SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
 XAFLAD JAALIYADDA JARMALKA:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Janaayo 6, 2003

CABDILAAHI XASSAN MOXAMUUD (WIISH):ayaa bil ka hor teleefan ii soo garaacay,wuxuu mr WIISH oo ka mida hawl wadeenada sare ee jaaliyadda soomaalida ee dalka jarmalka ii sheegay in hogaanka jaaliyaddu isla gartay in la badigoobo wariyayaasha somalitalk GERMANY laguna casuumo xaflad balaaran oo ay soo agaasintay jaaliyaddu.

sabtidii ayay qabsoontay, laguna qabtay magaalada layiraa KARLSRUHE oo ah xarunta maxkamadaha ugu sareeya ee laga gooyo xukunkasta oo siyaasadeed ee dalku ku dhaqmayo,waxaay ii jirtaa ilaa 100km qiyaasaha, markii aan gaaray bartamaha (sentarka) magaalada meeshii la,igulabalay waxaa ii yimid laba inan oo gaadhi aad u quruxbadan ku socda oo ii sheegay inuu mr WIISH ii soodiray. [warka oo dhamaystiranHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 


Soomaalida Jarmalka

waxaanu gaarnay madashii xaflada oo ay iridaha tubnaayeen dad aad ufarabadan,waxaa ka muuqatay farxad wajigooda kadib markii ay ogaadeen in WARIYE kasocda SOMALITALK xafladda yimid, waxaa la iilakacay gudaha xafladda oo la ii sheegay in marka hore gaajada la goynayo,  iyadoo cuntadu ahayd mid aad lafahaaga u guranaysid ayaan gaaajo xun oo ihaysay awgeed saxan aad u balaadhan buuxsaday oo aan duldhigtay illaa afar cad oo hiliba, waxaanse aad isu qoomameeyay markii la ii sheegay in goobta la keenay muufo kulul, umase aanan laba lugoodinin ee inta dhinac xoolihii i horyiil isaga riixay ayaan idhi "ax yaa wadannii" oo an saxan kii hore kawayn oo muufo ah iyo sadex xabo oo moosa iyo maraq la qurxiyay isku dul ritay, halkaasnna aan waa ilaahay xabmidiigiise ku xasuustay "BAR NAAXI NAFTAADA" ee kasoo horjeedkii shiirkole officiale ee degmada hodan magaalada muqdisho oo aan sidaaasoo kale muufada isula dhici jiray(WAKHTIGII I DHAFIYO HABEENKII WACNAAYEE I WAYDARTAYBAAN WALI XASUUSTAA), markii aan aniga iyo muufadii muuskii iyo waliba maraqii kala dhamaannay ayaa waxaa istaagay ninka layiraa CABDILAAHI GAROON"oo bilaaabay socodsiinta barnaamijka.

waxaa iigu xiisa badnayd kadib markii xafladda lagu furay quranka oo ay akhrisay gabadh yar oo aan ka waynayn 12 jir.intii aan xaflad ka qaybgalayay lama kulmin, ruux dumara oo quraan furitaan xafladeed ka akhrinaysa ,gabadhaasoo layiraa faaisa abuukar. waxaa lagu soo dhoweeyay gudoomiyaha jaaliyadda mudane CUSMAAN XASAN WOQOOYI: wuxuu sheegay in jaaliyadu gaadhsiisay dadaalkeeda wax u qabadka dhamaan soomaalida degen dalka jarmalka,wuu yiri "waxaa ay furtay jaaliyadu xarun iyada u gaara oo diinta,dhaqanka iyo farta soomaaliga lagu baro caruurta soomaaliyeed oo haatan gacanta lagu hayo caruur kor u dhaaftay 200".

wareegga labaad ee xafladda ayaa iyadana si gaara ii xiisa galisay oo ahaa barnaamij kadis ah oo ay jaaliyadu ugu talagashay ardayda ay gacanta ku hayaan.

su,aalo runtii badankood ku adkaa ayaa la waydiinayay iyadoo ciddii ka jawaabta hadiyad uu gudoonsiinaayay gudoomiyaha jaaliyaddu mudane Cusmaan Xasan Woqooyi iyo maamulaha waxbarashada dhalinyarada soomaaliyeed AXMAD DIINAASH:

ILAA 50 ARDAY ayaa lawaydiiyay su,aalahan hoos ku xusan oo ay ka jawaabeen uun illaa 9 arday.


AXMAD DIINAASH iyo ardaydii ka jawaabay su'aalaha
  • 1-sanadkeebaa afrika la qaybsaday?
  • 2-dalkee iyo magaaladee ayuu ka dhacay shirkii qaybsiga afrika?
  • 3-dhanka afrika dalkeebaa ka qaybgalay shirka?
  • 4-isticmaarku soomaaliya imisuu u kala qaybiyay?
  • 5-sheeg wadamada qaybsaday.
  • 6-sheeg sanadka soomaaliya xorowday.
  • 7-sheeg labadii magaala madax ee woqooyi iyo koonfur.
  • 8-sheeg inta wabi ee ay soomaaliya leedahay.

(akhriste waxaan u sooqori waayay jawaabaha in aad adiga laftaadu ka shaqaysid ama caruurtaada kaga shaqaysiisid jawaabahana noosoodirtid si aan usoodaabacno).

ardaydii ka jawabtay su,aalahaasi oo aan iyaka iyo maamulaha waxbarashada jaaliyadda jarmalka mudane AXMAD DIINAASH SAWIRKOOD halkan idiinku soo muujinay waxaa ay kala ahaayeen.

  • 1-Bushra cabdilaahi ashkir oo dhalatay 1989.
  • 2-Jamaal axmad farax............................1991.
  • 3-Colaad axmad faarax..........................1992.
  • 4-Cali cusmaan xasan............................1991.
  • 5-Raxiima Cabdi Casiis xasan...................1988.
  • 6-Caadil yaxye abuukar..........................1990.
  • 7-Sade cabdulaahi ashkir........................1990
  • 8-mahado cabdi casiis xasan...................1990

Waxaan sugnaaba (insha Alah) waa jawaabta su'aalaha sare, kuwaas oo aan barbar dhigi doono sidii ay uga jawaabeen ardayda Soomaaliyeed ee deggan Jarmalka.

XagarYare
xagar91@hotmail.com
 
SomaliTalk Germany

Janaayo 6,  2003 
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay dadalka GalbeedkaGuji...
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha? Guji...
Carruurta Soomaalida Denmark Guji...
Carruurta Soomaalida London, canada Guji...

Carruurta Soomaaliyeed ee dhibaataysan GUJI...

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12
OGEYSIIS: Shirweyne Soomaaliyeed oo ku saabsan Horumarinta iyo taageerista East Africn University , Boosaaso, Soomaaliya, oo lagu Qabanayo Jaamacada Minnesota, USA GUJI....  

Somalitalk oo lagu maamuusay bixinta koobka Ramadaanka ee Sweden: Soomalida Sweden ayaa horyaal u ahayd in mudo ah Soomaali weynta kale ee ku dhaqan Qaarada Yurub, marka laga eego isku duubnaanta iyo... GUJI  12/12

Soomaaliga keliya ee Kusoobaxay Golaha Wasiirada kenya
»» Axmed khaliif oo ah xoghayaha guud ee Ururka Muslimiinta Kenya, isla markaana ah agaasimaha idaacadda IQRA ayaa madaxweynaha cusub ee Kenya u magcaabay wasiir.. GUJI..  3/1/3
»» kibaki oo ku dhawaaqay golaha wasiirada.. GUJI... 3/1/3

Goolhayihii Qaranka oo Dooni La gaddoontay : XASAN SH:AWEYS(joorge)wuxuu ahaa goolhayaha xulka qaranka  soomaaliya. waxa uu hadda u baahanayahay caawinaad aadaminoi... GUJI.. 1/1/3

Somaliland Guul ayay ka Gaadhay Nabadda: FAALADII XAGAR YARE: inkastoo uu fikirka qaarkii odhanayo wixii ka danbeeyay dhicidii madaxweyne maxamed siyaad barre. GUJI.. 1/1/3

Xiriir Caynkeeyaa u Dhaxayn jiray SSDF & SNM? 
Jawaabta ka akhri qaybtii 1aad ee faaladii XagarYare  GUJI... 24/12

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
DALSAN

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD