SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ATLANTA, USA
Hiilada Dalkaagu Waa Ma Huraan

Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com

KAAH

Waxaa dalkan soo jiritaankiisa naf badan oo qaaliya u huray qeybihii kala duwanaa ee Shanta Soomaaliyeed. Waxaa arrinkaas marqaati u ah halgankii dheera ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka soo jeedey Galbeedka Soomaaliya, kaas oo u ahaa saldhig gobonimada Jamhuuriyada Soomaalida. Ma aysan ahayn macnodarro in dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliyeed si cad loogu qeexay qorida in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogan dhulkooda hooyo ay jamhuuriyada ku leeyihiin xaqooda wadaninimo, iyadoo xuduudu aysan noqon mid xakameysa xeerkaas. Sidaasna waxey jamhuuriyadu ku siisay xuquuqo waxbarasho iyo mid madaxtinimo dad badan oo soomaaliyeed oo ka soo jeeda degaanada ay gumeystaan Ethiopia iyo Kenya.

Nidaamka Federaalka ee la damacsan yahay in Soomaalida lagu jujuubo ku dhaqankiisa wuxuu meesha ka saarayaa xuquuda dadka Soomaalyeed ee ku nool NFD iyo Galbeedka Soomaalida. Xukuumadaha loo sameeyo maamulada kala madaxa banaan ayey awoodoodu ku kooban tahay oo keliya danaha qabiikooda iyo degaankooda ee ku dhex jirta jamhuurida gudaheeda. Wixii ka baxsan xuduudaha jamhuuriyada waxey nidaamkan ugu muuqdaan dal shisheeye oo bahwadaaga aan ku jirin. In dadkii Soomaaliyeed iyo degaankoodii si aan looga hadlin ama aan laga fiirsan iney ergooyinka Soomaaliyeed ee jooga Shirka Mbagathi ay sacab ku gudoon siiyaan Kiplagat oo qancinaya danaha dalkiisa iyo kan Ethiopia ma ahayn wax Soomaalida laga sugayey. Dhagarta sidaas u weyn cidmaa iska leh eedeeda?

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolkii la oran jirey Majeerteenya ayaa sabab u ah iska dabawareega haysata qaranka Soomaaliyeed, iyagaana sabab u ah oo ku lamaansan shisheeyaha dalka cadowgiisaa. Cali Yuusuf ayaa bishii febarwary 1889 la galay heshiisyadii ugu horeeyey ee lala galo gumeystihii talyaaniga si ay qunsulka Talyaaniga u jooga Cadan uu uga helo hub gacmeed, dalka Soomaaliyeedna uu sidaas ku soo geliyey gumeysiga Talyaaniga . Siyaasiyiinta Bari ayaa gacan bidixeeyey reer waqooyiga oo qabyaalad ku fogeeyey markii ay si niyadsami ah midnimo ula wadaageen koofurta. Iyagaa sabab u ahaa xasarada maanta ka abuuran Jubada hoose markii ay dowladii Cabdirashiid ay u qarameysay dadka gobolada Bari dhulbeereedyada degaankaas. Taariikhdu ma hilmaamin ereygii Muuse Boqor ee uu ka yiri xaruunta Leegada markii Soomaalidu ay ka arrinsaneysey dhimashadii Cabdirashiid ka dib cida madax noqon lahayd. Isaga oo bastoolad gacanta ku heysta xabdana kor u ridey ayuu yiri " dowladnimada laga diley Cabdirashiid dumaalkeeda aniga leh", ma uusan dhageysan ee jawaabtii ku habooneyd waxaa siiyey Dr Ismaciil Jimcaale oo ku yiri "marwada marxuunka dumaasheeda adigaa leh laakiin dowladnimo dumaal ma gasho." Siyaasiyiintaas waxey sabab u ahayeen in taladu ay farahooda ka baxdo markii ay iyaga naftoodu abaabuleen shirqoolkii lagu diley madaxweynihii dalka Mr. Sharmaarke, xukunkiina uu sidaas gacanta ugu galay Siyad Barre oo 10 sanno iyaga hal dhowrayey, sugayeyna qiilkii uu ku afgembin lahaa.

Dadka Soomaaliyeed oo aan aqoon durugsan u lahayn nidaamka shuuciga ayaa soo dhoweeyey isbedelkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay iyagoon dareemin macnaha uu xambaarsan yahay nidaamka cusub oo ay la soo cid galeen xukuumadii milateriga ahayd. Waxey dadka ku qaadatay 21 sanno iney fahmaan in ujeedada Janaraal Siyad ay ahayd oo keliya hab u sahlaya in xukunka uu haysto sanooyin badan, wakhtigaas dheerna ay ummaddu ku mashquulsan tahay barashada mabda' uu wato nidaamka cusub. Siyasiyiinta Bari iyagoo tixraacaya tilmaantaas, adeegsanayana xeeladoodii ku dhisnayd kaashiga cadowga Soomaaliyeed ayey dhaqso ciidamo Ethiopia dalka ku soo dulaan geliyeen isagoo uu hor kacayo Korneyl Cabdulaahi Yuusuf. Xaalada dembiilahaas ayaa waxey ka turjumeysaa "walee dalyahow ama kuu taliyey ama ku duleeyey." Si dulinimada iskaashiga Ethiopia ay u meel mariyaan, danahooda qabiilna ay u meel marto ayey siyaasiintaas doorbideen sidii Siyad Barre oo kale inay la soo ifbaxaan nidaam cusub oo ay ku gudbaan wakhti dheer, kaas oo noqday nidaamka federaalka. Siyaasiyiintaas haddii ay horay u fogeeyeen Waqooyi, maantana ay iska dheereyeen Galbeed, dadow nidaamka ay Ethiopia ku qancinayaan ma waxey ka fulin gobolka Bari. Dad badan waxey isweydiinayaan waxa Bari iyo Baydhabo ay ula ficiltamayaan gobolada waqooyi oo iyagu soo maray qaab ay kula midoobeen koofurta oo isku duuban. Waxaan qabaa iney tahay siyaasad ay reer Barigu ku kacsanayaan Baydhabo si ay u si fogeeyaan mowqifka waqooyiga oo ay u arkaan inuu cabsi gelinayo akhlabiyada ay ku heysan karaan koofurta haddii ay ku soo biiraan wadaxajoodka.

Siyaasiyiintaas waxey Baydhabo iyo Muqdishu abaal uga doonayaan hubkii ay Ethiopia ugu soo marisay iyaga si loo xoojiyo dagaaladii sokeeye. Waxaa intaas ka daran iney ka dhaadhicinayaan dadka Baydhabo in afka Mayga ay ka bixinayaan heerka lahjad ahaneed ee uu hadda ku sugan yahay ayna u dalacsiinayaan heer qaran si uu u bedelo booskii afka Carabiga oo aysan jeclayn Ethiopia. Taas waxey la mid tahay Baydhabo ayaan ka dhigin caasimada Soomaaliyeed. Afka reer Baraawe iyo Baajuuntuna muxuu noqon. Waxaa mar aan dheereyn ay soo wadaan siyaasiyiintaas iney yiraahdaan afka Amxaarigu wuxuu noqon af qaran. Imise ayey ku qaadan kartaa inta dadka Soomaaliyeed ay ka fahmayaan danaha guracan ee siyaasiyiinta Bari ay ka leeyihiin nidaamka federaalka?

Siyaasiyiintaas waxaa madaxa ka galay xukun qabiil oo ay ku amar ku taagleeyaan, waana taas mida ay u keeneen maanta nidaam dowladnimo dabacsan oo waqtiga ku haboon ay marooqsadaan awoodiisa sida Napeolon uu ku sameeyey dalka Fransiiska ama Hitler uu kula kacay Jarmalka. Haddi aysan soomaalidu maara u helin ama aysan meel cad iska marin oo si wada jira aysan uga soo hor jeesan masiibada uga soo hulaabeysa dhinaca Bari waxey Soomaalidu weligeed ku jiri doonaan kala guur iyo isku duul.

Maamulka Mareykanka oo diidey Madaxweyne Bush in socdaalka uu ku tegey Africa lagu daro Dalka Ethiopia iyo Mareykanka oo u jiheeyey dunida dhinaca Liberia ayaa u muuqata hiilo dabacsan ee ka timid dhinaca siyaasada Mareykanka, taas oo u hiilineysa dhismo qaran oo ay Soomaalidu sameysato, kana madax banaan siyaasadaha jujuubkaa oo ay wataan Kenya iyo Ethiopia. Sidaasna waxaa ku soo ifbaxay in siyaasada Soomaalida cagaha dhulka loo dhigo, laguna saleeyo wixii lagu ansixiyo dood dheer ka dib sida ay qabto inta badan. Dhaqaale iyo ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya ma muuqato saansaantoodu wakhti dhow inta xaalka Liberia laga soo jeesanayo. Sidaas daradeed ayey arrintaas waxey fariin u tahay siyaasiyiinta Bari oo noqday waraabihii inta u dhacay xeero xoolo ka buuxdo kala boodey mandheer. Waxaa haboon in ergada Soomaaliyeed ay u soo noqoto danta guud, kana tanaasusho qiyaamada cadowga dalka Soomaaliyeed loogu gacan gelinayo. Dalka oo cadowga looga hiiliyo ayey ku jirtaa danta guud ee Soomaaliyeed, intii la is tusi lahaa wada xajood danta laga leeyahay ay tahay in hal qabiil uu ismaamulkiisa ama madaxbanaanidiisa ama doonistiisa madaxnimada dalka uu ku dumin lahaa dalweynihii Soomaaliyeed iyo dowladnimadiisa qaran ahaneed.

Afartan sanno kadib in la yiraahdo dalkii Soomaalida ha loo sameeyo nidaam uu shisheeye dibeda ka soo qoray waa arrin xadgudub ku ah dhismaha qaran soomaaliyeed oo madax banaan. Nidaam cusub qaadashadiisu kuma timaado wax koox siyaasiyiina ay hal mar la soo boodaan. Waayoaragnimada dal uu ka soo maray dowladnimadiisa iyo biseylka dadka oo soo mara wakhti dheer oo fursad u siisa sidii ay uga baaran degi lahayeen wixii cusub oo la qaadanayo ayaa ah jidka keliya ee ummaddi u marto hanaanka ay ku qaadaneyso nidaam cusub oo siyaasadeed. Daraasad dheer kadib oo lagu soo diyaariyey ayey aqoonyahanka dalku ku soo bandhigaan nidaamka cusub si ay ugu suurtowdo dadka dalka u dhashay in laga qaado afti lagu ansixinayo qaadashada rasmigaa ee nidaamka cusub, kaas oo isbedel weyn ku abuuraya qaabka dowladnimada Soomaaliyeed, dadkuna ay diyaar u yihiin iney la saanqaadaan.



Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com

 QORAALADII HORE EE DR. SICIID

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]