SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ROMA

1da Luulyo iyo Soomaalida Rooma

Khaalid X, Cali Maalin "Deble"
 amalroma@hotmail.com 

SomaliTalk.com
Rome - Italy


Qolka ama Hall-ka safaarada

Waxaa shalay ka dhacay Hall-ka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Talyaaniga ee magaalada Roma, xafladda Munaasabadda Sanadguurada 43 aad ee Xoriyadda Soomaaliya ahna isku taggii Koonfur & Waqooyi oo ku aadan 1-da Luulyo.

Munaasabaddaasi waxaa ka soo qeyb galay dad aad u fara badan oo isugu jira dad waa weyn, Dhallaan & Dhalinyara-ba, halka ay safka hore ku jireen haweenka deggan magalaadan Roma, maadaama ay iyagu ahaayeen dadkii isku howlay Qabanqaabada Munaasabaddan, waana markii ugu horeysay ee lagu qabto Magaalada Roma Munaasabadan oo kale laga bilaabo xilliggii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen dalkeeni Hooyo. Haweenka faraha badnaa ee isugu yimid goobtaas waxaa ka muuqatay Xamaasad wadaninimo iyagoo dadka qaarkood qarin waayay Qiirada.


Dadka kasoo qayb galay xaflada

Munaasabaddaasi waxaa Aayadaha Quraanka Kariimka ku furay Al-Xaaji Mohamed Abuukar oo ka tirsan Shaqaalaha Safaaradda Somalia, ka dib waxaa halkaa dadka ku soo Dhaweeyay Mas’uullka Sare ee Safaaradda Soomaaliya Md. Col. Abshir una hambalyeeyay dhammaan dadkii ka soo qeyb galay Munaasabaddan, wuxuuna Cod-Baahiyaha ku wareejiyay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaxooti-ga Soomaaliyeed, Sig.ra Seynab Axmed Baraxoow, waxayna goobtaas ka caddeysay in Ururkan uu yahay mid la aasaasay 30-06-03 Ujeedada loo aasaasayna uu yahay u Doodista Xuquuqda Haweenka Soomaaliya ee ka shaqeeya ama u soo qaxay dalka Talyaaniga, maadaama aanan la arag Xiliyadan ay Dagaalada Sokeeye soomaaliya ka jireen wax Jaaliyad ah ama Urur isku duuban oo wax ka qabta Dhibka heysta Haweenka Soomaaliyeed.


Qunsul Axmed Sugulle

Ka dib waxaa Qudbad dheer oo dadkii Goobtaas isugu yimid ku abuurtay Xamaasid, dadka Qaarkiis-na ya xaaddoodu kacday ka jeediyay Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya dalkan Talyaaniga Md. Axmed Sugulle Xirsi, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa isagoo kaftamaya “ Anigu waxaan ahay dadka yaro ee ku faana da’da ay jiraan walowse ay dad iga waaweyn ay goobtani fadhiyaan, Walaalayaal waa inaad Ogaataan in Xoriyadda Soomaaliya lagu keenay Dagaal & Dadaal Dheer oo Siyaasadeed oo ka dhacay Dhammaan Gobolada Somaliya, sida Dhagax-Tuurkii Xamar 1949” Qunsulka isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu wax ka taabtay Kacdoonkii ka dhacay Kismaayo & dhibkii soo gaaray isaga qaas ahaan wuxuuna yiri “Anigu sideedaba waxaan ka imid magaalada Kismaayo, waana Xasuustaa Kacdoonkii ka dhacay magaaladeyda 1952, waayo si gaar ah ayuu ii taabtay, maadaama ay Hooyaydey & Aabahey lagu xiray Saldhigga Gumeystaha Talyaaniga Bishii Agosto, Xilligaasna Hoo! yadey Xaamilo bey aheyd, ka dibna waxay ku dhashay Halkaas Gabar, waxaana loo bixiyay Agoosto, Waana Walaasheey Ninki yaqaanaa yaqaaneeeeee”. Dhammaan Haweenkii Goobtaas joogay ayaa bilaabay Carab-dhaw & Sacab aan Joogsi laheyn socdayna illaa qadar yaroo daqiiqado ah.


Yusuf Ariri

Md. Sugulle wuxuu haddana u gudbay inuu wax ka Taabtaabto ama xusuusiyo dadka Halgamayaashii Naftooda & Maalkoodii u huray Xoriyadan aynu maanta harsaneyno wuxuuna Carabrkiisa ku bilaabay Marxuum Halgame C/laahi Ciise isagoo ka faaloonaya Safarkii uu aaday Qaramada Midoobay wuxuu yiri “C/llaahi Ciise, maalinti uu safarka uu aadi lahaa New yorka, maalinta ka horeysay waxaa soo booqatay Hooyadiis, waana loo diiday inay la kulanto ama la hadasho Wiilkeeda ay Sagaalka Bilood Caloosha ku soo siday, Sababta loogu diidayna waxay aheyd oo kaliya, in Gumeystaha Talyaaniga uu wax Uun ku abuuro Hooyada si ay C/laahi Ciise uuga baajiso Safarka uu Qaranni-ma inoogu doonayay, Kolkaas ayaa Hooyadii Tiri bal Dardaarankan Wiilkeyga Gaarsiiya “C/laahi-yow ha qiyaamin Raggan ku aaminay oo Anigo Hooyadaa ah ii diiday inaan ku arko, Dareenka ka muuqdana uu Yaha Gobanidoon” Haddaba waxay Soomaali oo dhan isku raacday in C/laahi Ciise uusan Soomaa! li qiyaameyn uuna ka soo baxay Kaalintiisii Gobanimodoonka aheyd”

Ka dib waxaa Cod-baahiyaha la wareegtay Gabadha Codka macaan ku caan baxday Seynab Seefow oo goobtaasi ka qaaday Dhammaan Heesihi Wadani-ga ahaa ee Soomaaliyeed waxayna ku bilaawday Heesta Barakeysan ee Calanka Soomaaliyeed, bal Dib u xusuusta:


Seynab seefoow  

“Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye

Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada
hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin”

Fanaanadda Seynab Seefow, sida ay marba Hees ka hees dadka uugu raaxeynaysay ayaa qaaday Qiiro iyadoo isla goobta Ooyin & Baroor diiq la fariisatay weyna u suurto geliweysay inay halkaa ka sii wado.

Laakiin waxaa noqotay mid Nasiib daro ah, dadka halkaas isugu yimidna ay gebi ahaan-ba ka xumaadeen in aanan la isku soo qaadin goobta-na laga xusin Qaxootiga Soomaaliyeed ee nasiibkoodu keenay Xeebaha dalka Talyaaniga iyagoo horaantooda la soo kulmay dhibaatooyin kala duwan halis-na galiyay Naftooda. Ka dib markii ay Tahriib ku soo mareen Saxaraha aanan sahlaneyn ee Sudan & Libia, naftooda-na ay ku waayeen dad Soomaaliyeed oo fara badan qaar kood-na la là yahay meel ay ku danbeeyaan & meel kale.

Taasi waxaa ka sii daran in Boqolaal Soomaaliyeed oo Qaxootigaas ka mid ah ay Magaalada Roma iyagoo iska dhex yaacaya kuna kulansan Meesha ay Soomaalidu isugu timaado ee lagu magacaabo Stazione Termini uu Boolisku ka ceyriyo iyagoo lagula hadlaayo Codbaahiyaha gaarka ay isticmaalaan Boliiska dalka Talyaaniga.

Haddaba dad badan baa rajeynaya in Ururkan Cusub ee ku mideysan Haweynka Soomaaliyeed ee Deggan Roma inay wax ka qabtaan, Walowse ay haatan Haween Soomaaliyeed & Caruurtooda ay Gidaarada Roma jiifaan iyagoo Tabaaleysan.

 


Abshir, Seynab Baxaroow, sugulle

 

Khaalid X, Cali Maalin "Deble"
 amalroma@hotmail.com 

SomaliTalk.com
Rome - Italy

 

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]