Scww, 
 Anagoo ah qurbajooga Somaliland ee deggan debadaha ,waxaan doonaynaa inaanu 
 ka hadalno ,dareenkayagana ka muujino , dagaalka ka socda degaanka afbarwaaqo 
 iyo tuulooyinka ku xeeran ee gobolka mudug ,in aan loo baahnayn dagaalka soo 
 noqnoqonaaya ee ka dhex aloosan dadka walaalaha ee ehelka ah ee degan halkaasi 
 ,aadna aanu uga xunnahay dirirtaasi ka dhex aloosan dadkaasi ehelka ah, taas oo 
 uu keenay khasaaro dhinac kasta oo dad iyo duunyaba leh. 
 Hadaba waxaanu ka codsanaynaa dhamaan inta ay khusayso colaadini in sida ugu 
 dhakhsaha badan xabada loo joojiyo iyadoo aan shuruud lahayn , laguna dhameeyo 
 wixii khilaafaada wada hadal iyo walaaltinimo ,iyadoo loo maraayo dariiqa u 
 haboon ee suura gelin kara in lagu soo celiyo jawigii wanaagsanaa ee 
 nabadgelyadii iyo wada nolaanshaha dadkaasi walaalaha ah ,lana baabiyo colaada 
 iyo necaybka halkaa ka jira, iyadoo aan cidna lagu muuquunin karin xoog , oo 
 aan 
 arimo xadgudub ahna loo baahnayn.
 Dagaalkaasina wuxuu ka soo horjeedaa diinta 
 islaamka oo aan ku banaaneyn in layska laayo dad aan waxba galabsan oo loo dilo 
 oo keliya heybta ay yihiin ,hadaba waxaanu mar labaad idiin soo gudbineynaynaa 
 in si degdeg ah loo joojiyo xabada iyo colaadahaa aan loo bahneyn ee soo 
 noqnoqonaayey mudooyinkii ugu danbeeyey una dhexeeyey dadka walaalaha ee isku 
 degaanka ku uuman, taas oo la soo celineyo wada nolaanshihii iyo wixii ay nololi 
 lahayd ee dadkaasi walaalaha , waxaana u rajeynaynaa in ay ka qataan 
 kaalintoodii culimaa'udiinta ,aqoonyahanada, guurtida, odayaasha, hogaaamiyaasha 
 beelaha iyo inta had jeer wanaaga u feydan sidii ay u damin lahayeen colaadaasi 
 aan loo baahnayn . 
 ILAAHAY BAA MAHADLEH,..............
 
 adan yuusuf elmi | 
 najad88@hotmail.com 
 
28 qof ayaa ku dhintay, 65 kalena waa ku 
 dhaawacmeen dagaalada Afbarwaaqo
 English 
 Version....
 
 
 | WIIL UBAAHAN 
 GARGAAR CAAFIMAAD | 
   
     |  Wiilkan 
     yar wuxuu ku dhashay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, 
     wuxuuna u baahana yahay 
     
     gargaar degdeg ah. |