SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - CANADA
WAANO KUWAJAHAN WALAALAHA RABA IN RABBIGOOD RAALLI KANOQDO.

Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.  
Alhudaa1@yahoo.ca

Feb 23, 2003

Walaalayaal inta aynaan gelin faallada kusaabsan raadinta raalli ahaanshaha rabbi, bal aan waxyar isweeydiino: Maxaa bini'aadamka sidiisa uroon?.

Su'aashaan jawaabteedu waxaa weeye, bini'aadamka waxaa u roon in amuurihiisa Ilaahay u sahlo adduunka inta uu joogo, aakhirana uu cadaabkiisa ka xoreeyo. Sida xaqiiqdu tahayna, labadaan arrimood waxaa heli kara axadkii raaca Rasuulkiisa Muxammad ah(NNKH), adeecana Ilaahiisa abuurtay ee nicmooyinka tirada badan siiyey.
  [qoraalka oo dhanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Haddaba walaalahayga Muslimiinta ah, marna Soomaalida ah rag iyo dumarba, gaar ahaan kuwooda qurbaha kunool, ama kafog waddankoodii hooyo, waxaan naftayda iyo toodaba kula talin lahaa arrimahaan soo socda, anigoo Ilaahay kaashanaya, islamarkaasna rajaynaya in Eebahay waanadaan aniga iyo iyagaba ku anfaco.

~ Marka hore waxaan kula talinayaa walaalahay, inay diintooda Islaamka xagsadaan, oo aad ugu dhagaan maadaama diintu tahay raasamaalka ugu fiican ee qofku heli karo, ogoow diintaadu waxa ay kufaraysaa waa wax adiga mar walba faa'iido kuuleh adduun iyo aakhiraba, islamarkaasna uroon caafimaadkaaga, carruurtaada iyo mustaqbalkaagaba, sidoo kale waxaad islamarkaas helaysaa in Ilaahay raalli kaanoqdo.

ALLAH SI'UU INOO JECLAADO WA INEYNU IS JECLAANAA
Shiik Xasan
LONDON, ONTARIO CANADA - Sida aynu ognahay diinta islaamku markii ay soo degtey waxa jasiirada carabta kajirey labo dulmi oo aad u waaweyn, kuwaas oo kala ahaa ...
Akhri qoraalka oo dhamaystiran...

~ Waa marka labaade, waa inay Ilaahay mar walba kabaryaan inuu ku hagaajiyo tubta teeda toosan, xaqana uu kusugo. Hooyadii Mu'miniinta Caa'isho waxay Nabiga(NNKH) kawerisay in uu Ilaahay marwalba baryi jiray isagoo leh: ILAAHAYOOW ADAA QULUUBTA GADGEDDIYEE, KU SUG QALBIGAYGA DIINTAADA", waxyna Caa'isho tiri oo xaaskii nabiga ahayd: "Ducadaasi waxay ahayd ducada ugu badan ee rasuulku Ilaahiis kubaryi jiray.

~ Sidoo kale, walaaluhu ha isku dayeen quudashada maal xalaal ah, iyo shaqaynata meelo diintu ogoshahay. maxaa yeelay waxaa kuxiran aqbalka ducada, sidoo kale waxay kuu sahashaa in adiga iyo reerkaaguba aad toosnaataan. Nin saxaabi ah ayaa u yimid rasuulka(NNKH), markaasuu wuxuu kuyiri: Rasuulkii Alloow ii bari Ilaahay inuu iga dhigo mid ducadiisa la aqbalo, markaasaa rasuulku ugu jawaabay " Cuntadaada xalaal kadhig, markaas waxaad noqonaysaa mid ducadiisa la aqbalee". Sidaas darteed ogoow ducada aqbalkeedu wuxuu kuxiran yahay xalaasha oo laquuto.

~ Walaalayaal waxaa kaloo lagama maarmaan ah, in aan xaasaskeena iyo Caruurteenna u horseedno akhlaaqda iyo dhaqanka Islaamiga ah, anagoo marka koowaad u noqonayna iyaga kudayasho wanaagsan haddaan raggii nahay, waxaana haboon in ay guryaheenu arkaan sida aan xaqa ugu taagan-nahay, maarkaan saas yeelno, way inoo-fududaanaysaa in guryaheenu naga aqbalaan waanooyinka aan siinayno, amase ayba nagu daydaan, haddii kale waxaa nagu sifoobaysa maahmaahdii carbeed ee ahayd: FAAQIDU SHAY'I LAA YUCDIIHI(qofkii aan isaguba haysan wax ma bixiyo). Ogoow haddaadan adigu xaqa kutoosnayn way adagtahay in reerkaagu tooso.

~ Waxaan kaloo jeclaan lahaa in carruurta lagula dadaalo geeynta iskuulada muslimiintu fureen, anigoo og inay qaali yihiin, haddana Soomaalidu waxay kumaahmaahdaa LABA DARAN MID DOORO, kee dooranaa DABKA adduun oo lacag la'aanta ah, iyo DABKA AAKHIRO oo naarta ah. Waxaan kula talinayaa walaalaha muslimiinta ah inaysan dhayalsan inay carruurta geeyaan Iskuulada Islaamiga ah, maxaa yeelay, waa meeshii aan kubadbaadin lahayn kuna bari lahayn Ilaahay iyo rasuulkiisa iyo baarinimada waalidka. Fadlan kudar Iskuulkaas carruurta intii aad awoodid, xataa hal cunugna Allaha ka dhigee.

WAXBARASHADA CARRUURTA
"Dadka Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariid Quraanka ah, Cabdul Fattax Shariif Moxamed, sidaas darteed nin walba wuxuu soo watay wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo, deedna ay ugu daydaan." Guji...
C/siis C/lahi Adam oo bishii December 2000 kuguulaystay kaalinta Koowaad ee tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay 250,000Dhs oo u dhiganta $68,000
Akhri halkan
Flip to any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite it for you.
DETROIT FREE PRESS
December 9, 1999.
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay dadalka Galbeedka Guji...
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha? Guji...
Carruurta Soomaalida Denmark Guji...
Carruurta Soomaalida London, canada Guji...

~ Aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed waa inay carruurta ku barbaariyaan isticmaalka kalmadaha Islaamiga ah, kalana dagaalaan carruurta in maskaxdoodu qabato kalmadaha diinta udaran oo laga isticmaalo waddamada qurbaha ah, kalmadahaas oo carruurtu kala kulmi karaan dariiqyada iyo Taleefishinada. Waxaa lagama maarmaan ah in cunugga labuuxiyo waqtigiisa, laguna buuxiyo barasho diimeed, mid cilmi, sheeko waalid oo waano ah, hana lasiiyo waqti uu ku ciyaaro ilmuhu si xalaal ah oo waafaqsan sharciga Islaamka, iyadoo aan lagu dhexdarayn saaxiibo xunxun. Waqtiga ilmaha oo wanaag lagu buuxiyaa waxay keenaysaa in aan ilmuhu waqti uhelin inuu kudayaco waqtigiisa waxyaalo xunxun ama uu barto hadallo aan fiicnayn.

~ Waa in ay Waalidiintu daa'imaan booqashada masaajidka iyo naadiyada Islaamiga ah, ee lagu dhiso iimaanka. Tani waxay kusaacidaysaa reerkaas inay cusboonaysiiyaan Islaanimadooda mar walba, lana kulmaan dad ayagoo kale ah ama kafiican oo ay kudaydaan, Islamarkaasna masaajidada iyo maraakistaas islaamiga ahi waxay dhaxalsiin doonaanaan reerkaas inuu kala tago meeshaas saad xaga iimaanka iyo dhawrsanaanta ah oo uu kunoolaado asbuucyada soo socda Haddii Alle idmo.

~ Dhagaysiga cajaladaha diiniga ah iyo kuwa qur'aanku waxay qayb weeyn kaqaataan in qofku helo iimaan xusuusiya Ilaahay iyo daarta qiyaame, isla markaasna ku guubaabiya in uu raaco jidka toosan ee uu Ilaahay noojeexay. Sidoo kale waxaa haboon in reerka ama qofka kaligiis ihi uu yeesho cashar diini ah oo joogta ah oo uu qaato, haba ahaado asbuucii hal mar eh, sidoo kale, walaalaha waxaan ka codsan lahaa inay wixii ay faa'iidaystaan oo duruus ah ay noloshooda kudaraan oo ay kudhaqmaan.

~ Ugu dambayntii waxaan kuwaaninayaa qofkii aan weli guursan inuu ku xusho qofka uu guursanayo diintiisa iyo akhlaaqdiisa(labadoodoo wada socda), waana sidii uu rasuulkuba(NNKH) noo dardaarmay. Taasi laba faa'iido ayay leedahay: Waamide, waxay faa'iido uleedahay qofka guursanaya, oo qofkii uu diin iyo akhlaaq kudoortay waxaa dhacaysa inuu Ilaahay dartiis uga baqo oo uusan dulmiyin. Waamarka labaade, faa'iidadeeda kale waxaa weeye markii labadaas sifo laysku doorto, waxaa halkaas kasoo baxaya mujtamac Islaami ah oo caafimaad qaba oo kafog waxyaalaha burburinaya diinteenna Macaan.

ILAAHAY WAXAAN KA BARYAYNAA INUU KHAYRKA NAWAFAJIYO.

I  I  D  H  E  H

 Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.  
Alhudaa1@yahoo.ca
 

<><><>

HA NOQON MUSQUSHA SHEYDAANKA
wq. Osman Billad | osmanbilad@hotmail.com 

 Asalaamu aleykum, Walaashey iyo Walaalkey muslimka ahow! HA NOQON MUSQUSHA SHEYDAANKA

Masaajid ku yaala France, wadaad tujinaayey jameecada salaada fajar, markuu salaadii fajar ka baxey ayuu dhinacooda u soo jaleecay, saa xoogaa maxaadaro ah ayuu u jeediyey dadkii ka soo qeyb galey jameecada. Wuxuu maxaadareeyaba waxaa wadaadkii markii danbe ka imaatey ilmo indhihiisa, isagoo erayadaan ku dhawaaqey: ?Dadkii muslimiinta ahaa waxey noqdeen musqusha sheydaanka.? Saa qof dadkii meesha fadhiyey ka mid ahaa ayaa wadaadkii ka codsadey inuu xoogaa u fasiro wuxuu hadalkaa ula jeedo? Markaas ayuu wadaadkii wuxuu sheegey xadiis Bukhari wariyey, oo xadiiska macnahiisu ahaa: In Rasuulka SCW waxaa la weydiiyey ama looga waramey nin hurdey ilaa ay qoraxda ka soo baxdo {yacni aan salaad subax u kacin, oo jameecada la tukan}, saa Rasuulka SCW wuxuu yiri: ?Ninkaasi waa nin uu sheydaan labadiisha dhagood uga kaadiyey.?

Marka ogow walaalkey muslimka ahow! In haddii aadan salaad subax aadan tukan waqtigeedii ama adigoo awooda inaa muslimiinta la tukatid jameeco inaa gurigaada ku tugatid, marka miyaada hadalkaas kugu socon?

Marka walaale isku dey inaa salaadaha jameeco ku tukatid, oo aad muslimiinta la tukatid markey tukanaayaan, qaasaten salaada subax si gaar ah u ilaali. 

WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD