SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

wasaaradda arimaha dibadda kenya oo beenisay warar lafaafiyay
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Jan 24, 2003

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

Maanta oo Jimca ah

mas'uul sare oo ka tirsan qaybta warfaafinta ee wasaaradda arimaha dibadda ayaa beeniyay warar sheegaya in dib loo dhigi doono shirka nabadaynta soomaaliyeed isagoo iigu waramayay khadka taleefanka.

waxaa intaasi uu ku daray in ay tahay hadal ay soomaalida dhexdeeda isla dhexmarayaan shirkana lasii wadayo si nabad looga dhaliyo soomaaliya oo gobolka uu unoqdo mid iskaashi soomaaliya lasameeya.
[warka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive



marar fara badan ayaa waxaa dhacda in warar xigashadooda aan la hubin lagu faafiyo shacbiga soomaaliyeed ee dhibaataysan oo u baahan in mar walba aan lagaarsiin warkan oo kale kaasi oo aan kasoo yeerin wasiiradda arimaha dibadda kenya ayuu mas'uulkaasi ku daray oo magaciisa qariyay.

mas'uulkaasi waxaa uu sheegay in dawladda kenya aysan haatan qorsheheeda ku jirin in dib u dhac lagu sameeyo shirka oo arbacadii markale dib loo furay iyadoo ay ka qayb galeen wasiirka arimaha dibadda ee kenya Kalonzo Musyoka iyo ergayga cusub ee loo xilsaaray arimaha soomaaliya Bethwel Kiblagat oo haatan kulamo gooni gooni ah la leh ergooyinka iyo maamulka shirka.

warku waxaa intaasi uu ku darayaa in wasiirka arimaha dibadda uu dhowaan dalka itoobiya kula soo shiri doono wasiirka arimaha dibadda itoobiya iyo midka sudaan isagoo kala soo hadlaya sidii shirka loo saari lahaa cadaadis nabad lagaga dhaliyo ergooyinka ku shiraya kenya.

Ridwaan Xaaji C/weli
Nairobi,Kenya

-dhammaad- 

.... HALKAN KA BAAR WARARKII  IQRA

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD