SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DOXA
   “Aabahey wuxuu dhaar kumarey inaanan guursan”

Inkabadan 10sano ayaan laliitey culeyska labada waalid ee da’ada ah! Labadoodaba midna masoconkaro. Midkiiba wuxuu ubaahanyahey daryeel daawo, nafsiyan iyo fisitarbia intaba. Labadaba waxaay kor udhaafeen 70kii.! Sidoo kale baahiyo kala duwan ayuu leeyahey midkastaba iyo waqtiyo kala duwan oo loo adeego! Midkastana aniga ayuu isugayaa oo majiro qofkale oo igu caawinaya howshooda.  (qoraalka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

       

Walaalaheey guriga ayey soo maraan salaan ahaan. Waxyar kadibna qof waliba dantiisa ugaarka ah ayuu raacdaa.

aabahay wuxuu dhaar kumarey inaanan guursan! Waxaan kudhawahey 40kii sano, iimana muuqato rajo guur da’ada aan marayo awgeed!

Waxaan unoolahey labadan waalid ee gaboobey oo maalmaha uhareyba ay iska yaryihiin.

Waxaay dhibaato dheeraad iga heysataa wiilka noogu weyn oo caasi kunoqdey labada waalid! Goorta uu dareemey xaalada caafimaad ee labada waalid,ayuu bilaabey inuu su’aalo kakeena meesha ay taalo lacagta iyo wixii hanti ah ee kale. Wuxuu iigu xanaaqsanyahey sida aan umaamulaya guriga anigoon isaga soo ogeysiin! Wuxuu iigu hanjabey inuu maxkamad ila tagidoona marka ay waalidka dhintaan!

Maxaad umaleyneysaa haddii uu wiil walaashiis kusameynayo sidaas! Xitaa qadarin mayo noolasheydii iyo shabaabnimadeydii aan kusoo baabi’iyey u’adeega waalidkiis! Sidoo kale waxba kama soo qaadayo inta ay la’egtahey dhibaatada aan kujira habeyn iyo maalin! Salaada Subax ayaa laygu adimaa anigoo kumashquulsan kan quudi & kaa daawo sii!

Dhibaato kalana waxa weeya anagoon aheyn dad hanti leh markeedii horaba! Aabahey wuxuu ahaa caamil shaqo hoose kashaqeeya. Waxaan guriga aan daganahey ka aheyn noogamatagin.

Ilaahbaan kugu dhaarshe, sow ma ayaan badana haweeney agsaaxatey habeyn qura nin jecel ayadoo waliba dhabta kuheysato cunug (ilmo) ay lasheekeysato!

Sow igama ayaan badna haweeneyda heysato nin ay lasheekeysato oo jecel oo waliba lakaashato culeyska noolasha dunidan!

Anigoo noolashaas qeymaha badani kaqadey ayuu walaalkeyna halkaan lasoo taaganyahey 100 ama 200 riyaal oo aan waalidkiis kuquudiyey!

Allah umbaan usheeganaya dhibka iyo noolasha adag ee aan kujiro. Isagana wuxuu kuraaxeysanaya wiilkiisa wiilka uu dhaley meesha aan aniga kudul dhintey waalidkiis!

Walaalaha qaarba kadaran waraabaha duurka kugu cuno.

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com 

I  I  D  H  E  H

January 15, 2003 

FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka faraha badan! GUJI.. 2/1/3  

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD