SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
 SOMALILAND GUUL AYAY KA GAADHAY NABADDA IYO DIMOQRAADIYADDA:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Janaayo 1, 2003

inkastoo uu fikirka qaarkii odhanayo wixii ka danbeeyay dhicidii madaxweyne maxamed siyaad barre(alle hawnaxariisto)xaalka soomaaliya waa tusbax go,ay oo ann tixid danbe lahayn,taasoo aadba kol-kol ku qancaysid marka aad eegtid kacaa kufka,ijiid aan kujiidada iyo kabo aadan lahayn ayaad isku dheeraynaysaada eldoret dalka kenia shirka kasocda iyo maalinba biilka laga goosanayo shirayaasha,

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

balse waxaa wax tusaale laga qadan karo ah halka ay soomaaliland xaal marinayso.

15.12,2002 doorashooyinkii kabilawday ayaa waxaa ay ku dhamaadeen qaab nabadgalyo kii ugu macaanaa qaaradda afrika inta ay xusuustaydu gaadho,sida uu soosaaray gudiga doorashooyinka ayaa waxaa si wayn ugu guulaystay xisbiga haatan talada haya ee UDUB:

Xisbigan UDUB ayaa waxaa dhidibada utaagay madaxweynihii hore ee somaliland mudane Moxamed Ibraahin Cigaal(ALLE HAWNAXARIISTO)bishii july2001.

doorashooyinka ayaa si habsamiya uga dhacay dhamaan shanta gobol ee uu dalku ka koobanyahay marka laga reebo Gobolka SOOL,oo ay suurta galin wayday kadib markii uu madaxweyne riyaale kala kulmay booqasho uu ku tagay dagaal aanu filaynin,taasoo uu maamulka jamhuuriyaddu isku afgartay inanay waqtigan xaadirka ah doorasho ka soo naasacaddayn.

iyadoo aan cadaawad lafa jabis ahi kamuuqan ayuuse xaal ahaa xusulla duub iyo "AMA LA;IDOORAY AMA DAADKU IQAAD"lix urur ayaa ku tartamaayay,kuwaasoo dhamaan hankoodu yahay in ay doorashada madaxweynahana isu sootaagann ee dhici doonta sanadka2003.

balse sida uu dhigaayo xeerka ayaa waxaa ku soobaxaya tartanka madaxweynenimada sadexda ugu dhibcaha badiya xiligan ee lixdaas kamid ah kuwaasoo noqondoona sadexda xisbi ee dastuuriga kuwa kalena ay markaas iska qayilaad tagi doonaan illeen xaal waa "ama la i dooray ama daadku iqaadye"

gabagabadii loolanka ayaa waxaa oofta ka cadaatay in uu sadlibaax heley oo uu kaalinta koobaad galay xisbiga udub eemadaxweyne Daahir Riyaale Kaahin,meesha kaalinta labaad uu ku guulaystay xisbiga KULMIYE tan sadexaadnna xisbiga UCID.
URURADA SIYAASIGA

HOGAAMIYAHA XISBIGA
IYO MAGACA BEESHIISA

CODKA UU HELAY 

UDUB

Daahir Riyaale Kaahin
GADABUURSI(samaroon)
 

179,389
KULMIYE

Axmadd,maxamed”SIILAANYO
”Isaaq(HABAR JECLLO)
 

83,143
UCID

Faysal Cali Waraabe
Isaaq(CIIDA GALE)
 

49,444
SAHAN

Dr.Maxamed Cabdi Gabboose
Isaaq(HABAR YOONIS)
 

47,794
HORMUUD

Cumar Carte Qaalib
Isaaq(SACAD MUUSE)
 

40,538
ASAD

Saleebaan muxamed Aadan
Isaaq(HABAR JECLO)
 

39,596

taasoo iimaan uurka buuxiya u noqonaysa rajada madaxweyne nimo ee mr DAAHIR RIYAALE KAAHIN.waxayse ceelmadaw ku ridday rajadii wasiirkii arimaha dibadda mudadadheer soomaaliya ee aadka dhankaas looga jeclaa mudane cumar carte qaalib,oo dhowaan uun si kusooboodday ah ama lama filaan ah uun ugu dhowaaqay inuu isusootaagaayo jagada madaxweynanimada somaliland,taasoo candhuuftaada dib u liqo ku noqotay kadib markii uu xisbigiisii "HORMUUD"noqday mid kamida labada ugu danbaysa .// waxaa uu tabbeelahani kuu muujinayaa qaabka ay codbixinta ugu kalaguulaysteen axzaabtu,iyadoo sadexda 1aad,2aad,iyo3aad ay noqonayaan sadexda xizbi ee dalka ka sharciyaysan.//

doorashadan dawladaha hoose ee haatan hirgashay waxaa ay qabanqaabadeedu soo hadaafaysay dariiq dheer aadnna u qodxa badnaa, iyaddoo isjiidjiidasho badan lasoomartay madaxweynihii hore ee geeriyooday maxamed ibraahin cigaal(AALLE HAWNAXARIISTO)

hogaamiye dhaqameedyada(kaabbo qabiil),iyo axzaabta siyaasadda,taasoo mar dhalisay in bishii JANUARY 2002 halsano dib looga dhigo xiligii loogu talay galay inay doorashadu qabsoonto,taasoo usuuragalisay in marxuum CIGAAL uu halsano oo dheeraada kursiga siifadhiyo,balse waxaanayba arintaasi uga darin oo runtii siwayn uga faiidaystay axzaabta siyaasada oo heleyba fursad balaaran iyo waqti ku filan oo ay ku abaabulan karaan taageerayaashooda.

marxuum cigaal oo kasoo jeeda beesha "HABAR AWAL"wuxuu jagada madaxweynanimada qabtay 1993 kadib markii uu ka adkaaday madaxweynihii ugu horeeyay markii uu goboladii woqooyiga soomaaliya isku magacaabay inuuyahay jamhuuriyad madaxbanaan Danjire Cabdiraxmaan Axmad cali"cabdiraxmaan tuur" oo kasoojeeda beesha"HABAR YOONIS".waxaa ay kaga dhamaatay 1996 balse waxaa loogu daray shan sano oo danbe taasoo ku ekayd febuarury2002,balse ma uusan calfanin inuu maanta tartankan yimaado kadib markii geeri lamafilaan ahi kutimid allaha awoodalihi ha u naxariistee.

"geeriyi nimaan gogol haysanbay gogol u samaysaaye"waxaa sifudud martabadaasi kursi isaga dul dhookeeyay mudane daahir riyaale Kaahin oo ahaa ku xigeenkii madaxweynaha.

dalkaasi oo isku magacaabay"jamhuuriydda somaliland" 18 may 1991waxaa ay ka koobantahay shan gobol oo ay kala degaan dad inta badan aan isku hayb ahayn sida:

1)gobolka AWDAL=gedabuursi iyo ciise waxaase aqlabiyada leh deegaan ahaan gadabuursi.

2)koonfur galbeed=)habar awal(isaaq).

3)togdheer======)habar jecllo+habaryoonis+ciise muuse(isaaq)+dhulbahante(daarood).

4)sanaag ==)habaryoonis+habarjeclo+ciise muuse(isaaq)+warsan gali+dhulbahante(daarood).

5)sool===)dhulbahante(daarood).

shantaasi gobol waxay sookoobayaan dhulkii uu ingiriisku ka guumaysanjiray soomaaliya(british somaliland).

qaabka dhismaha dawliga ah ee somaliland waxaa uu u qaabaysanyahay,

A)golaha wasiirada

b)golaha baarlamaanka

C)golaha guurtida(oday ama hogaamiye dhaqameedyada).

xeerka lagu dhaqo waa qayb laga soo qaatay shareecada diinta islaamka iyo xeerka rayidka ee dalkaa ingiriiska"british sivil laws".

maanta dalkaasi lamagac baxay somaliland waa dalka kaliya ee guud ahaan aduunweynaha isaga oo aan la aqoonsanin dawladnimadiisa leh dawlad dhexe oo wadata baad kasta oo ay dawladi ku duusho,sida "calan bortukoolkiisa lamariyo hees ugaaranaleh,lacag u gaara,iskuullo qaran,poostada iyo isgaarsiin qaran,ciidamo booliis,cutubyo mulatari,sharci iyo xeer ciqaabeed oo meelmar ah,"iyadoo dhamaan hay,adahaasi iyo kuwo badan oo kale qaabilsanna fulinta adeegga bulshada ay mid waliba u leedahay miisaaniyadeeda u gaar ka ah oo ay dawladdu u dajisay.

I  I  D  H  E  H

XagarYare
xagar91@hotmail.com
 
SomaliTalk Germany

Janaayo 1,  2003 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

ITAXAADKA SOOMAALIYA
Waa faallo & Baaritaan muddo dheer qaatay oo kusaabsan Itaxaadka Soomaaliya, Muxuu ahaan jiray, aragtida Caalamku ka qabo, aragtida siyaasiyiinta Soomaalida,  Hadda iyo... GUJI.. 27/12

Xiriir Caynkeeyaa u Dhaxayn jiray SSDF & SNM? 
Jawaabta ka akhri qaybtii 1aad ee faaladii XagarYare  GUJI... 24/12

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
DALSAN

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD