SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
EAST SOMALILAND FORUM.

SIILAANYO WUXUU XASUUQAY IN KA BADAN 1500 OO DHULBAHANTE AH.

wq. Axmed Maxamed Aadan ( Qudhac )

Waxaan raacsanahay hadalkii Gudoomiyaha Ururka Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo uu kaga hadlay khayriyada Hargeysa 20.02.2003 ee laga siidaayey idaacada BBC uu ku sheegay inaan la cafiyin cidii ka qaybqaatay xasuuq, islamarkaana aan xil dambe loo dhiiban, xasuuq waa wax xun, cid ka qaybqaadatayna waa dambiile wayn, waana ka soo horjeednaa.cidii loo geystayna ALLA HA U NAXARIISTO.
  [qoraalka oo dhanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Laakiin Siilaanyo oo u sharaxan jagada Madaxweynaha wuxuu ilaaway in Beesha dhulbahante u haysato inuu dilay dad ka badan 1500 oo shacab ah mudadii uu ahaa gudoomiyaha SNM 1984-1990. isagoo soo abaabuli jiray weeraradii iyo ciidankii laayey dadkaas shacabka ahaa.Beesha Dhulbahante waxay xasuuqaas kaga samirtay heshiiskii nabadgelyo ee beeluhu wada galeen.

Mudadii yarayd ee Daahir Riyaale hayey talada Somaliland Waxaa soo baxay xasuuq aan hore loo hadalhayn jirin intii Somaliland soo jirtay, taa macnaheedu waa waxaa loola jeedo Daahir Riyaale oo ka soo jeeda Beelaha aan Isaaqa ahayn, sidii uu Muusa Biixi oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan ku dhawaaqay.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan;

Qofkii aan Isaaq ahayni ee Somaliland xil ka qabtaa ma Faqashtii dadka xasuuqaysaybaa, mase lagu eedaynayaa xitaa haddii aanu waxba geysan?

Siilaanyo weeraradii uu masuulka ka ahaa dadkii lagu laayey ma farajiinbaa oo tirada dadka la xasuuqay ma gelayaan?

Miyuu Siilaanyo ilaaway dadkii masuuliyadiisa ku dhintay mise wuxuu u haystaa in wixii aan Beeshiisa ahayni dhiigoodu xalaalyahay?

Dadka la leeyahay dadbay xasuuqeen oo waa la garanayaa ee waxaa lala sugayaa waqtigeeda maxaa looga jeedaa oo loo cadayn waayey, miyaanayse iyagu garanayn in iyaga loo jeedo ee laysku meelgaadhayo jaanis aargoosina lala sugayo?

Maxaa dadka la xasuuqay sheekadiisa intii Ina Cigaal noolaa loo bilaabi waayey oo Daahir Riyaale loola sugayey?

Ma wada suurtoobaysaa in wax la noqdo iyo in la aargoosto?

Ugu dambayn waxaan Siilaanyo u sheegayaa in hadii uu ka faa,iidaysan waayo heshiiskii nabadgelyo iyo is cafis ee Beeluhu wadagaleen 1991 la soo saari doono wixii uu geystay, dembi uu isagu Beelaha qaarkood ka galayna aanu dadka kale ku eedayn, sidoo kale waxaan Shacabka u sheegayaa in Beel waliba dad ka tirsan u haysato geesiyaal, kuwo Beelaha kale ka tirsana ay u taqaan gacanku dhiigleyaal, cid yeelaysaa kaygii xaqbuu ku dhintay kaagiina xaqdaro buu ku dhintay ma jirto.Haddii Siilaanyo hadalkiisa bedeli waayo waxaa soo noqondoona wixii beelaha derisyada ahi iska ilaaween oo isaga samreen.

I  I  D  H  E  H

Gudoomiyaha East Somaliland Forum.

Axmed Maxamed Aadan ( Qudhac ).

dar_woq@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD