SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

February 12, 2003

 

 Waa qormadeenii labaad ee halgankan fadhiidka ah.

Akhriste sida aynnu horay u soo baranay waxaa uu halgankii ururkii dhalinyarada gobanimadoonka soomaalida galbeed dhinaca koonfurta soomaaaliya ka gaaray heer halgan siyaasi ahi gaaro kii ugu mudnaa.

Dhinaca gobolada woqooyi galbeed soomaaliya waxaa gudoomiye ka ahaa halgame sare AMBASADOR MAXAMUUD DIRIR oo haatan wasiir kamida ah wasiirada xukuumada ethiopia.

Sidaan uga soo hadlay qormadii koowaad kadib markii ay hogaankii sare ee jabhadda gobanima doonka soomaalida galbeed aad u saluugay dhaqdhaqaaqa dhalinyarada,ayaa waxaa maalin maalmaha kamida loo yeeray madaxdii dhalinta loona sheegay in ay dhaqdhqaqqoda sida uu sharciguba dhigaayo hooskeenaan hogaanka jabhadda taasina waxaa ay u cuntami wayday maamulkii ururka dhalinyarada taasoo keentay in 1984 xabsiga loo taxaabo dhamaan masuuliyiintii ururka dhalinta. waan uwadaguntannay sidii madaxdayada loo soodaynlahaa waanan ku guulaysannay.  (Qoraalka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Muddo kadib ayuu halgankii dhalintu markale geedi socodkiisii awrta hogaanka ugu dhuftay horay.

Maalin maalmaha kamida ayaan isugu nimid kulan arbaceedkayagii caadiga ahaa,waxaa shirkii kadhex istaagay gudoomiyihii ururka mudane CABDIRAXMAAN SHEEKH MAHDI oo aanu markaas aad u jeclayn, waxaa uu yiri "walaalayaal ma ogtihiin in dhulkeenna waagii hore la oran jiray OGAADEENYA?" mar hadii xaalku sidaas yahay lagabilaabo maanta kawarama hadii aynu kamadaxbanaan nahay waxa loogu yeero soomaalida galbeed waxaa aynuna xornimadeenna ku raadsanaynnaa magaca "OGAADEENIYA" inaka ayaana kanoqonaynna maamulka dalka.

Allahayoow afkaaga hayso lahaydaa:

  • "HADAL WUXUU AMAANYAHAY
  • INTA AADAN ODHANINE
  • AFKA HADUU KASOO BOXO
  • ARKAA QAADNNA WEEYOO
  • OODIISU KAAROGAN".

Dhalinyaro farabadan ayaad maalintaas moodday in ay dhinbiil dab ah ku joogsadeen, qaar ayaa iyakoo aan is ogayn ilmo labadooda dhaban qoysay sidii naaglayiri huray dalaaqdaa, qaar ayaa qaylo laba af yeeray oo ku baroortay "tolla ayeey maciidii aan naf iyo maalba u waynay ayaa markale magac guumaysi bixiyay la huwiyay,taasi haba xoroobin ahaa".

Qaar ayaa aad ugu riyaaqay.

Islamarkiiba waa lakala yaacay, masuuliyiintii ururku waxaa ay isku dayeen in colkan jabay ay soorogaan,iyakoo cudurdaar hadalkaas kadhiibaya oo leh "war waan iska cayaaraynay,war waxaas majiraan,wartoloow colka jooja IWM.

Dhalintu waxaa ay yaqaaneen oo kaliya jiritaanka -OGAADEEN, BARTIRE; ABASKUUL, YABAREE; GARI; JAARSO; GURGURE; CIISE; MADHIBAAN; IYO REER TALAABA CADDE ;SHEEKHAASH IYO WALIBA QAAR KALOOBADAN balse marnna qorshaha uma galin qarankaas balaaran ayaa qabiil kamida lahuwinayaa magiciisa .

Halkaas ayaa aniga Xagar ahaan iigu danbaysay halgankii aan hamuunta u qabay, dhalinyaradii maalin walba isasoo buuxinaysay madasha kulanka ayaa ruux iyo raqba lawaayay, qaybtii gobolada woqooyiga soomaaliya ee uu hogaaminaayay mudane AMBASADOR MAXAMUUD DIRIR ayaa shaaca kaqaaday in ay kabexeen ururkii dhalinyarada gobanimadoonka soomaalida galbeed oo ay la baxeen"URURKA DHALINYARADA SII GALBEED": dalka suuriya ayaa sirasmi ah 1987-88kii loogaga dhawaaqay magicii malaga kunoqday midnimadii iyo isjacaylkii dadkii laguumaysanayay oo layiri "(JAWXO) JABHADDA WADANIGA XORAYNTA OGAADEEN"

  • XIRSI CAAMIROOW LAYNNA HIIF LAGUNA HAARAANYE
  • ALLAYLEHE HABAARBAAD QABTAA WAANA LAHUBAAYE
  • RAGG HADDUU HORFULE KAADHIGTOO HIBO LAGUUYEELO
  • WAA LOO HAGAAJAA ANFACA HAGGRASHO WAACEEBE
  • RAGG HABLAHA LAKALA GUURSADIYO HORINTA REER AADAN
  • INAAD LA HORMARTAA MAY EKAYN WAXAAN HABBOONAYNE
  • MEESHAAN HANNAAN GOBANIMIYO HADIYAD EEGAAYAY
  • HAF MIYAAD LATIDHI XAYDH SIDAAD HAAN KU DHAYANAYSID!!!?

Hogaamiyayaal farabadan oo ahaa halbawlaha ama laf dhabarta halganka dhalinyaradu waday ayaa meel ay jaan iyo cirib dhigeen lawaayay oo sii fogaaday markay warkaas maqleen waxaan ragaas kaxasuustaa geesigii birta ahaa ee siyaasiga ahaa een u naqaanay madaalaha hobolada waabari HALGAME AXMAD MAXAMED MAAMUUS(AXMAD JAALLE): waxaa uu markii ugu danbaysay noo ahaa gudoomiyaha hogaanka siyaasada ee ururka.

Mar aan dhowaan waraysi kulayeeshay gudoomiyahayagii ururkii dhalinyarada mudane Cabdi Raxmaan sheekh mahdi dalkan jarmalka oo aan wax ka waydiiyay meesha uu ku danbeeyay halyaygaasi "AXMAD JAALE" wuxuu si fudud iigu jawaabay "ninkaas caadifad qabiil ayaa qaaday waxaana lagu sheegaayay dalka CANADA" .

Waxaa uu xaal soo kacaa kufaba waxaa la soo gaaray xiligii kala guurkii ETHIOPIA oo dhacay sanadkii 1991. waxaan joogay markaas magaalada qabribayax, waxaa goor maqriba hoteelkii aan degenaa iigu yimid nin layiraa INA INDHABIRAALE oo ahaa gudoomiye ku xigeenka JAWXO, wuxuu yiri "sidaad ogtahay ururkii aad aas aaskiisa wax ka lahayd ee ururkii dhalinyarada soomaalida galbeed waxaa uu dhalay JAWXO=jabhadda wadaniga xoraynta OGAADEEN" haatana waxaa loo baahanyahay in aan kaqyabgallo dawlada cusub ee ethiopia oo aan xaqeenna sheeganno, waxaa hadaba lagaa rabaa in aad goboladan jigjiga iyo qabribayax iyo dirri dhabo aad soo abaabushid aadna naga ogolaatid dadkana soo ogolaysiisid in aan magaca JAWXO kaga qaybgaalo shirka guud ee magaalada addis-abeba oo lagaga arinsanaayo mustaqbalka qawmiyaadka ethioopia weyn".

Dadka markaasi wax garad ka ah ee aan lahadli karo ee goboladaasi waxaa ay ubadnaayeen aqoonyahanadii iyo masuuliyiintii kasoo hawlgalay soomaaliya oo haatan uu jaahwareer ku habsaday kadib markii ay laba arimood isugu darsameen.

1-waxaa afka ciidda darsaday maamulkii maxamed siyaad baarre(alle hawnaxariisto). halkaasoo uu dagaal kuqabsaday ayna noqdeen nafi orodbay kugu aamintaa iyo xageen markii hore ka soojeeday.qaxna ku yimaadeen.

2-bilo kadib waxaa isnna ciidda la cantuugsiiyay taliskii ka amarkutaaglaynaaya ADIS-ABEBA ee mangistu haylu mariam.taasi waxaa ay raggaasi ku keentay su,aal ay is waydiiyeen oo odhanaysa "xagee waa ku bariisan doona maxaase xigaya xaalkan? waxaa ay garan waayeen meel ay wax ka bilaabaan,labadii dhinac ee meesha iskugu yimidba labadaas dhinac waa "(HANBO MINGISTE IYO HADHAAGII AFWEYNE).

Hadaba taasi waxaa ay ii fududaysay in aan si sahlan u ogolaysiiyo in ay shirka yimaadaan oo waxba kamay qabin in ay helaan koox siyaasad ahaan matasha maadaamo xaal ku noqday "XAGGAN GABI XAGGAN GABI GUNTU WALAC":

Waxaa aannu iskugu tagnnay meesha lagu magacaabi (geeri go,an) oo koonfurgalbeed kaga aadan magaalada dhagaxbuur) waxaa ay ahayd meel buuralay ah oo runtii magaceeda u eg, waxaa naga muuqatay cabsi yar, dhowr cisho ayaan ku shiraynay waxaanan kawada hadlaynay magicii aan addis-abeba latagi lahayn, wuxuuna noqday magaca kaliya ee haatan na horyaalaa maadaamo aanann waqti nagu filan haysanin, RAIISAL WASAARAHA ETHIOPIA Mr MALASE ZENAAWINA carabka ku dhiftay in ONLF(JAWXO) muddo todoba cisho gudaheeda shirka kuyimaadaan, maadaama uu dhulkaas soomaalidu dagto uu ka mid yahay afarta gobol ee lagu marti qaaday ka hadalka mustaqbalka ethiopia.

Waxaan soo jeediyay in aan shirka ku tagnno magacii soomaalida galbeed oo ay ethiopia iyo ameerikaanka oo arinka watayba ogolaanayaan, hayeeshee waa la iga batay oo waxaanu ku tagnay addis-abeba magaca ONLF(JAWXO). maalin kaliya markii uu socday shirkii guud ee ethiopia ayaa maamulkii ONLF aad u kala hadlay isagoo aan is ogaynba, nin mar gudoomiye u ahaa ururkii dhalinyarada gobanimadoonka soomaalida galbeed oo magaciisa layiraa Maxamed Siraad DOOLAAL oo haatan ku nool dalka ingiriiska ayaa waraysi uu ka bixiyay idaacadda BBC waxaa uu ku sheegay in aysan jabhada ONLF ka qaybgalaynin wadahadal kasta oo ethiopia loogu dhanyahay.

Waxaa ay taasi ka caraysiisay wadamada maraykanka iyo suudaan oo waday waan waan aad u caqli gal ah cadna aanu ku goosan karaynnay.

Dawlada suudaan ergedii dhexdhex xaadinta u qaybsanayd ayaa xamar diyaarad gaara u qaatay oo kasoo kaxaystay hogaamiyayaashii jabhadii la oranjiray (JABHADDA GOBANIMA DOONKA SOOMAALIDA GALBEED) oo uu ka mid ahaa gudoomiyihii jabhadda mudane sheekh Cabddi Naasir iyo wasiirkii gaashaan dhiga ee jabhada Allah hawnaxariistee mudane MAJEERTEEN. halkaas ayayna ONLF kuwayday karaamadii iyo in ay caalamka u soobandhigato qadiyadeeda ooba hadal laga dhagaysto.

XIRIIRKII SSDF & SNM...... GUJI: 

Muddo kadib waxaa soo caan baxay in maamulkii sare ee onlf laftiisu kala daadatay ee ay raggii dalka suuriya kaga dhawaaqay laftoodii arkeen in aysan magacani soconaynin shacbiga dhulkaas balaaran degena marnna ogolaanaynin oo ay haatan iska joogaan dalka ethiopia iyo dunida daafaheeda, waxaan ragaas ka xusi karaa halgamaagii aadka magaca ogaadeeniya ugu ololaynjiray mudane MUSTAFE SHEEKH iyo hogaamiyihii ururka halgame SIYAAD BADRI oo ay wada joogaan gabadhii uu dhalay MAKHTAL DAAHIR waa foosiyee, ahaydnna lafteedu gabdh u jajaban halganka. waxaa isnna daaqada ka baxay ninkii qabribayax iigu yimid waa gudoomiye ku xigeenkii JAWXO halgame INA_INDHOBIRAALE, wasiirkii arimaha dibada MAXAMED SHEEKH IBRAAHIN ayaa isnna faryaro bidix kabaxay.

Ragaasi way wada jeclaayeen in magacaasi meel maro balse RUN ayaa RUN usheegtay oo waxaa ka tanbatay rabitaankii shacbiga. gudoomiyihii ururkii dhalinyarada soomaaligalbeed ee woqooyiga Soomaaliya mudane MAXAMUUD DIRIR ayaan madashaba ka soo xaadirin, wuxuuna haatan yahay wasiir sare oo dalka ethiopia. Safiirkii IIRAAN ethiopia u fadhiyay oo ku galay magaca ONLF(JAWXO)mudane MAXAMED XASAN KAAHIN ayaa u baxsaday dalka maraykanka.

Akhriste xaal halkaasuu marayaa ee waa is waydiine halgankii laysku ogaa in maqanaha lagu soo xereeyo wali waa baadi maqan, ee hashii rimanayd ee waliba mar foolatay (MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY).

WAA SU,AAL DAWEYNOO
MADAX DAALINAYSEE
ADOO DEGEN U FIIRSOO 
UJEEDADA I DEEQSII:

xagar91@hotmail.com 

Feb 12, 2003
___________________________

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk Germany 

<><><>

I  I  D  H  E  H

 

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

Afeef: Aragtidan waxaa leh qoraaga ku saxiixancom

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD