin iyo abaayooyinka hodanka ah ee aan qoyaanka & tabartaba ku
tabeyno eeysan dooneyn ineey waxqabtaan Itoobiya la'aanteed. sidaas
awgeed aan garanno cida noo maslaxad ah iyo cidda noo cadaw ah.
Itoobiya wexeey siyaasad ahaan marin ka dhiganeysaa murqo-tus iyo
goodin dahsoon oo eey ku bajiso dhamaan geeska africa. xeeladaasna waa
mid soo jireen ah oo Mareykankuba ku socdo. hadii aad u fiirsatana,
caalamka qeyb walabaayi waddan-baa ka seedcaleeya, mareykankuba ha
kawada seedcaleeyee. marka si waddan loogu aqoonsado " Awood
Goboleed" waa inuu dariskiisa iska edbiyaa ugu horeynba. itoobiyana
waxaan edbin aheyn ugama jeedo! Mareykankuba Japan wexeey bamabada wax
gumaada ee Nuclear-ka ula dhaceen waa ineey jabiyaan awoodii japan ee
waagaas. isla markaana awood wax muquunisa muujiyaan. marka dariskeena
Itoobiya anigu lama yaabani, ee waxaan la yaabanahay siyaasad xumayaasha
nasiibka u yeeshay in dowladnimo loo aqoonsado, misana iska ogolaan
waayey ineey itoobiya uga haraan yoolkeeda ah ( odayga aagga) .
gabagabadii, waxaa laga yaabaa inaad la yaabto runta tirada badan ee
ku jirta qoraalkan, oo aad isweydiiso: Tolow ninkani ma qareen
itoobiyaan-baa mise ..? mayee, waxaan arkaa ineey xikmadu ku jirto in
siyaasada baalkeeda rundoonka ah laga mid noqdo (Realistic Version) ee
aan lagu af-macaaneysan baalkeeda rajjo ku noolka ah (Idealistic
Version).
C/raxman Ceynte
St.paul. Minnesota
ceyntejournalist@attbi.com
-dhammaad-
BILICDA
SOOMAALIYA..... GUJI
[TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA
|