SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - JWXO

  WARSAAXAAFADEED
(Dagaalada Salaxaad)

JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGAADEENYA (JWXO)

5,Jan. 2003

Sida ay Taariikhdu sugayso, Shucuubta Gobolka Geeska Afrika oo dhamina maraga ka yihiin Cadawga kaliya ee Shacbiga Soomaalida Ogadeenya gaar ahaan iyo Ummada Soomaaliyeed guud ahaanba ay leedahay waa Gumeysiga Itoobiya, kaas oo tab walba u adeegsaday sidii uu ugu geysan lahaa Xasuuqa, Cadaadin iyo Duleynta Shacbiga Soomaalida Ogadeniya ee uu Gumeysito.Xeeladaha Guracan ee Adoonsiga Itoobiya kula dhaqmo Shacbiga Ogadeniya waxaa ka mid ah Dhagarta Duqowday ee Qaybi oo Xukun si Cududa iyo Awooda wax iska Caabinta Shacbigu u diciifto dabeedna uu uga nasto Dhurbaaxooyinka Gobanimodoonka.

Taliska TPLF/EPRDFta ee dambiilaha ahi wuxuu 10kii Sano ee u dambeysey kordhiyey Shirqoolada isku Dirka iyo kala Dilka Shacbiga Soomaalida Ogadeniya ee walaalaha ah iyo Siyaasadihiisa ku dhisan Hurinta Aanooyinka dadka Walaalaha ah ee uu Gumeysto iyo kuwa dariska la ahba, sida Oramada Dheexdeeda,Soomalida Ogaadeenya iyo Jamhuuriyada soomaaliyeed.

Jilaafooyinka Taliska Adis-Ababa u dhigey Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya waxaa ugu dambeeyey Degaalka Sokeeye ee ka socda Degmada Selaxaad ee Gobolka Nogbeed oo keenay dhimasho badan iyo hanti badan oo ka Xoreyn kartay Gumeysiga asaagood ka reebay Dhulkooda.

Haddaba JWXO iyada oo ka xun dhiiga bilaashka ku daadanaya iyo isdilka dadka walaalaha ah, ayey ugu baaqeysaa dhammaan madax Dhaqameedyada,Culumada diinta,aqoonyahanada iyo indheer-garadka Beelaha Walaalaha ah ee Degaalada Sokeeye Dhex Mareen, inay si degdeg ah u joogiyaan Dagaalka Micna la,áanta ah ee khasaaraha Mood iyo Noolba leh keenay, ayna Qadiyaan Haada iyo Hororka Ardis-Ababa u fadhiyay BaabiŽintooda.Iyada oo Ciidanka,Hubka iyo Hantida Shacbiga Ogadeenya ay haboon tahay in lagu Wajaho Gumeysiga Itoobiya oo kaliya, si cimriga Gumeysiga loo soo gaabiyo.

JWXO,waxay ugu danbayntii labada dhinac ee ku Degaalamaya Selaxaad ugu baaqaysaa in ay si dhakhso leh u joojiyaan Xabada, sidii dhaqanka iyo Caadada u ahaan jirtayna ay arimaha ay isku hayaan ku Xaliyaan Wada Hadal.Shacbiga Ogaadeenya Wuu Guulaysan,Gumeysiga Itoobiyana Wuu Jabi.

Midnimo Mintid Isku-Tashi Guul

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO)
Hogaanka Warfaafinta
 infobureau@onlf.org  

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh JXWO

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD