SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

February 4, 2003

 

Dhaqamada dhinacyada badan lahaa ee soomaalida mid kamida ayaa odhanaya, in wiilku maalintuu baaluq u kowsado(waa xilli ku beegan abbaare shan iyo toban jirkiisa)ugu badnaan sanad kadib ay waajib tahay in guumaysnimo lagala baqo oo guri loo yagleelo gabarnna loo hooyo.

xiliyadaas xili kamida reer soomaaliyeed oo noolaa ayaa wiil kamid ahaa oo yarehe dhaafay xiligiisii baaluqnimada hayeeshee aan wali guursanin uu ku sifoobay mid hooyadiis gurro iyo canaanta aan kala gabanin iyo caasiwaalidnimo, hooyaddisna aad u dhibsatay dabeecaddan xuquuqdeedii waalidnimo ceelka ku ridday ee wiilkeedu ku hayo. (Qoraalka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 maalin maalmaha kamida ayay inta hooyadii is haynwayday oo cadhadii iyo canaantii wiilkan caasiyay baday ay karaaraha jabisay oo cod dheeroo cadho xanbaarsan ku tidhi: "WARYAA!!!WARYAA!!!KU QARIYAY OO KU QARIYAY OO KU QARIYAY EEEE LABAATAN JIRR!!!.

akhriste aan kubilaabo qormadeenan"MA OGAADEENIYADIIBAY LA DHALIWAYDAY"oo laba qaybood kakoobnaan doonta heestii "SOOMAALIBAAN AHAY"mahadi haka gaadhee maskaxdii gaaxatay ee MACALINSOOYAAN,naaxyaddi iyo muusigii fanaankii codka toolmoonaa ee Maxamed Cabdoo Saalim,ee ay ku luuqaynjireen kooxdii IFTIN ee wasaarada waxbarashada iyo barbaariinta.

  • "NIN BAA BARI I SAANYADAY
  • ANOO XOOLA SOOFSADA
  • EE SIDDI QABAX ADUUNXYOOY
  • SIDANINA MAXAY TAHAY?
  • WAA QAYB LA SAANYADAY
  • SOOMAALINA SHAN LAGA DHIGAY.
  • SIDA DUNIDA QAARKEED,
  • SANDULAYNTA MA OGOLI,
  • NINNA KABAHA UMA SIDO OO SOOMAALIBAAN AHAY.

qaybsigaas muddo kadib waxaa lagu gudoonsaday in siwadajira ay carro edeg ubaadi goobato qaybtii la saanyaday,waxaa bilaabmay xaraakaadyo kaladuwanaa sida xisbigii lixdameeyadii ee nasrrulaahi iyo halgammo ay kala hogaaminaayeen labadii halyay ee dhowaan isku kolka allaystay ee HALGAME Sheekh Cabdiraxmaan Raagsay oo halganka kabilaabay agagaarka jig jiga iyo geesigii waynaa ee uu Cabdiraxmaan raagsay halganka ugu yeedhay oo markii loo baaqayna isagoo aan gabanaynin dhinaca bariga ee dhulkan kabilabay ee HALGAME Makhtal Daahir.

dhanka soomaaliyadii xorowday uma aysan kala hadhin maantana way yartahay ama maba jirto hooyo reer soomaaliland ah oo aan kaga gablamin,gabadh reer puntland oo aan asay xidhan,isku darka dhamaan gobolada koonfurta oo aan wiil iyo walaal kuwaayin oo baroor ka bari ah.

haatanse waxaad moodaa inaan xiligaas dhiiga xanbaarsanaa laba soomarin oo waagu dhankaluu kabaryay.

dadbadan ayaa iswaydiiya iloowshahan loo dhanyahay ee dhinaca layska dhigay dhulkii mar loogu yeeray soomaalida galbeed iyo soomaalida abboo ugu danbaystiise la yiri "OGAADEENIYA"

goormaaa loogu wanqalay magacan?

