SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Falalka Takoorka Muslimiinta America oo kordhay Sanadkii 2002.

Tarjumadii:

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

Ceynte@comcast.net 

July 15, 2003

 

KAAH

 

(Washinghton). Guddiga xiriirka Muslimiinta America (CAIR) ayaa daboolka ka qaaday ineey keydiyeen koror lagu qiyaasay 15% (boqolkiiba shan iyo toban ) falal takoor ah oo ka dhan ah muslimiinta America sanadkii 2002, Marka loo barbardhigo sanadkii ka horeeyey.

Guddigan ayaa sheegaya in warbixintani eey tilmaan adag u yahay talaalbooyin xun xun oo ka danbeeyey dhacdooyinkii Sept 11, 2001, kuwaas oo wax loogu geeysanayo xuquuqda iyo xoriyadaha Jaaliyadda Muslinka ah ee America.

Guddiga ayaa maalinta talaadada ah ee bishan eey 15-ka tahay qaban doona shir jaraa'id oo eey ku dulmari doonaan natiijooyinkii baaritaankan eey sameeyeen, kaas oo ku siman sanadka 2002, ahna midkii sideedaad oo noociisan ah oo eey guddigani sameeyaan. Waxaa la ogsoon yahay in baaritaanka noocan ahi uu yahay midka kaliya ee u dhuundaloola arrimaha muslimiinta waqooyiga America.

Warbixinta guddigan ayaa u kuur gasha danbiyada iyo takoorada eey soo tabiyeen muslimiinta Amrica sanadkii 2002, iyagoo isla markaana u qeybiya meelihii iyo siyaabihii eey u dhaceen, deedna guddigu wuxuu u barbardhigaa sanadihii hore. Sidaa si lamid ah ayuu guddigu u kuur galaa wareegtooyinka eey dowladda Mareykanku soo saarto ee waxyeeleynaya xuquuqda iyo xorriyadaha muslimiinta America.

Horey ayeey hey'ado daneeya xuquuqda shaqsiga ah iyo kuwo carab-American ah oo cadaadis siyaasadeed sameyaayi u daba galeen shirkadaha dayuuradaha Mareykanka ee lagu tuhmo ineey takooraan dad asalkoodu bariga dhexe ama gaar ahaan carab u egyahay, wixii ka danbeeyey sept 11, 2001-kii.

Xigasho : Al-Jazeera.net ( http://www.aljazeera.net/news/america/2003/7/7-15-1.htm  )

Tarjumadii: C/raxman Ceynte

Minnesota

ceynte@comcast.net  (new!)

 

 

C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceynte@comcast.net (new!)


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003 

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD