SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK -  BAARIS
FAALLO KUSAABSAN
ITAXAADKA SOOMAALIYA 
Qaybta 1aad | 2aad

BAARITAAN MUDDO DHEER QAADATAY 
oo SomaliTalk.com idiin soo bandhigeyso

fahadyasiinWaxaa isku soo dubaridey:
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 
editor@somalitalk.com 

 December 27, 2002

"ITAXAADKU WAA HURDAAYEE YAAN NALAGU TOOSIN:" 
sidaas waxaa yiri nin Soomaaliyeed oo idaacad dhegeysanayey, sida aad gabagabada qoraalka ku arki doontid.

Al-itaxaad Al-islaami waa ururka kaliya ee Soomaaliga ah ee uu hadda naceb yahay Maraykanku, xubnihiisuna ay Soomaali yihiin, waxa uu baaxad weyn ku lahaa meela badan oo Soomaaliya ka mid ah, waxa uu qayb libaax ka qaatay faafinta Diinta Islaamka, raggii aasaasay waxay ahaayeen ardaydii waxa ku soo baratay Jaamacadaha Sacuudiga gaar ahaan kuweeda diiniga ah, waxaase hadda Maraykanku indho adag ku eegayaa Itaxaadka, isagoo leh waa urur argagixiso ah oo ku lug lahaa weerarro loo geystay Maraykanka. Hadaba si aan fikrad uga qaadanno ururkan aan u ka eegno dhawr kan waji.

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

. Muxuu ahaan jiray Itaxaadku.

. Itaxaadka iyo aragtida Caalamku ka qabo:

. Itaxaadka iyo aragtida siyaasiyiinta Soomaalida:

. Hadda iyo Itaxaadka:


Hoos Akhri    
Muxuu ahaan Jiray Ururkan.

Itaxaadku waa ururkii Soomaaliyeed ee ku dhisnaa Islaam-nimada, oo misana awood u helay inuu ka taliyo 3.Degmo oo kamid ah Soomaaliya, waa Luuq, Doolow, iyo B/Xaawo oo kawada tirsan Gobolka Gado.

Itaxaadku waa ururkii awooday inuu isugu keeno hal xero tiro kabadan lix kun oo askari, iyadoo ay isu keentay xiriir caqiido ku dhisan, ee aan isugu iman isku xirnaan qabiil ama mid wadaniyadeed, waxayna markaa islahaayeen waxaad ku taagan tihiin tubtii saxda ahayd ee lagu badbaadin lahaa diinta iyo dalkaba.

Itaxaadku waa ururkii isagoo muujinaya taageerada uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed ku uruursaday hal mar ciidamo meelo ay u bixiyeen "Mucaskaraad", kana furay meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, sida Kismaayo, Dhoobley, Luuq, B/Xaawo, Muqdisho, Marka, Qoryooley, Raas-kanbooni, Boosaaso, Laascaanood, Boorama, B/weyne, Laasqoray iyo meelo kale.

Itaxaadku waa ururkii ka taliyey gobollada W/bari iyo Nugaal muddo ku dhaw 38.Saacadood, oo ahayd tii sababtay isku dhacii la baxay dagaalkii Bari ee dhexmaray Itaxaadka iyo S.S.D.F.ta.

Itaxaadku waa ururkii kaliya ee hubeysnaa oo fursad u helay inuu gacanta ku dhigo 30.kamid ah xubnihii ugu waaweynaa jabhaddii ay markaa colka ahaayeen, "Waa qabsashadoodii Garawo" xiligaasna waxay xabsi u taxaabeen xubo ay ugu sareeyeen, Jen.Maxamed Abshir Muuse.iyo Col.C/Laahi Yuusuf Ahmed, Iyagoo kadib ku sii daayey Fatwa diimeed uu soo saaray "Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax" (Gacamey) oo ah Wadaad ay aad u tixgalinayeen xubnaha Itaxaadka ah iyo dadka raacsanba, haddana ah Caalimka ugu magaca dheer Gobollada Puntland.

Itaxaadku waa ururkii sida cad ugu fashilmay Siyaasadda Soomaaliya, iyadoo ay dadbadani sabab uga dhigaan ineysan helin Siyaasiyiin u falanqeeya hadba waxa loo baahan yahay, ee damcay iney Siyaasadda u maamulaan Wadaado Diinta yaqaanay assii aan maado ahaan u aqoon Siyaasadda.

Itaxaadku waa ururkii ay ka tirsanaayeen inta badan Culimada Soomaalidii ugu magaca dheeraa 20.kii Sano ee u danbeeyey, taasoo u soo jiiday iney taageero badan ku helaan.

Itaxaadku waa ururkii ugu magaca dheeraa ururradii Islaamiga ahaa ee kajiray Soomaaliya, waxaana la oran karaa taageerada uu haystay waxay u sahli kartay haddii doorasho lagali lahaa inuu ku guuleysan lahaa codadka dadka 70%.

Itaxaadku waa ururka uu hadda Maraykanku wareegta uu soo saaray qaraxii mombasa kadib yiri, iyaga ayaa lug ku leh qaraxaas, oo uu xubnihiisuna ku sheegay iney gaarayaan laba kun oo qofood.

Itaxaadku waa ururkii kasbaday Dumarka iyo caruurta, taasoo sabab u noqotay iney guri kasta oo Soomaaliyeed ay galaan.

Itaxaadka iyo aragtida Caalamku ka qabo.

Maxamed Saxnuun.

Waa wakiilkii qaramada midowbay uga ahaa Soomaaliya xilliyadii UNISOM, sida uu waraysi ku siiyey Jariidada "Al-wadan Al-carabi" Cadadkii 874. Maalin Jimce ah, Taariikhduna ay ahayd. 3-12-1993.Oo su’aalo badan laga weydiiyey xaaladda dalka Soomaaliya uu xiligaa ku sugnaa, su’aalihii la weydiiyey waxaa kamid ahaa.

(Nooga waran ururka Al-itaxaad Al-islaami ee ka jira Soomaaliya?.) wuxuuna ku jawaabay { ururka Al-itaxaad waa urur aysan ku dhameeyn qaybaha Soomaalida oo dhan, xubnaha ka tirsanna waxay u badan yihiin dalka dibaddiisa, aniguse weyba ila haboonaan lahayd hadduu jiri lahaa xisbi ay Soomaalida oo dhan ku mideysan yihiin haba’ahaadee xisbi diin ku dhisan, waana talaabo aan soo dhawayn lahaa, waxaase jira meelo ay Asal-raacu ku leeyihiin xoog Millatari sida Marka, iyo Boosaaso, walow aan dareemayo inaysan jirin isku xirnaan ka dhaxeysa xubnahooda ku kala nool waqoyiga iyo koonfurta Soomaaliya.}.

Millas Zinaawi:

Waa R/Wasaaraha dalka Itoobiya, waa ninka sida fog toosha ula daba jooga ururkan, waxaan shaki ku jirin iney jirto sabab colaaddaas ku sii fogeyneysa, ha’ahaato dagaallada dhexmara ciidankiisa iyo Itaxaadka S/Galbeed, ama inuu ka faa’iideysanayo fursadda hadda dunida taal, Si kastaba ha’ahaatee R/Wasaare Milas aragtida uu ka qabo Itaxaadka waa mid uu qofkasta aad ula socdo. Waxa uu marar badan ku soo celiceliyaa in Itaxaadku ay yihiin balada kaliya ee ka jirta Geeska Afrika, isagoo leh Itaxaadku waxa ay dhaawac dhaqaale iyo mid ciidanba u geesteen dalka Itoobaya, taasoo xitaa ay nanba xubnaha ka tirsan Itaxaadka S/Galbeed ku faanaan waa tii ay sheegateen isku daygii shirqooleed ee lala beegsaday D.r. C/Majiid Xuseen oo hadda ah Safiirka Itoobiya u fadhiya U.N.ka, sida uu sheegay Afhayeen xiligaas Itaxaadka S/Galbeed Xamar uga hadlay, dowladda Itoobaya laf’ahaanteeda waa tii ay soo gashay gudaha Soomaaliya iyadoo daba joogta xubnaha ka tirsan Itaxaadka oo markaa sida ay Itoobiya sheeganeysay fariisimo ciidan ku lahaa gudaha Soomaaliya.

Dagaalladii hubeysnaa ee dhexmari jiray dowladda Itoobaya iyo Itaxaadka ma’ahan wax u bahaan cadeymo, saa awgeed waxaad ka garan kartaa colaaddaasi ineysan wali damin, hadalkii uu habeeyn dhawayd R/Wasaaraha Itoobiya ka sii daayey Idaacada BBCda Af-ingiriisiga, kadib markii uu ka soo laabtay kulankii dhexmaray isaga iyo Bush, waxa uu yiri {Qaraxii Mombasa waxaa suura gal ah in laga soo abaabulay "Raaskanbooni" oo ah sida uu sheegay meel ay dagan yihiin Itaxaadka iyo Al-qaacida), taaso ay jawaabo adag ka bixiyeen maamulka hadda gacanta ku haya Dooxada Jubba, iyo Jen Adan Gabyow, sida ay ku sheegeen war lagu daabacay barta ineternet-ka ee Somalitalk.com.

menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". GUJI....
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. GUJI...  

Hadaba intaa waxaa dheer in dad badan oo aad uga warhaya arimaha Soomaaliya, waliba kuwa ka faallooda Siyaasadda Geeska Afrika, waxay ay tibaaxayaan in dowlada la’aanta Soomaaliya ka jirta ay qayb weyn ka tahay xiriirka cadaawadeed ee u dhaxeeye Itoobiya iyo Itaxaadka, iyagoo marag uga dhigaya, aragtida ah ineysan Itoobiyaanku ku qanci doonin dowlada gacan saar la leh Islaamiyiinta ka jira Soomaaliya, sida aysan ugu qanceyn Islaamiyiinta Soomaliya dawlad gacan saar la leh Itoobiya.

Waxaan markaa anigu soo bandhigi laha su’aal oraneysa "Suura gal matahay in la is afgaran siiyo Itoobiya iyo ururrada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan "Itaxaadka S/Galbeed" oo ah kuwa hadda dagaalka kula jira dowlada Itoobiya, lana oran karo waxa’ay buundo aan la dhaafi karin u noqotay xiriirka Itoobiya iyo Soomaliya," waa su’aal u taal dadka isleh waxbaad ka qaban kartaan arimaha geeska Afrika, waxaana ku qanacsanahay haddii aan qodobkan meel la isla dhigin iney aad u dheertahay nabad galyo waarta oo ka islaaxda geeska Afrika.

Maraykanka:

Waa dowladda ugu quwada badan dunida asii ka adkaan la’ ururro ka jira dalalka aduunka ugu faqrisan, sida Soomaaliya, Afgaanistaan, Khishmiir, Yaman, iyo meelo lamid ah, inkastoo "Maxaweyne Bush laftigiisu khudbad uu u jeediyey aqalka Odayaasha Maraykanka uu ku sheegay in wax yaabihii laga faa’iideystay dhacdaddii 11.Seb. ay kamid ahaayeen in dowladaha faqriga ah ay ka iman karto khatar ka weyn midda laga filanayo wadamada horumaray". Wadamadaas aan soo sheegay Maraykanku waxay ku tilmaameen iney yihiin xarumo argagixiso, meelaha qaarna weyba weerareen sida Afgaanistaan, iyo Yaman oo ay meeshay kaga ogaato ay gantaallo ku rido xubnaha ay u taqaan argagixisada, Soomaaliyana haddeyba u birtumanayaan, "WADEECA ALLA." "Aamiin bal ii dheh." .

Haddaan u soo noqdo aragtida ay dowlada Maraykanku ka qabo ururka Al-Itaxaad, waa mid aad ka ogaan karta markii uu Maraykanku ururkan ku daray liiska ururrada argagixisada Caalamiga ah, waxa uuna ku daray liiskii ugu horeeyey ee uu soo saaro 11.Seb. kadib, waxa uu sirdoonkiisii u kala diray dhamaan gobollada Soomaaliya si uu u hubiyo awoodda cududeed ee uu hadda leeyahay ururkan, jawaabtii ay soo heleen waxay noqotay, walow aan la helin iyadoo qoraal ah hadana waxaa la rumeysan yahay in ay ka soo qanceen in hadda aysan jirin khatar muuqata oo laga filan karo Itaxaadka Soomaaliya, inkastoo qaraxii dhawaan Mombasa ka dhacay ay qaar ka mid ah Saraakiisha sarsare ee Maraykanku ku eedeeyeen in Itaxaadku ay ka danbeeyeen qaraxaas, horayna waxay shaaciyeen iney ku tuhun san yihiin in ay taageero ka geysteen qaraxii lagula kacay Safaaradaha Maraykanku ku leeyahay wadamada Kenya iyo Tanzaaniya, waxaana ilaa iyo hadda la hubaa in uusan wali Maraykanku ka qaadin talaabo ku aadan Itaxaad.

Kenaya:

Dowlada Kenya oo Siyaasad ahaan ku dhaqanta in aan cidna lala diririn cidnana colaad lagu abuurin, taasoo sabab looga dhigayo Ruugcaddaa-nimada Madaxweyne Moi oo ah Siyaasi ay Siyaasadiisu ku dhisan tahay soo dhawayn iyo dab-damin, waakii uu ka yiri shirkii uu ku furayey shirka Soomaalida ee Eldoret, waxa uu ahaa "Kenya kama mid ahan dalalka ka qayb qaatay dhiigga Soomaalida", [Alley-lahay waa runtiis oo anaaba marag uga ah ineysan Kenya kama mid ahayn dowladaha ka qayb qaadatay daadinta dhiigga soomaalida, iska daa Soomaaliyee oo kaliyee dalalka kalaba waa sidoo kale ayaa la dhihi karaa].

Dowlada Kenya in badan waxay sheegtay in aysan jirin khatar argagixiso oo iyada col la’ah, shacabka Kenyana qaraxyada ka dhaca dalkooda waxa ay ku macneeyaan xabad aan loo wadin oo si kama’ah ugu dhacda, Wasiirkii hore ee arimaha dibada u qaabilsanaa Kenya, waxa uu u sheegay Saxaafadda in ururuka Itaxaaka uusan wax khatar ah ku hayn dalka Kenya, islamarkaana aysan Kenya ka jirin urur islaami ah oo dhibaato ku haya dalkiisa. [Qaybta 2aad]

Qaybta Labaad Ka Akhri Halkan... GUJI

I  I  D  H  E  H

Waxaa isku soo dubaridey:
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. 
Email: editor@somalitalk.com 
URL: www.Somalitalk.com/baaris

Dec 27, 2002

Qaybta 2aad ee Qoraalka waxay ku saabsan tahay:
. Itaxaadka iyo aragtida siyaasiyiinta Soomaalida:
. Hadda iyo Itaxaadka: 

GUJI.......

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD