SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
Itoobiya: Kansarka Geeska Afrika.

Qore: Maxamed Cabdi | Gammaan@hotmail.com

Feb 23, 2003

Dhamaan akhristayaasha soomaaliyeed, iyo maamulka sharafta leh ee Somalitalk, waad salaamantihiin.

Hadii aan usoo laabto mowduucan aan cinwaanka uga dhigey ( Itoobiya, kansarka geeska afrika) hadii aan yara qeexo ujeedada aan cinwaankan u doortay. Waxaan aad uga xumahay nasiib darana ah, in wacyiga dadka soomaaliyeed gaadho heer uu kala garan waayo Itoobiya waxay tahay iyo waxay rabto. Arin iyadu lala yaabo ma,aha oo waa la arki jirey qof iska daneysta ah oo Gumeysiga iyo cadowga umadda u shaqeeya dantiisa gaarka ahna wax walba ka hor mariya. Laakiin arinta naxdinta leh ee maanta dadka soomaaliyeed kusoo korodhey waxay tahay, in taariikhdii iyo xaqiiqadii la daba rogo oo xishoodkii iyo mabaadidii laga dhex baxo. Run ahaantii shacabka soomaaliyeed waxaa ku dhacay musiibo aad u weyn oo dhaxalsiisey inay intooda badan kala garan waayaan xaqii iyo baadilkii, sharaftii iyo gunnimadii, cadowgii iyo naseexii.
  [qoraalka oo dhanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  
»»Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
WQ. C/raxmaan Ceynte

Sidaad wada aragteen waxaan boga somalitalk, ka akhriyey maqaal dheer oo uu qorey nin soomaali ah. Wuxuu ku andacoonayaa inaan Itoobiya lagu tilmaamin cadowga umadda soomaaliyeed, bal wuxuu isku dayayaa inuu dadka ku qanciyo inay maslaxada soomaalidu ku jirto in damaca Itoobiya iyo rabitaankeeda loo hogaansamo oon marnaba laga hor imanin. Hadana wuxuu ka afeeftey inaan loo arkin inuu Itoobiya qareen u yahay. Ilaa hada ma maqal nin Itoobiyaan ah oo cadeysanaya in rabitaankooda soomaalidu ogolaato. in kastooy siyaasada Itoobiya arinkaa ku shaqeyneyso hadana si doblamaasiyad iyo khiyaamo ku dheehantahay ayay usoo bandhigaan. Laakiin soomaaligan maqaalka qorey wuxuu af buuxa ku leeyahay waa inay siyaasiyiinta soomaalidu aqbalaan waxa uu mr. Melas Zanawi iyo Itoobiya, ka doonayso. Wuxuu rabaa inuu inaga dhaadhiciyo inayna Itoobiya soomaaliya wax dan ah ka laheyn ee ay dooneyso oo keliya in dhulka soomaalida Ogadenya eey Gumeysato looga hadho. Akhristayaasha waxaan weydiinayaa hadalkaasi inteebuu runta u jiraa? Ilaahay baan idinku dhaariyee ma soomaaliya ayaa maanta mareysa heer ay Ogadenya ariteeda ka hadasho? 
"Cadowtinimada Itoobiya waxaa shacabka uga daran tan lacagta suubiyay"
Galaydh, Jakarta, June 4, 2001 [DKG]

Dagaalka diblomaasiyadeed ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya  March 2001 sheikh Sabah

Waxaan u sheegayaa ninka maqaalkan qorey iyo kuwa kale ee war moogaha ah in sheekadu halkaa mar hore ka gudubtey, waxeyna mareysaa in soomaalidii xorta ismoodeysey maanta Itoobiya rabto iney Gumeysiga kusoo biiraan oo Addis soomaali oo dhan laga xukumo. Waa arintaa waxa ay maanta isku hayaan Keligii taleye Melas, iyo soomaalida inta ayna weli wadaniyada iyo soomaalinimadu ka dhimanin. waxaa kale oon xusuusinayaa akhristaha inayna qadiyada soomaalida Ogadenya ku xidhneyn ogolaanshaha ama ogolaansha la,aanta siyaasiyiinta soomaaliyeed iyo xitaa dawlad soomaaliyeed toona. Ee ay arintaasi u taalo shacabka soomaalida Ogadenya ee dhulkaa iska leh Itoobiyana xooga iyo khasabka ku Gumeysato. Taasna macnaheedu ma,aha inayna u baahneyn walaalahooda soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan. Laakiin waxey maanta xaaladu maraysaa (ninkii tiisa daryeelaa tukalana ku dara)

Waxaa kale uu ninka maqaalkan qorey Melas Zanawi, ku tilmaamey siyaasi rug cadaa ah oo yaqaana xeeladaha doblamaasiyada.

Saaxiibow ma garanayo fikradaa cida kugu raacsan. Zanawi, wuxuu ku fashilmey siyaasadii gudaha ee Itoobiya, waxaan ognahay wax kale iska dhaafe xitaa Ururkii Tigreega ee TPLF ayaa kala jabey oo burburey, qoomiyadihii kale ee Itoobiyana hadalkooba daa. Geeska afrika waad la socotaan sumcada Zanawi meesha ay mareyso in xitaa Hogaamiye kooxeedyadii soomaalida ee la jeelka ahaa maalimba mid xadhkaha goosanayo oo uu khiyaamooyinka taliska Zanawi, fadeexeynayo. markaa siyaasad wanaaga aad dhiigyacabkan keligii taliyaha ah ku sheegeyso maxey tahay. Mid waan kugu waafaqsanahay hadaad dhahdo burburka iyo dacdarada iyo wadaninimo la,aanta soomaalida ayuu Zanawi, ka faa,iideystay isagoo soomaalida u arka cadowgiisii oo jabey kana shaqeynaya inaysan mar dambe soomali oo sharaf iyo xoog leh oo mideysan cagaheeda isku taagin. Taasina waxey cadeynaysaa xiqdiga iyo cadowtinimada qodada dheer ee ku jirta dhamaan dawladihii soo xukumey Itoobiya oo dhamaantood kasoo jeeda Qowmiyadaha Axmarada, iyo Tigreyga. Si kastaba ha ahaatee hadey umadu jabto oo sharafdeedii dhulka ku dhacdo waxaa looga baahan yahay iney ka fikirto ooy talo caafimaad qabta ka dhiibato sidey mar labaad dhibka heysta uga soo kaban laheyd ooy sharafteedii iyo umadnimadeedii usoo ceshan laheyd, ee looma baahna inaan quus iyo rajo beel ku ridno oo cadowgii jabkooda ka faa,iideysanayey loogu sawiro wax khatar ah oon layska celin karin siyaasadoodana la gaadhi karin. Taliska Itoobiya ninkii wax weyn oo khatar ah u heystow ka wareyso geesiyiinta shacabka soomaalida Ogadenya ( Ceel ninkii galey baa laga wareystaaye) ragaasaa kaadidiisa cabsiiyey diyaarna u ah inayna ka hadhin ilaa ay Geeska Afrika ka tirtiraan damaca (Abasiniya) ee imbiraaliyada iyo dhul balaadhsiga ku dhisan, kansarkana ku noqdey nabada iyo horumrka shucuubta Geeska Afrika.

I  I  D  H  E  H

Qore: Maxamed Cabdi

Gammaan@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

»»WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD