SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Mustaqbalka Qaranka Soomaaliyeed oo go'aan khiyaameysan laga gaaray maanta

Abdirahman Omar Osman | yarisow70@hotmail.com  

KAAH

Shirkii dib u heshiisiinta soomaalida oo mudo 9 bilood ah socday ayaa maanta lagu soo afjaray wareegii labaad, walow aan bulshada soomaaliyeed inteeda badan ku qanacsaneyn go'aamadan oo u daneynaya hoggaamiyeyaasha kooxaha ee saxiixay go'aamadii wareega koowaad 27kii October 2002.

Waxaa la go'aamiyey arrimahan:

1) in tirada guud ee xildhibaanada ey noqdaan 351 (seddex boqol iyo konton iyo kow)

2) mudada baarlamaanka ku meel gaarka ah inuu noqdo 4 (afar) sano.

3) in doorashada xildhibaanada ey doortaan saxiixayaashii eldoret ku saxiixay xabad joojinta 27/10/2002 iyo siyaasiyiintii ey si rasmi ah u casuumeen IGAD iyagoo la tashanaya hoggaamiye dhaqameedka.

Arrimaha kale ee laga wada hadlay la iskuna raacay baa waxaa ka mid ahaa in dumarka laga siiyo tiro dhan 12%, in shaqsiga soomaaliyeed uu heysan karo dhalasho kale iyo in luqadda soomaaliga ey tahay Maay iyo Maxaatiri, halka luqadda labaad la isla gartay Carabi iyo Ingiriis.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Arrintan ayaa dad badan ee ku sugan Nairobi ku tilmaameen afduub oo ey yiraahdeen in maalin Sabti ah oo dadka intooda badan maqnaayeen lagu toosiyey iyo in IGAD si gooni gooni ah ey ula hadleen hoggaamiyeyaasha eyna ugu hanjabeen iney saxiixaan. Shalay oo TNG da shir ballaaran yeelatay ayaa lagu go'aamiyey inaan marnaba la aqbali karin tiro ka badan 315 iyo in xulashada ey xulaan hoggaamiye dhaqameedka, ha yeeshee maanta ayaa Xasan Abshir uu go'aanada kor ku qoran saxiixay iyadoo qaar ey leeyihiin cid la ogeyd ma jirto waayo ayuu yiri mas'uul sare ee ka tirsan TNG da Kipligat oo saakay ku soo kalahay C/Qaasim ayaa arrimahan isku afgaran waayey, marka si uu Xasan ku saxiixay waa arrin cajiib leh.

Si kastaba arrintan ayaa lagu wadaa iney keeni karto in mustaqbalka waddanka hoggaankiisa uu gacanta u galo hoggaamiye kooxeedka bacdamaa ey xulanayaan xildhabaanadii iyaga dooran lahaa, tani waxaa loo arkaa in dowladda Ethiopia ey ka danbeysay. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dibadaha ka kala yimid, aqoon yahanadda, siyaasiyiin iyo waxgarad oo beryahan ku sugan Nairobi ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan si wanaagsan looga fiirsan, dhibaato fara badanna u keeni karta mustaqbalka shacabka iyo carruurta soomaaliyeedba. Sidoo kale ayaa ku tilmaamay arrintan mid aan si caddaalad ah loo sameyn oo waxey yiraahdeen in xildhibaanada lagu saleeyo hab qabiil, haddana xulashada eysan yeelan odayaasha waa arrin ka fog caddaladda, sidoo kale musharaxiinta madaxweyne nimo oo aan aheyn hoggaamiyeyaasha saxiixa leh ayaa ku tilmaamay mid aan caddaalad aheyn oo la qiyaasi karo waxa ka soo bixi karo.

Abdirahman Omar Osman | yarisow70@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD