SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
somalitalkHABEENKII ARDAYDA SOOMAALITYEED EE JAAMACADA MINNESOTA
WQ. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Dec 30, 2002

AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AAN. WAA AQAL IYO ILEYS LA'AAN.

Qaybtii labaad ee warbixintii SomaliTalk.com kasoo diyaariyeen shirkii  Ururka Midowga Ardada Somaliyeed ee Minnesota ee habeenkii sabtida lagu qabtay Jaamacada Minnesota ayaan maantana halkan idiinku soo tebineynaa. Waana tan warbixintii SomaliTalk:

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Dr. C/Raxmaan Maxamed oo hadalkii uu soo jeediyey aad u xiisa badnaa, kabacdi waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Siciid Saalax oo ka hadlay "Soomaalida Shalay iyo Maanta".

Siciid Saalax waa abwaan iyo macallin Soomaaliyeed, wuxuuna durbadiiba bilaabay hadaladiisii xigmada ahaa ee uu dadka madasha isugu yimid oo arday u badnaa uu ugu tilmaamayey faraqa u dhexeeya Soomaalidii hore iyo Soomaalida Maanta iyo wada dhaqankii Soomaalida hore iyo wada dhaqanka Soomaalida cusub. Erayada Siciid Saalax waxay u badnaayey kuwo aad u facweyn oo marka aad dhuuxdid dhammaantood ku qotoma suugaanta ay Soomaalidu hidaha u lahaayeen weligood.

Siciid Saalax oo tusaalayaashiisa bilaabayey waxa uu yiri "shalay waa taariikh la tixraacay, maantana waxa ay tixraacaysaa dhacdadii shalay", halkaas waxa uu Siciid ku tusaalaynayey sida ay taariikhdu muhiimada u leedahay. 

Siciid Saalax oo ka hadlayey dhaqanka Soomaalida waxa uu sheegay in dhaqanka Soomaalidu uu yahay dhaqan nabadeed oo asalka ku haya diinta Islaamka. Wuxuuna aad u ammaanay dhaqanka qotada dheer ee isbadbaadinta, istixgelinta, isxurmaynta, iyo ismaamuuska lahaa ee Soomaalidu soojireenka u lahaayeen. Taas asagoo tusaalaynayana Siciid wuxuu yiri dhaqanka nabada ah ee Soomaalida waxaad ka arki kartaa habka uu dhisnaa dhaqanka xeerarka (Soomaalida), dhaqan wanaaga, isbariidinta, iyo isbadbaadinta xiliga colaadaha.

Asagoo Siciid sii wata kahadalka dhaqanka suuban ee Soomaalidu lahaanjireen waxa uu yiri waxaad ka garankartaa habka "marti Soorka", taas asagoo faahfaahinayana waxa uu yiri waxaa dhacda in qof safro oo uu maro meel cidla ah, inta u dhexaysa labada minqaadna reerkii uu la kulmo ama kusoo hoydo ayaa sooraya, ayagoo aanba wax aqoon ah u lahayn qofkaas sodaalka ah, waayo ayuu yiri wuxuu marti soor qofkaasi ku leeyahay ciddii uu u soo hoydo, waana xeer, oo xataa jaraysimo ayaa la siinayaa si uusan subaxdii hamuun ugu jarmaadin.

Siciid Saalax oo sii wata kasheekaynta dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu yiri xataa kelmeda Soomaaliya ayaa lagu sheegaa in ay ka timid "SOOMAAL" oo ah ayuu yiri xoolaha kaama lihiye soomaal. Waxana uu hadalkaas kusii lifaaqay xoojina uu uga dhigay in xataa la sheego in kelmeda "XAMAR" ay ka timid sheeko ahayd in nin lahaa hal Xamar ah (guduud ah), ninkaas oo degaan halka ay Xamar hadda tahay, xoolo oo dhana ka lahaa hashaas uu carruurta u liso, ayaa maalintii dambe markab kujabay badda (ama ku qaraqmay), dadkii saarnaa markabkaasna naftoodii oo keliya ayaa kasoo badbaadey, markaas ayey soo martiyeen ninkii lahaa hashii Xamar, markaas ayuu hashii fiiriyey wuxuuna is tusay in hasha haduu soo liso aysan caaneheedu deeqayn dadkaan gaajaysan, carruurtiisana wuxuu isyir Allah ayaa berri quudinaya, markaas ayuu hashii bireeyey oo dadkii sidaas hilib uga dherjiyey, sidaas ayaa kelmeda "XAMAR" kubaxday ayuu yiri sida la sheego. Halkaas waxa uu ku tusaalaynayey deeqsinimada iyo marti-soorka Soomaalidu ay weligood hidaha u lahaayeen.

Intaas oo dhan Siciid wuxuu ku muujinayey sida uu ahaan jirey dhaqankii Soomaalidii hore, waxana uu tilmaamay in dhaqankaas uu meelo badan iska bedeley hadda, waa marka laga hadlayo Soomaalida cusub'e.

Siciid Saalax oo ka hadlayey kelmedda "TOL" waxa uu yiri waxaad arkeysaa in kelmedaasi ay hadda iska bedeshey macneheedii hore. Waxana uu ku qeexay "TOL" waa tolane waana intii isku tolan ama kuwo dantu kugu toshay, sida kan aad iskuulka wada dhigataan oo aad isku danta tihiin. Mar uu ka hadlaayey sida loo bedeley kelmedda "REER" waxa uu yiri "reer" waxaa loo adeegsan jirey sida reer (magaaladaad doontid), taas oo muujinyesa inta magaaladaas wada degta. Halkaas asagoo hadal suugaaneed ku muujinaya, isla mar ahaantaana sii qeexaya in kelmedda Reer ay ahaan jirtey mid si guud oo intii meel kawada biya cabta adeegsadaan, tusaalena soo qaadanaya, waxa uu yiri waxaad arkijirtey Reer Xamar (inta xamar kawada biyo cabta), taas oo xaafad xaafad sii kala ahayd oo aad arkeysey sida Ciyaal Shangaani ama ciyaal Deyniile iwm, oo ah intii xaafadahaas wada dega. Waxana uu siciid dadkii kaga qosliyey markii uu yiri dhawr wadan oo aan safar kusoo maray dadkii sida gaarkaa ah iigu soo dhoweeyey waxay ahaayeen "ciyaalkayga kuwii ay la ciylaalka ahaayeen" halkaas oo uu ku muujinayey sida uu ahaa dhaqanka deris wanaaga ah iyo is xiriirinta ah ee ka dhexeyn jirtey Soomaalida.

Mar uu Siciid Saalax xusay sida uu noqday dhaqankii Soomaalidu maanta waxa uu yiri waxaad arkeysaa inay maanta kelmedo cusub soo bexeen sida: Mooryaan, Jirri, Dayday, Jidgooyo, Burcad, iwm. Dhammaantood waa kuwo aan Soomaalidu dhaqan u lahaanjirin. waxa uu halkaas Siciid ku muujinayey sida dhaqankii wanaagsanaa ee martisoorka, iyo isbadbaadinta ahaa loo bedeley

Siciid waxa uu yiri Soomaalida hadda waxay is weydiiyaan oo "Soomaaliya nalalka gawaarida kala haga ma lahaanjirtey, basket ball malahayd, iwm". Dabcan Soomaaliya waxay ahaan jirtey dal iyo dad jira oo xadaarad dheer lahaan jirey sida dhawr qof oo madasha ka hadlay ay cadeeyeen.

Mar uu Siciid Saalax la hadlayey Soomaalida maanta waxa uu yiri "Kuwa hadda (soomaalida maanta) waa in ay u arkaan in umdu iswada lahayd oo is jeclayd." Su'aal ahaan asagoo u weydiinaya madasha waxa uu yiri "Dhulka lakala sheeganyo yaa leh?. Su'aashaas asagoo ka jawaabaya Siciid waxa uu yiri eeg juqraafiga Soomaaliya, eeg Bari ilaa woqooyi ilaa koonfur, eeg hawdka, deexda, aroorka, dooxada, baliga, qarka, iyo..... webiga. yaa leh? waxaa leh ayuu yiri "NABADDA", nabada ayaa leh ayuuna ku adkeeyey. Nabada macaankeeda ayuuna aad ugu xeel dheeraaday, asagoo xusay in nabadu ay tahay tan qofku meeshii uu doono degayo oo ka furano (dukaan) iwm, ku dhaqanayo reerkiisa, ku macaashayo, ku baraarayo...... waa NABADDA.

Da'yartoy yaan la idin khaldin ayuu Siciid Saalax kusoo xiray hadalkiisa, asagoo ku lingaxaya "Da'yartow yaan la idin marin habaabin, waa lawada lahaan jirey dalkaan, nabada ayaadna halkaad doontid ugu noolaankartaa." 

Xaqiiqadii hadaladii Siciid Saalax habeenkaas halkaas kasoo jeediyey oo ahaa murti lasoo miiray oo kasoo maaxanaysey hal-abuur Soomaaliyeed halkan laguma soo koobikaro, bahda SomaliTalk.com oo isku deyey inay soo koobaana waxaa u soo baxay in ay boggag badan buuxinayaan hadaladii qotada fogaa ee Siciid.

SOMALITALK.COM kala soco Qaybta Saddexaad insha Allah.....

 SomaliTalk.com kala soco Qayta saddexaad ee shirka ardayda oo ay ka hadleen: C/Risaaq Bille (isku xirnaanta Soomaalida), Safiya Yaasiin (oo u mahad naqaysa ganacsiyadii Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay fulinta shirka) iyo Professor Samatar oo soo gabagabeeyey shirka shahaadooyin sharafyadii la bixiyeyna guddoon siiyey arday Soomaaliyeed. 

 Qaybtii 1aad ee Qoraalka ka akhri halkan --- GUJI

I  I  D  H  E  H

Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Cali (SomaliTalk Editor-in-chief)
Email: webmaster@somalitalk.com 

Xuquuqda Qoraalkan waxaa leh SomaliTalk, lama daabacan karo ayadoo aan ogolaansho laga haysan qoraaga.

Minneapolis, MN, USA | SOMALITALK.COM

December 30, 2002

Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Minnesota
 waxaa Minneapolis lagu qabtay shir ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Ardada Somaliyeed ee Minnesota, kaas oo... GUJI 29/12

Habeenkii Showrka Soomaalida Minnesota
waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12

QORAALKII HORE EE ARDAYDA SOOMAALIYEED EE JAAMACADAHA MINNESOTA 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]