SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Booqashadii Melas Zanawi, ee London, UK

Qore Maxamed Cabdi

Gammaan@hotmail.com 

KAAH

Feb 28, 2003

 "BBC da laanta afka soomaaliga oo beryahan dambe cadeysatey inay tahay hadhaagii isticmaarka isla markaana fulineyso siyaasada Gumeysiga"

Dhamaan akhristayaasha sharafta leh waad salaamantihiin.

Sidaad la wada socotaan waxaa dhawaan magaalada London ee wadanka Ingiriiska soo booqdey keligii taliye Zanaawi, oo lagu tilmaami karo inuu yahay aabaha xadgudubka iyo dhibaatada maanta ka taagan geeska Afrika gaar ahaan shucuubta ku hoos nool waxa loo yaqaano Itoobiya.

Booqahsadan waxaa kasoo baxey dhowr arimood oo muhiim ah.

Zanaawi, oo booqashdiisii kala kulmey weji gabax iyo mucaarado balaadhan oo kaga timid shucuubtii uu sheeganayey inuu xukumo, waxaana halkaa ka cadaatey isaguna qirtey ineyna jirin cid taageersan taliska cabudhinta iyo khiyaamada ku dhisan ee (Zanaawi) madaxda ka yahay, balse uu xukunka ku heysto qori afkii iyo cabsi gelin. Iska dhaaf shucuubta uu gumeysiga iyo xooga ku heystee sida shacabka soomaalida Ogadenya, xitaa kuwii Itoobiyaanka la ahaa ooy ka mid yihiin Tigreyga uu ka dhashey ayaa kasoo hor jeeda. Taasina waxey markhaati u tahey inuu taliska Zanaawi, yahay wax fashilmey oon lagu tilmaami karin dawlad masuul ah. Balse ay yihiin koox budh cad ah oo awood ciidan leh kana shaqeeya sidii geeska Afrika loo gelin lahaa qas iyo jahawareer iyo colaad, si loo fuliyo ujeedada gaarka ah ee ku dhisan fikrada hadhaaga ah ee isticmaariga ah ee Zanaawi, iyo kooxdiisu ka dhaxleen nidaamyadii hore ee imbiraaliyada ( Abasiiniya)

Zanaawi, wuxuu si fiican u qirtey intuu London joogey in Shacabka soomaalida Ogadenya, iyo shacabka Oromada, iyo xitaa Axmaarada, dhamaantood mucaarad ku yihiin. Waxaa kale oon la soconaa inay Canfarta, iyo Gambeelaha, iyo Bin shangool, iyaguna xukuumada (Zanawi) kasoo horjeedaan. Tigreyga laftooda waxaa ka dhexeeya khilaaf aad u weyn iyo kala jab xoog leh. Hadaba waxaa is weydiin leh (Zanaawi) yuu xukumaa? Xaqiiqadu waxey tahay keliya wuxuu xukumaa askariga qoriga wata ee calooshii u shaqeystaha ah isaga ayuuna shacabka ku cabudhiyaa.

Waxaa wax laga xishoodo ah hadalka macna la,aanta ah ee uu (Zanaawi) mar kasta oo la wareysto kusoo celceliyo. kaasoo ah:

Soomaalida Ogadenya hadii ay rabaan inay Itoobiya ka xoroobaan waa inay si nabad gelyo ah dadkooda afti uga qaadaan? waxaa la yaab leh ( Zanaawi) isaga waan garan karaa khiyaamada iyo marin habaabinta uu arintaa ka leeyahay, isaga oo og inuu laftigiisu yahay ninkii is hor taagey go,aankii uu soo saarey Baarlamaanka soomaalida Ogadenya, bishii Feb. 1994 ee uu isku raacey in shacabka afti laga qaado. Arintaasina waxey waafaqsantahay sida ku cad distoorka ay xukuumada (Zanawi) qortey. Laakiin waxaa la yaab leh in wariyayaasha BBC da gaar ahaan kuwa laanta af soomaaliga ah jooga ay mar walba su,aashan soo celceliyaan iyagoo is diidsiinaya inay qaqiiqada jirta dadka u sheegaan ooy cadeeyaan in arinta aftida shacabka soomaaliyeed ee Itoobita gumeysato si nabad gelyo ah oo distuuri ah loosoo bandhigey isla markaana dawlada Itoobiya hor is taagtey ooy si toos ah u diiday. Baarlamaankii iyo dawlad goboleedkiina ay xoog ku baabi,isey. Isla markaana dagaal iyo weerar cad ku qaadey Ururka ONLF oo isagu xukumey maamul hoosaadkii xiligaa jirey ee doorashada dhabta ah ku yimid.

Akhristayaasha waxaan u sheegayaa in BBC da laanta afka soomaaliga beryahan dambe cadeysatey inay tahay hadhaagii isticmaarka isla markaana fulineyso siyaasada Gumeysiga, taas waxaa daliil u ah sida ay ula kala dhaqmeyso soomaalida Ogadenya, iyo soomaalida Woqooyi galbeed, qoladan dambe waxay dhaqmaan sidii dawlad aduun weynuhu citiraafey, soomaalida Ogadenyana waxey ula dhaqmaan sida uu Gumeysigu doonayo, Waxey qariyaan halganka iyo dagaalka ay Itoobiya kula jiraan, waxey qariyaan magaca dhulka loo yaqaano, arintaasna ma filayo inay tahay xumaan soomaalida BBC da ka shaqeysa ku jirta ee waa siyaasad Ingiriisku fulinayo oo ka dambeysa fikradii horeyba gumeysiga Ingiriisku soomaalida ku qeybiyey. Maantana waxaa soo baxdey fursad mar labaad soomaalida intii xorta aheyd lagusii qeyb qeybin karo, intii gumeysiga ku jirteyna lagusii bahdilayo. Aragtida noocaas ahna Ingiriiska, iyo Itoobiya, isku mid bay ka yihiin inkastoo Ingiriisku si aan toos aheyn arinta ugu jiro, Itoobiyana si toos ah faraha ugala jirto.

Waxaan akhritayaasha sharafta leh ee soomaalinimadu, iyo wadaninimadu, iyo Gumeysi naceybku, ku jirto u sheegayaa inayna marnaba ku niyad jabin naasnuujinta ay (Zanawi) iyo kooxdiisu ka helayaan reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska, waa inaad ogaataan waxa keliya uu (Zanawi) maanta cuskanayo ama kusii cimri dheereysanayo inay tahay burburka iyo dawlad la,aanta soomaaliya ka jirta iyo damiir laawayaasha soomaalida ah ee usii gurguuranaya.

I  I  D  H  E  H

Qore Maxamed Cabdi

Gammaan@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

»»Itoobiya: Kansarka Geeska Afrika 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD