SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Kulan Islaami ah oo ka Dhacaya Magaalada Leicester ee Carriga Ingiriiska:

Hassan Salahudin

Leicester, UK

hassanabdillahi@hotmail.com

SomaliTalk.com | July 12, 2003

 

KAAH

Kulan balaadhan oo islaami ah ayaa si rasmi ah uga furmay maanta oo ay taariikhdu tahay 12-bisha July-2003, magaalada leiciester ee wadanka boqortooyada ingiriiska, kulankaas oo ahaa mid aad u balaadhan si heer sare ahna loo soo agaasimay waxa qaban qaabadiisa ka dambaysay shacbi waynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada leicester oo ku taala gobolka badhtamaha wadankan ingiiska, waa kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada leicester ilaa intii ay soo camireen magaaladan markii u horeaysay dadweyne farabadan oo soomaali ahi horaantii sanadkii 1997-kii, kulanadii islaamiga ahaa ee kan horeeyey kana dhici jiray wadankan inigiriisku waxay intooda badan lagu qaban jiray magaalo weynta london oo ay ku noolyihiin soomaalida ugu badan ee ku dhaqan wadankan ingiriiska.

Gudida qaban qaabada shirka oo aan waraysi kooban la yeeshay ayaa ii sheegay in uu shirkani noqon doono mid sanad walba qabsoomi dooni hadii ilaaha awooda lihi yidhaa, shirka oo maanta oo sabti ah si rasmi ah uga furmay xarunta loo yaqaano melbourne centre, oo ku taala wadada melbourne road ee magaalada leicester waxa ka soo qayb galay dadweyne kor u dhaafay ilaa 1000- qof oo qaar badan oo ka mid ahina ay uga yimaadeen shirka gobolada kala duwan ee wadanka boqortooyada ingiriiska.

Culimada shirka ka soo qaybgashay ayaa maalmaha uu shirku socdo u soo jeedin doona wacdiyo diino ah oo kala duwan dadweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan, sida uu ii sheegay nin u hadlay gudida qaban qaabada shirku waxay culimadu dadka kala hadli doonaan, ku sugnaansha dhaqanka suuban islaamka, sidii aynu u ilaashan lahayn diinteena macaan ee islaamka maadaama aynu ku noolnahay dhul gaalo ah iyo wadamo shisheeye.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu socdo sadexda maalmood ee fooda inagu soo haya hadii ilaahay yidhaa, musheekhda shirka martida u ah oo ka kala yimid meelo kala duwan oo dunida ah waxay kala yihiin:

  • 1. Sh. Cabdullahi Maxamed(UK)
  • 2.Sh. Axmed Daahir(UK)
  • 3.Sh. Maxamed Rashaad(Canada)
  • 4.Sh. Maxamed Idriis(America)
  • 5.Sh. Maxamed Cusmaan(Kenya)
  • 6.Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun(Somaliland)
  • 7.Sh Yuusuf Ahmed(Sweden)
  • 8.Sh. Abdul-qadir Muumin(UK).

Magaalada leicester ee uu shirku ka dhacayo waxay ku taalaa gobolka badhtamaha ingiriiska (East midlands) waxaana ku nool dadweyne soomaaliyeed oo lagu qiyaasay ilaa 10000 oo qof.

Hassan salahudin
Somalitalk | Leicester | UK
hassanabdillahi@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD