SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

QORAALADII XAHMED-YAASIIN

dolly sheep clone Koobiyaynta Dadka (humancloning) : Dunidan aynu ku noolnahay waxay soo martay marxalado nololeed oo kala duwan, kuwaasi oo is-baddalayay mar kasta oo isbaddal ku yimaado garaadka ama aqoonta bulshada caalamkan ku dhaqan. GUJI [AhmedYaasiin]

 
Soomaaliya iyo Itoobiya dan ma wadaagi karaan? GUJI... 
Ma'Ogtahay in Wararka Kuqoran Luqadda Ingiriiska ee  Soomaalida ay maalin kasta kusoo dhacaan linkiyada kuqoran meesha ugu saraysa bartamaha bogga hore ee SomaliTalk.com. 

 

Mayee Ogaadeenyadii bay ku darartay

W.D: Axmed Yaasiin Cabdi

February 12 2003 | ismalure@hotmail.com

TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA: Feb 13, 2003

Waxaan bogga internetka ee Somalitalk ka akhriyay qormo uu soo diyaariyay ninka lagu magacaabo Xaga Yare, taasoo ka hadlaysay halganka lagaga soo horjeedo Itoobiya oo gaumaysta dhul ay dad soomaaliyeed leeyihiin.

Maqaalkaasi arrimo badan ayuu ka hadlay, waxaase ka muuqata been-abuur lagu samaynayo taariikhda shacbiga soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan ee dagaalka hubaysan kula jira dalka Itoobiya, muddada badana kula soo jiray.

Si fiican uma aqaano qoraha maqaalka, hase yeeshee waxaan qormadiisa ka fahmay inuu yahay nin uu ka buuxo nac qabiil, isla markaana qirtay inuu qadiyadiisii uu xilliga dheer u soo halgamayay uga tegay cuqdad uu qabiil u qaaday.

Arrintu si kastaba ha ahaatee wuxuu Xagar Yare tilmaamay in Ururkii Dhalinyarada Soomaali Galbeed uu burburay, ka dib markii lagu taliyay in la qaato magaca Ogadenya.

Arrintaas waxba kama jiraan ee dhibaatada Ururka Dhalinyarada Soomaali Galbeed waxay ka billaabatay iyadoo ururku uu doonayay inuu u madaxbannaanaado qadiyadiisa, adduunkana uga dhaadhiciyo si ka turjumaysa danaha qadiyada oo kaliya, hase yeeshee arrintaas waxaa is-hortaagay maamulkii Jamhuuriyada Soomaaliya xilligaas ka talinayay oo ku dadaalayay inuu isagu qadiyada gacanta ku hayo, dunidana ugu bandhigo qaab siyaasidiisa la jaan-qaadi kara.

Arrintaas waxaa markaas taageertay Jabhaddii Soomaali Galbeed, oo iyada lafteedu ahayd magac taagan, hase yeeshee maamul ahaan si toos ah u hoos imanaysay wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, bajdakeeda sanadkana la soo raacin midka ciidammada Guul-Wadayaasha soomaaliyeed.

Waxaa markaas dhalinyaradii lagu qasbay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ee ay wadaan iyo kulanada siyaasiga ah ee dawlaha kale ay la galayaan iyagoon dawlada Soomaaliya fisax ka helin. Wuxuuna khilaafkani sii xoogaystay, ka dib markii uu Ururka Dhalinyarada Gobanimo Doonka Soomaali Galbeed ergooyin u dirsaday dhawr shir oo dalka Soomaaliya dibaddiisa lagu qabtay, guulo fiic-fiicana qadiyada loogaga soo kasbay.

Haddaba markii ay dhalinyaradu dhag u dhgi waayeen digniinihii loo soo jeediyay ayaa markaas xabsiga loo taxaabay qaar badan oo masuuliyintii ururka ka mid ahaa, isla markaana la billaabay in maamulkii ururka (gaar ahaan Muqdisho) tashuush qabiil lagu furo, si cududda ururka loo wiiqo.

Arrinta kaliya ee Ururka Dhalinyarada dood ahaan u dhex-taallay waxay ahayd iyadoo la isku hayay midkii la qaadan labada magac ee kala ah: Ururka Dhalinyarada Gobanimo Doonka Soomaali Galbeed iyo Ururka Dhalinyarada Soomaali Galbeed oo laga tego erayga ”gobanimo doonka”. Ururka Dhalinyarada ee ka jiray magaalada Muqdisho wuxuu watay, kuna dhegganaa magaca hore, halka Ururka Dhalinyarada ee Woqooyi uu ka watay, kagana dhegganaa magaca denbe.

Hase yeeshee ururkuu dhalinyarada ee soomaali galbeed marna iskuma khilaafin magaca Ogadenya, xilligaas uu qoraalka Xagar Yare ka hadlayana lama asaasin JWXO (Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya), fikirkeedana lama billaabin, waxaanan aad uga xumahay inuu Xagar Yare taariikhda khalad ka sheegay, sababtoo ah xilliga uu khilaafka noocan ah socday wuxuu ku beegnaaa qiyaastii sanadkii 1982.

Magaca ”Sii Galbeed” wax raad ah lama lahayn Ururka Dhalinyarada ee wuxuu ahaa khilaaf ka dhex-aloosmay Jabhadda Soomaali Galbeed, kaasoo markii guddoomiyanimada laga qaaday mudane C/llaahi Xasan ay koox madaxdii ka mid ah ku dhawaaqeen inay sameeyeen Jabhadda Sii Galbeed, oo ay ka hoos baxeen Jabhaddii Soomaali Galbeed, sidaas darteed magacan ”Sii Galbeed” ma ahayn mid ay bixiyeen Ururkii Dhalinyarada Soomaali Galbeed ee wqoooyiga.

Xagar Yare wuxuu kaloo sheegay in magaca JWXO (Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya) si rasmi ah loogaga dhawaaqay dalka Suuriy 1987-88.

Waa khalad kale oo muujinaya xog ogaal darrada Xagar Yare. Magaca JWXO wuxuu si rasmi u baxay sanadkii 1984, waxaana JWXO lagu asaasay magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa markii ugu horraysay si rasmi ah loogaga dhawaaqay dalka Kuwayt.

Dhinaca kale shirwaynihii qawmiyadaha Itoobiya ee la qabtay markii uu dhacay taliskii dhergiga ee Mingistu Xayle Maryam JWXO way ka qayb gashay, hase yeeshee waxay kaga qayb gashay shuruudo siyaasadeed oo ay u soo bandhigtay jabhadda EPRDF, kuwaasoo ku salaysanaa heshiis ay JWXO magaalada Khartuum kula gashay EPRDF intii aanuu dhicin maamulkii Mingistu Xayle Maryam.

Heshiiskaas waxaa ugu muhiimsanaa in EPRDF ay aqbasho in dadka soomaaliyeed afti laga qaado, inta aftidaas ka horraysana ayna ciidammadeedu soo gelin dhulka soomaalida.

Arrintaasi EPRDF way u cuntami wayday oo markii ay talada dalka gacanta ku dhigtay waxay ka baaraan-degtay qaabkii kalee JWXO ay ku dhabar jabin lahayd.

Maadaama ayna xilligaas karti u lahayn inay awood ku muquunisana waxay Suudaan ka codsatay inay kala shaqayso sidii loo raadin lahaa madaxdii Jabahadda Soomaali Galbeed, oo xilligaas ku sugnaa gudaha Soomaaliya, qaabkaas ayaana C/Naasir iyo Alla ha u naxriistee Majeerteen lagu keenay.

Hase yeeshee JWXO karaamadeedii ma ayna waayin, sida uu Xagar Yare ku doodayee, waxay sii wadday halgankii iyo looltankii siyaasadeedee ay kula jirtay nidaamka cusub ee Itoobiya qabsaday, kaasoo ilaa iyo xad ay ku guulaysatay.

Xaga Yare wuxuu qoraalkiisa ku joojiyay xilligaas oo ku aaddan qiyaastii 1992, wuxuuna yidhi halkaas ayuu xaal marayaa. Ma aanuu dhihin halkaas ayaa iigu denbaysay iyadoo xaal marayo.

Haddaba aan u dhammays tiree JWXO waxay halkeedii ka sii wadday halgankeedii, iyadoo ka duulaysa mabaadii’deeda asaasiga ah, oo ah in shacbiga soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya.

Sida la ogyahay waxay gashay doorasho Ogadenya ka dhacday daba-yaaqadii sanadkii 1992, taasoo ay 86% ku guulaysatay, waxayna sidaas ku qabsatay maamulkii dhulka. Hase yeeshee ujeeddadeedu ma ahayn inay maamulka qabsato, balse ujeeddadii loo abuuray waxay ahayd inay dalka maqan soo dhiciso oo soo celiso karaamada soomaali oo dhan ka maqan, sidaas darteed waxay ka shaqaysay in baarlamaankii gobolku uu soo saaro go’aan ku baaqaya in dadka soomaaliyeed laga qaado afti lagu waydiinayo rabitaankooda ku aaddan inay Itoobiya ku sii jirayaan iyo inay ka go’ayaan, sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya u yaalla.

In baarlamaanka gobolku uu go’aan noocan ah soo saarana waxaa muhiim ka dhigaya dastuurka Itoobiya oo dhigaya in qawmiyad waliba ay iskeed u gu’i karto haddii la helo shuruudo dhawr ah oo uu ugu horreeyo in baarlamaanka goblku uu codsado.

Markii uu baarlamaanka gobolku soo saaray go’aankaas waxay Itoobiya billowday dagaal cad oo ay ku qaadday maamulkii iyo JWXO labadaba, arrintaasoo ugu denbayntii bar-billow u noqotay dagaalka hubaysan ee maanta ay iskaga soo horjeedaan ciidammada Itoobiya iyo ciidammada Xoraynta Ogadenya.

Waxaa maanta Ogadenya ka socoda dagaal qallafsan oo ay iska soo horjeedaan labada dhinac een kor ku soo xusnay, kaasoo ujeeddadiisu ay tahay in gumaysiga lagaga dul-qaado bulshada soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan, waxaana dagaalkaas taageersan bulshada Ogadenya ku dhaqan inteeda badan.

Waan ku raacsanahay Xagar Yare in midnimadu ay wanaagsan tahay, laakiin midnimo raadinteed ma aha inaad uga leexato hadafkaagii qaaliga ahaa.

Cadowga ummada soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan wuu cad yahay, qadiyadana caad ma saarna oo waa qadiyad gumaysi iyo gumaysi la dirir. Qofka bani’aadmaka ahna haddii uu qadiyadiisa daacad u yahay ma waayo qaab uu ugu halgamo, haddii uu ku dhibayo magaca Ogadenya, qaado magac kale ”Qadhoon” la bax, laakiin dalkaaga u halgan. Hal-beegguna ha noqdo gumaysi diidnimo, hase yeeshee qofkii halganka ka hadha ama ka leexda waa isaga iyo yeelkii, waana ”Hangaraarac Lug uma dhutiyo”


W.D: Axmed Yaasiin Cabdi ismalure@hotmail.com

AFEEF" Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare.. GUJI...

 

 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


HTML CD [an error occurred while processing this directive]