SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

  WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH... 

QORE: MAXAMED CABDI

Feb 20, 2003

MARKA HORE WAXAAN U MAHAD CELINAYAA MAAMULKA WEBSITEKA SOMALITALK, OOY KA MUUQATO ILAA XAD INUU MUDNAAN IYO TIXGELIN WEYN SIINAYO XORIYADA SAXAAFADA IYO DHEX DHEXAADNIMADA, WAXAANA U RAJAYNEYNAA INAY DADAALKOODA SII LABAN LAABAAN.

HADAAN USOO DAADAGO NUXURKA QORAALKEYGA,

KA DIB MARKAAN AKHRYEY MAQAALADII UU DHAWAAN KU QORAY SOMALITALK, NINKA LAGU MAGACAABO ( XAGAR YARE) EE UU KAGA HADLAYEY QADIYADA IYO HALGANKA SOOMAALIDA OGADENIA, WAXAAN FAHMI WAAYEY UJEEDADA UU KA LEEYAHAY

QORAALADAN, IYO WAXA XILIGAN KU DHALIYEY INUU ARINTAN KA HADLO, ISLA MARKAANA WUXUU QORAALKIISA KU CADEEYEY INUU XILI HORE KA HADHEY HALGANKA SHACABKA SOOMAALIDA OGADENIA UU KULA JIRO GUMEYSIGA MADOW EE XABASHIDA, IN KASTOO SABABTA UU CUSKADEY AYNA AHEYN MID MACQUUL AH. MAXAA YEELEY, HADII UU MAGAC DIIDAN YAHEY ISKUMA XIDHNA MAGAC LA DIIDO IYO HADAFKA AAD U HALGAMEYSO, TAASINA WAXEY CADAYNAYSAA INUUSAN ( XAGAR YARE) MARKIISII HORABA MABD,A GOBANIMA DOONNIMO KU SOCONIN, BALSE AY UJEEDADIISU AHAYD DANA GAAR AH. WAXAAN U SHEEGAYAA ( XAGAR YARE) IYO INTA LA FIKRADA AHBA IN HADAFKA AY SHACBIGA SOOMAALIYEED EE ITOOBIYA GUMEYSATO U HALGAMAYO UUSAN AHAYN MAGAC, DHULKANA WAXAA ISKA LEH SHACBIGA SOOMAALIYEED EE DEGAN GAAR AHAAN WAXAA ISKA LEH QOFKII U DHINTA EE GUMEYSIGA HAYSTA KA XOREEYA QABIIL KASTA HAW DHASHO MAGAC KASTANA HA WATO.

XAGAR YARE, QORAALADIISA WAXAA KA MUUQATA INUU YAHAEY NIN DIFAACAYA GUMEYSIGA ITOOBIYA SI TOOS AH AMA SI DADBAN, EE UUSAN AHEYN NIN U DANQANAYA SHACBIGA SOOMAALIYEED EE DULMAN, ARINTAANA WAXAA MARAG U AH QAABKA UU U HADLAYO, MARKUU IS BARBAR DHIGAYO AMA UU SIMAYO KUWA DABADHILIFKA AH EE U ADEEGA GUMEYSIGA SHACABKOODA DULEYSTAY IYO NAFTOOD HURAYAASHA DHIIGOODA QAALIGA AH U HUREY SHARAFTA IYO GOBANIMADA DADKOODA IYO DALKOODA. TAASINA WEXAY MUUJINNEYSAA MOWQIF LA,AANTA XAGAR YARE, IYO INAYSAN FARQI WEYN ISAGA U SAMEYNEYN XAQA OO LA TAAGEERO IYO XAQ DARADA OO LA CAMBAAREEYO.

HALGANKA SHACBIGA SOOMAALIDA OGADENIA WAXAA SOO MAREY MARXALADO KALA DUWAN, MAGACYO KALA DUWAN AYAANA LALA SOO BAXEY, SIDA NASRULAAHI, SOOMAALI GALBEED, IYO OGADENIA, OO AH MAGACA ADUUN WEYNUHU DHULKAN SOOMAALIYEED EE ITOOBIYA GUMEYSATO U YAQAANO

HASE YEESHEE HALGAMADAA SOO DHAN HAL HADAF AYEY LEEYIHIIN KAASOO AH IN SHACABKA SOOMAALIYEED EE DHULKAAS DEGA GUMEYSIGA LAGA XOREEYO. HADII SHALEY MARKII MAGACA SOOMAALIGALBEED LA WATEY DHULKAAS LA XOREYN LAHAA NINA MA DHEHEEN MAXAA WADANKA MAGACAN LOOGU XOREEYEY. HADABA HADII XILIGAN LA JOOGO SABABA JIRA OWGOOD LA DOOR BIDEY IN LA QAATO MAGACA OGADENIA, WAXBA ISMA BEDELIN EE HADAFKU WAA KII UUN, KELIYA WAXAA IS BEDELEY TAAGTIIGA IYO QAABKA SIYAASADA OO MAGACU KA MID YAHAY.

MARAKAA MAA DAAMA SIYAASADII HORE HORE IYO MAGACII SOOMAALIGABEEDBA, LAGU FASHILMEY WAXAA LAGAMA MAARMAAN AH IN WAX LAGA BEDALO SI SUMCADA IYO JIRITAANKA HALGANKA LOO BADBAADIYO. SIDAA DARTEED MAGACA FASHILMEY EE (DHALIWAAYEY) HADII MAGAC EED LA SAARAYO ( XAGAROW) WAA SOOMAALI GALBEED EE OGADENIA MA,AHA. HADIIBASE AAD AAMINSAN TAHAY INUU JIRO SHACAB SOOMAALIYEED OO LA GUMEYSTO MAGACAAD RABTABA KU SHEEGOO ADIGA KAALINTAADU MA WAXAY NOQOTAY INAAD NINKA CADOWGA LA DAGAALAMAYA EE XAQIISA RAADSANAYA INAAD DACAAYADEYSO. ISLA MARKAANA GUMEYSIGA IYO INTA U ADEEGTA AAD GARAB SIISO, SABABTOO AH MARKAAD MAXAMUUD DIRIR, IYO RAGA TAREENKA HALGANKA KA DHACAY EE CALOOSHHOODA ISAGA SHAQEYSTA AMAANEYSO MAXAAD ULA JEEDAA, HADIISE XAALADA AY RAGAASI KU JIRAAN KU CAJAB GELISEY WAAD KU BIIRI KARTAA ADIGOON WAXBA QIIQA ISKU QARININ.

DALKANA MAR HADAADAN INAAD U HALGANTO DIYAAR U AHAYN WAXBA MAGICIISA HAKU MASHQUULIN. HADII QORAALADA IYO BROBAGAANDADA NOOCAN OO KALE AH LAGUUSOO XIL SAAREY OO HADABA AAD SHAQEYNEYSANA NOO SHEEG.

QORE: MAXAMED CABDI

GAMMAAN@HOTMAIL.COM 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!!!??..... WQ.Cabdi Warsame Feb 18

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin Feb 13

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare.. Faallo

[Qoraallo kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Laba Sarkaal oo Ka Tirsan Ciidanka Cirka Itoobiya oo Baxsaday: Wararkii Radio xoriyo ee maanta....  GUJI 

Dagaal ka Dhacay G/Shabeelada Hoose
Dagaalkaas oo la xiriirey dhul-beereed waxaa ku dhintay..... GUJI..

DUULLAANKII TABUUK [siiro 77aad]

SOOYAALKA TAARIIKHEED EEDAHSOON IYO DIRIRTA TOGAN
Xuskii UFO iyo sanad guuradii 21aad 
BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI

I  I  D  H  E  H

MUQDISHO SIDA LA MOODAYO MA AHA, MANA BED QABTO
Ibraahim Maxameddeeq oo u safray Soomaaliya, ayaa halkan maanta idiinku soo tebinaya warbixin kooban oo uu kasoo diray magaalada Muqdisho.... GUJI...  

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Cabdiraxman Tuur oo Hargeysa Kusoo Laabtay; Gaadiidleyda Eldoret oo Isbaaro u Dhigtay Ergeda Soomaalida iyo....
GUJI...

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD [an error occurred while processing this directive]