1978-79 ayaa subax anakoo iskuulkii dhexe ee KAMAAL ee degmada shibis magaalada muqdisho saarayna calankii soomaaliyeed waxaa hadlay maamulahaygii ISKUULKA mudane WEHELIYE. wuxuu yiri waxaa saka inna soobooqday dhalinyaro kasocota "URURKA DHALINYARADA GOBANIMADOONKA SOOMAALIDA GALBEED"wuxuuna ku soo dhoweeyay hadalka dhalintaas oo aan mid kamida ka xasuusta wuxuu ahaa "DAYIB XAYAWAAN",waxaa ay yiraahdeen waxaan raadinaynaa dhamaan ardayda u dhalatay geyigaasi.

dugsigii dhexe ee KAMAAL ardaydii iyo macalimiintii dhamaan kol qura oo aad moodday in ay kubalameen ayay dhankii aan safka kaga jiray soo wada dhugteen, waxaan caan ku ahaa magaca layiraahdo "CALI DIRRIDHABO" iyaddoo ay qaarnna ardaydu iigu yeerijireen "CALI ITOOBIYAAN". taas micnahedu waa inaan kaligay ka dhiganaayay wax "LAAJI AH".

nin aad u yar ayaan ahaa balse dhalintu waxay igu martiqaadeen in aan galabnimada arbacada imaado xarunta jabhadda gobanimadoonka soomaali galbeed oo dhinaca ku haysa hoteelkii xamar caanka ka ahaa ee "HOTEL JUBBA" halkaasoo kulanka guud ee dhalintu ka dhoco galabkasta oo arbaca ah:maadaama aan daganaa kasoohorjeedka goobtaas waxaan ubaahnaa oo kaliya shan daqiiqo oo lug ah.,anigoo wali arday ah ayaa waxaan imtixaan ku guulkaystay in aan kamid noqdo wariyayaasha radio muqdisho qaybta codkii la oranjiray"somali dhihaafii somali abboo=codka soomaaligalbeed iyo soomaali abboo"waxaan kol kol iman jiray idaacada si aan warkii u akhriyo anigoo xidhan dharkii jaalaha ahaa ama huruudda ee iskuulka,waxaanan ururkii dhalinyarada gobanimadoonka soomaalida galbeed la iigu bixiyay magaca "ODAY BIIQE":muddo laba sano ah ayuu ururkaasi ku gaaray heerkii ugu sareeyay ee urursiyaasi ahi gaaro.

waxaa uu martiqaadyo kala duwan ururka madaxdiisu kahelay dawladaha caalamka,waxaan ka xasuustaa gudoomiyihii ururka mudane CABDIRAXMAAN SHEEKH MAHDI oo haatan ku nool dalka ingiriiska in uu kulanno kala duwan lasameeyay madaxweynaha dalka CIRAAQ mudane SADDAM xuseen.waxaa uu ururku kahelay dunida siiba caalamka carabta deeqo wax barasho oo uu isagu kasbaday soo helideeda.

ururka qaramada midoobay laantiissa qaxootiga ee UNHCR ayaa noo ogolaaday in ururku ardaydiisa iskuulada ee isaga ka tirsan xiliga ay fasaxa yihiin xeryaha qaxootiyada ka hawlgalaan,taasoo keentay cabashooyin badan oo qaxootigayaga kayimid kadib markii masuuliyiinta soomaaliya lagu xantay in ay leexsadaan raashinka loogu talagalay qaxootiga, xag siyaasada dibad iyo mid gudaba ururkii wuxuu noqday mid caan ka noqda,taasi waxaa ay keentay in masuuliyiintii jabhadda gobanimadoonka soomaalidagalbeed iyo qaarkamida masuuliyiintii soomaaliya ka hinaaseen dhaqdhaqaaqa cirka isku shareeray ee ururka dhalinyarada,taasoo ay u arkeen in masuuliyadii iyaga kawareegtay,dhanka soomaalida waxaa ay arkeen in dibadii ay iyaku qadiyada ugu hadlijireen ay si illi ma aragtay ah ururka dhalinyaradu ulawareegeen,dhanka hogaanka jabhadana in si walba looga cad cadaaday.

 QAYBTA 2aad .... KA AKHRI HALKAN....

waana xagar yare oo idinkaga tagaya

ISMA DHAAFNO

xagar91@hotmail.com 

Feb 4, 2003
___________________________

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk Germany 

<><><>

I  I  D  H  E  H

 

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

Afeef: Aragtidan waxaa leh qoraaga ku saxiixancom

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD