SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
26ka, 27-ka Jun, 1da Luulyo iyo Soomaalida Pakistan

Ahmed Ugaas | ugaas2@yahoo.com

KAAH

Xuska Maalmaha Gobannimada Soomaalida oo lagu qabtay Karachi-Pakistan

Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Karachi ee dalka Pakistan ayaa dabbaaldeg ballaaran u sameeyay maalmaha gobannimada Soomaalida ee kala ah 26-ka, 27-ka Juun iyo 1da Luulyo.

Tartan cayaareed kubadda cagta ah oo lagu xusayay maalmahaas ummadda Soomaaliyeed qaayaha weyn u leh ayaa lagu qabtay garoonka cayaaraha ee Jaamacadda Karachi, waxaana tartankaas ka qeyb galay 4 kooxood oo ka dhisan magaalada Karachi, kuwaasoo kala ah: 1. Tarik Road, 2. Maskan Team, 3. SIMAD, iyo 4- Kaalaaboodh.

Tartankaas oo uu soo agaasimay Bogga Waxbarashada ee Internet-ka (Somali Education) wuxuu ahaa mid is-arag kaliya, waxaana tartankan la billaabay 26-kii Juun 2003, waxaana lagu furay kooxaha Kaalaaboodh iyo Maskan Team, cayaartaasoo 5-1 ay guushii ku raacday Kooxda Kaalaaboodh. Cayaar taas la mid ah oo la qabtay 27-kii Juun waxaa isaga hor yimid labada kooxood ee kala ah: SIMAD iyo Tarik Road waxaa 4-0 ku badiyay kooxda SIMAD. Sidoo kale cayaar kaalinta 3aad ah oo loo qabtay kooxaha Maskan iyo Tarik Road waxaa 6-3 lagu suul-daaray Kooxda Tarik Road.

1da Luulyo iyo Soomaalida Minnesota

Soomaalida Minnesota oo wadada Lake Street ku sameeyey xaflad aad u ballaaran oo ku saabsanayd maalmaha xoriya ee 26ka, 27ka Jun iyo 1da luulyo.

Cayaartii kama-dambeysta ahayd oo la qabtay 1dii Luulyo oo dhex martay labada kooxood ee SIMAD iyo Kaalaaboodh ayaa ahayd mid aad u xiiso badan in badana la sugayay. Cayaartaas oo aad u kululeyd awgeed labada midkoobda uma suurtogelin inay gool dhaliyaan qeybtii hore ee cayaarta. Hase yeeshee qeybtii dambe ee tartanka ayaa Kooxda Kaalaaboodh ay la soo gashay dardar cusub kadib markii weeraryahankooda Maxamed C/kariim Daahir (Khadar) oo cayaarta kooxda Kaalaaboodh wax weyn ka beddelay daqiiqado kadib markuu ku soo biiray. Kooxda SIMAD ayaa sidoo kale weerarro isdaba-joog ah ku haysay goosha Kooxda Kaalaaboodh, hase yeeshee aysan u suurtoobin inay gool helaan.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Cayaartaas oo weerar iyo weerar-celin ku socotay waxaa kooxda Kalaaboodh u suurtogashay inay 20 daqiiqo ee ugu dambeeyay dhaliyaan 2 gool uu u saxiixay weeraryahankooda Haashim C/laahi Sabriye, waxayna cayaartaasi ku soo gabagabowday 2-0 oo ay guushii ku raacday Kooxda Kaalaaboodh.

Gabagabadii cayaarta xaflad gaaban oo ka dhacday isla garoonka ayaa Guddigii qabanqaabada tartanka kaga warrameen ujeeddada ka dambeysay in la soo abaabulo tartanka, waxayna sheegeen inay ugu talo galeen in lagu xuso 26-ka Juun (oo ah markii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay gobannimadooda ka qaateen gumeysigii Ingiriiska), 27-ka Juun (oo ah markii Jabuuti ay ka madaxbannaanaatay Faransiiskii addoonsan jiray), iyo 1-da Luulyo (oo ah markii gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay israacen labada gobol ee walaalaha ah ee Waqooyi iyo Koonfur). Guddigu wuxuu sheegay inay tartanka ugu talo galeen inay ardeyda Soomaaliyeed ku soo xusuusiyaan taariikhda dalkooda iyo halgankii loo soo marayba.

Suugaan gobannimo-doon iyo guubaabo isugu jirtay oo halkaasi maqal ahaan looga shiday iyo calanka Soomaaliyeed oo halkaasi laga babinayay ayaa in badan oo damiir waddannimo leh ku beertay qiiro weyn, waxayna sheegeen inay tahay markii ugu horreysay ee ay dalka Pakistan ugu dabbaaldagaan munaasabadahan sidan oo kale ah.

Ugu dambeyntii Guddiga qabanqaabada wuxuu abaalmarinno guddoonsiiyay:

  • * Axmed Weli Baarbe (Kooxda SIMAD) oo loo aqoonsaday inuu yahay Gool-hayahii ugu wanaagsanaa tartanka.

  • * Jibriil Qaasim Faarax (Kooxda Tarik Road) oo loo aqoonsaday inuu yahay Difaacii ugu wanaagsanaa tartanka.

  • * Maxamed C/kariim Daahir "Khadar" (Kooxda Kaalaaboodh) oo loo aqoonsaday inuu yahay Weerar-yahankii ugu wanaagsanaa tartanka.

  • * Eng. Xasan C/laahi Diiriye "Nawabshah" (Kooxda Maskan Team) oo loo aqoonsaday inuu yahay Khad-dhexe-hayihii ugu wanaagsanaa tartanka.

  • * Haashim C/laahi Sabriye (Kooxda Kaalaaboodh) oo noqday cayaaryahankii ugu goolasha badnaa intuu tartanka socday, kaasoo dhaliyay 4 gool.

Sidoo kale Guddiga Qabanqaabada wuxuu abaalmarinno guddoonsiiyay, isla markaana mahadnaq u soo jeediyay 4 guddoomiye-kooxeed oo kala ahaa:

  • 1. C/laahi Aadan Cumar "Fuul" - Guddoomiyaha Kooxda Kaalaaboodh (Kaalinta 1aad)

  • 2. Maxamed Ibraahim Nuur - Guddoomiyaha Kooxda SIMAD (Kaalinta 2aad)

  • 3. Maxamed C/raxiim Sahriif - Guddoomiyaha Kooxda Maskan Team (Kaalinta 3aad)

  • 4. Cali Maxamed Xaaji "Catoosh" - Guddoomiyaha Kooxda Tarik Road (Kaalinta 4aad).

Guddiga Qabanqaabada

Laxiriir: Ahmed Ugaas | ugaas2@yahoo.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD