SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
Daandaansiga amxaarada & dareenka reer buuhoodle

in badan ayaa la saadaalinayay sirta qarsoon ee dawlada itoobiya ka leedahay soomaaliya & sida ay u damacsan tahay inay khariidada caalamka ka saarto dalkii loo yaqaanay soomaaliya .

1996 ayay ahayd markii dawlada itoobiya ay ku qaaday weerar qayaxan gobolada gedo iyadoo marmarsiinyo ka dhigatay inay ku raad joogto kooxo ay ugu yeedhay mitidiinta mayalka adag ,waxayse markiiba u talaabeen gobolada bay iyo bakool ,taasi oo amakaag ku noqotay kuwo badan oo markii hore u durbaan tumayay ,waxayna ciidamada xabashidu bilaabeen dil, dhac oo ay waliba u dheertahay siyaasdoodii ku dhisnayd QAYBI OO XUKUN .

[warka oo dhan hoos ka akhriHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

mid ka mida nimankee gadh wadeenka u ahaa ayaa ka codsaday inay ciidamadooda la baxaan balse waxay ugu jawaabeen MEESHA DHIIGAYAGII BAA KU DAATAY MANA LAABANAYNO ILAA AAN DHAMAYSTIRNO HAWLGALKAYAGA .

waxaanu shacabka soomaaliyeed marnaba hilmaami Karin sidii naxariis darada ahayd ee ay u dhaqmeen ciidamadii amxaaradu & falalkii foosha xumee ee ay gaysteen.

Itoobiya waxaa u suuro gashay ujeedooyin badan oo ay ka lahayeen gobolo badan oo soomaaliya ka mida ,hadana waxay u tafaxaydatay inay milicsato meelo kale ,dadka ku dhaqan dagmada buuhoodle ayaa ku waabariistay sawaxanka baabuurta & odhaahyo ayna horay u maqlin oo ka mid tahay mindhinaw, tamalas, danaanash etc.

Muda yar ka dib waxay xaqiiqsadeen in ay yihiin ciidamadii amxaarada oo deegaan rasmi ah ka samaysanaya duleedka magaalada ,waxayna teendhooyinkooda dhinaca ugu qabteen xaafadii loo aqoon jiray SUUQA DHAQAALAHA.

Arinkaas wuxuu walaac badan galiyay shacabkii reer buuhoodle ,waxaase kaga naxdin badnaa markii maalmo ka dib lagu soo kor furay xaasaskii & caruurtii ciidamada .

Dad badan oo ka mida waxgaradka magaalada ayaa is waydiinaya tallow maxaa xigi.

Balse waxaa itoobiyaanka ka dahsoon in meeshu tahay goobtii uu ka kacay halgankii dulmi diidka ahaa ee daraawiishta, halgankaas oo uu hogaaminayay ilaahay ha u naxariistee sayid max,d cabdule xasan ,halgankaas oo socday mudo aad u dheer .

Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaa geelow daaqday oo daaqdaye markaasad ciin daaqdaa laguu yabaa .

Qore :darwiish 
darwiish99@yahoo.com
  

Jan 24, 2003

I  I  D  H  E  H

 FILIN ATOORIHIISU MAGICIISA KUJILAAYA " ALLAAH"
waa filim ku jeesjeesaya magaca Allah, sida ay uga jawaabeen Muslimiinta jarmarku... KA AKHRI HALKAN.  [XagarYare] 18/1

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD