SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MUQDISHO
MUQDISHO SIDA LA MOODAYO MA AHA, MANA BED QABTO

imdeeq@hotmail.com

 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Muqdisho, Somalia

February 16, 2003

 

Magaalada Muqdisho oo ay iigu dambaysey maalintii 3aad ee uu dagaalka sokeeye ka qarxay ayaan shalay barqadii ku soo laabtay iyadoo ay I weheliyeen suxufiyiin shisheeya ah oo u kala dhashay wadamada Poland, Talyaniga iyo Ruushka. Socdaalkayaguna wuxuu ku saabsanaa barnaamij hor dhac ah oo aannu damacsanahay inaanu mustaqbalka dhamaan geyiga Soomaliyeed socdaal ku marro.

Markii aannu cagaha soo dhignay garoonka ammaanka badan ee Dayniile ayaan durba ku diirsaday falaadhaha cad-ceedda diirran iyo saxada dhulka hooyo oo ay maankayga iyo muuqaalkayguba muddo moogaayeen, una basaaseen. Waxaan macaansaday neecaw uu udugeedu I deeqay oo soo dul martay xeebta Soomaaliyeed ee il-qabadka leh, taas oo aan xiisaheeda iyo kalgacalkeeda u dareemayey si in badan ka duwan sida ay saaxiibadayda ila socday u arkayeen.

Haddii aan in badan dhex maaxi jirey dad aan ila sinjiyad ahayn oo Sawaaxili iyo masuunguba leh iminka waanigaas sii dhex jibaaxaya boqolaal walaalo Soomaaliyeed oo aanan marnaba kala didaynin. Af shisheeye oo lagu wada hadlayaa haddii uu dhegahayga in badan weerar joogto ah ku hayey iminka waanigaas dhex taagan meel aan jabaqdii yeedhaba ujeedadeeda iyo macneheeda si fog u fahmayo.
 BILICDA SOOMAALIYA OO NABAD AH
Eeg Sawiro Bilicsan oo Muqdisho - Waagii Hore

Hadal badan dan baa dhaantee magaalada Muqdisho markii aan soo galayba waxaan bilabay inaan booqdo dhinac kasta oo ka mid ah magaladan quruxda iyo qiimaha badan balse uu dadkeedii Soomaliyeed fadhataystay ama madfac aan Gacal lagu ridin meelo aan gacal deyin kala beegsaday. Ugu horaynba waxaan wajahay Xamar weyne oo ah meelaha ugu daran ee ay masiibadu haleeshay. Waxaan daawaday Al-Curuuba, Bangigii Ganacsiga, Bangigii dhexe iyo wixii la hal maala oo aad moodid inay ciidamada Soomaalida neceb ee Itoobiya si axmaqnima ah u bur-buriyeen. Marka aan halkaa marayno waxaa na daba socday baabuur Baroon la yidhaahdo oo ay hareeraha maleeshiyo hubaysani ka raaracaan. Gaaladii ila socotay oo sidii Riyo man loo dhigay ku qamaamaya inay sawiro ka qaataan dhismayaasha ayaanka daran ee ay dadkii lahaa dhulka la simeen ayeey qaar maleeshiyada ka mid ahi ila socodsiiyeen inaanu ku jirro sakal khatar ah maadaama aanu ku gudo jirro lama galaay aan maleeshiyo duur gal ah mooyee cid kale cagaha dhigin. Markii aan saaxiibaday arrintaas u sheegay kumay farxin waayo waxaa u muuqatay lacagta adag ee ay heli doonaan sawirada ay ka qaadaan faras magaalihii hore ee Muqdisho oo iminka gorof u eg.

Qofkii Soomaaliya ee indho gacal goobtaas aan soo sheegay ku dhugta dareenkiisu wuu is bedelayaa, waxaana tin iyo cidhib xulaysa wel wel iyo walaac uu ku lafa gurayo talaabada taas xigta ee ka iman karta dadkiisa ficiladaas ku kacay.

Ilaa shalay waxaan ku wareegayey Koonfurta magalada Muqdisho, waxaa ka muuqda deganaan aad u saraysa, dadku badiba waxay ku hawlan yihiin shaqooyinkooda gaar ahaaneed, dhismayaashuna badiba way nabad qabaan marka laga reebo xarumihii ciidamada oo ay fool xumo iyo fagasho badani ka muuqdaan. Dadka hubaysan ee aan ilaa shalay arkay waxay ahaayeen kuwa hubkooda ku haya shaqo ee aan u wadan inay cid ku waxyeeleeyaan. Qoryahaan arkay waa kuwa ganacsi lagu waardiyeeynayo, kuwo baabuur lagu ilaalinayo iyo kuwo nin madax ah ama nin ganacsade ah nabad gelyadiisa ku foogan. Waana dhif iyo nadir inaad koonfurta Muqdisho ku aragto cid qori ku laafyoonaysa. Shalay galab markii aan koonfurta Muqdisho dhex dawaafayey waxay igu kaliftay inaan darawalkii gaadhiga weeydiiyo inuu I tuso cid si madax banan u hubaysan. Xaafadaha qaarkood sida Hawl wadaag iyo Hodan waxay u muuqdaan sidii ay waayo waayo ahaan jireen, nabad gelyada aagaasina aad ayuu u sareeyaa. Nin aan xaaladda magaalada Muqdisho wax ka weeydiiyey ayaana ii sheegay inay nabad gelyada magaaladu fiican tahay lakiin haddii uu dagaal dhaco ay markiiba si lama filaan ah xaaladdu u xumaan karto, waayo buu yidhi haddii ay laba maleeshiyo rasaas isku furaan iyagana khasaare ayaa soo gaadhaya shacbkana dhibaato lixaad leh ayaa haleelaysa.

Halkan in kastoo uu af duub ka jiro haddana af duubku iskama yimaaddo ee wuxuu ku yimaaddaa qaab si cilmiyaysan looga baaraan degey, sida cilmi baadhis lagu sameeyey qofka la af duubayaa midka uu yahay waxa uu haysto IWM. Laakiin haddii aad buur ku tiirsan tahay way adag tahay sida laguugu soo deg degaa, masalan maalintii oo dhan waanu shaqaynaa waxaana nala socda ilaalo naloo ratibay oo aad u dhiifoon. Hotel Saxafi oo ah hooy aad u qurux badan oo mudan in ay dadka safrayaa ku soo noq noqdaan ayaan ninka iska leh weeydiiyey sababta uu maleeshiyada badan noogu daray maadaama aan arkay inay magaaladu aad u xasiloon tahay, wuxuuna ii sheegay in haddii martidiisa la wax yeelleeyo uu cabsi ka qabo inay sumcadda hoteelkiisu lunto.

Dhinaca siyaasadda ayaa ah dhibaatada keliya ee magaalada Muqdisho mushkiladda ku noqotay waayo dhamaan dadku halkan waa walaalo marka ay wada shaqaysanayaan, sida ay isu dhex maryaan, kaftanka ay is dhaafsanayaan iyo sida ay isu xushmaynayaan laakiin waxay kala qabaan figrado aad isu diiddan oo si weyn u kala qoqobay. Markii aan shalay magaalada dhex marayey waxaan garowsaday hadal uu nin Soomaliyeed igu yidhi oo ahaa: “magaaladu wax kale ma qabtee dawlad uun baa ka maqan”. Waxaan qabaa haddii khilaafka siyaasadeed meesha laga saaro inay xamar noqon lahayd halka Soomaaliya ugu nabad gelyada badan waayo hadda oo ay aad u jaah wareersan tahay oo ay dad badan oo aad u kala duwani ku nool yihiin ayaad ku arkaysaa dad afarta jaho ka kala yimid oo Soomaali iyo shisheeyaba leh oo si nabad ah u soo galay ugana tegaya.

Intii aanan Muqdisho booqan waxaan ka haystay figrad gebi ahaanba beenowdey oo ku soo aroori jirtey weligaa ha tegin, laakiin hadda markaan imid waxaa aad iigu yaraatay 3 beri oo ku talo galkaygu ahaa inaan ka shaqeeyo. Waxaan Xamar ku ogaaday in figradaha xun xun ee Muqdisho laga fidiyey ay ka qayb qaateen maleeshiyooyinka hubka ku ugaadha ee haddii uu dhibku dhamaado moodaya inaan loo baahnaan doonin oo cidda ay markaa ilaalinayaan ama la shaqaynayaan xaalad xun oo been abuur ah u muujiya. Tan oo kale annaga ayeey shalay na qabsatay meel aysan waxba jirin ayeey kuwii na ilaalinayey noo sheegeen inay ciidamo wax diirtaa ku jiraan, laakiin markuu abwaan hab dhaqankooda yaqaan hubiyey warkaasi wax jira ma noqon. Wiil hubaysan oo qori Aaka ah degta ku sita oo ilaaladayada ka mid ah ayaan weeydiiyey inta sano ee uu qorigaas sitey wuxuuna ii sheegay inuu 12 sano guudka ku sitey, markaan ogaaday da’diisana waxaan fahmay inuu 12 jir qoriga ku qaatay. Waxaan wiilkaas weeydiiyey sababta uu qoriga u sito wuxuuna ii sheegay inuu wixii ka soo gala quuto.

Dhinacyo si xille u dumay Muqdisho guryaheeda ha ku jireene waxaa iyana jira dhismayaal qurux badan oo xiligan dagaalka Muqdisho ku soo kordhay. Waddooyinkuna in kastoo ay bur bureen haddana waxaa jira kuwa badan oo bed qaba. Tirada dadka magaalada ku nooli ma aha dad aad u tiro badan, waxaadna yaqiinsanaysaa odhaahdii Ruushaka ee ahayd: “meeshii uu Kalaashoov ku soo bato dadka ku yaraada” Waxaan warbixintaydan aan deg dega ku qoray ku soo af jarayaa ereyga aan ciwaanka uga dhigay ee Muqdisho sida la moodayo ma aha mana bed qabto.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Muqdisho, Somalia
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

.... WARARKII KALE EE DECEMBER -GUJI

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  



HTML CD