SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Heshiiska Dhex maray Maqaabul iyo Sheekhaal aw Qudub oo ka dhacay Nairobi.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Nairobi,Kenya.

ridwanhaji@yahoo.com 

KAAH

 

WAR SAXAAFADEED

Heshiiska Maqaabul iyo Sheekhaal/Qudub oo ka dhacay Nairobi.
17/7/2003,

IQRA FM Nairobi

iqrafm@bidii.com 

Shir looga wada hadlayay sidii loo xallin lahaa khilaafaadkii iyo colaadihii hubeysnaa ee ku dhex maray deegaanka WALDEYNA ee ka tirsan degmada BADHAADHE ee Jubbada Hoose labada beelood ee kala ah SHIIQAAL OW QUDUB iyo MAQAABUL, ayaa lagu qabtay 12kii Julay 2003, xaafadda Eastlight ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka hal abuurkiisa waxaa lahaa odayaal iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha SHIIQAALEED ee uu horkacayo Suldaanka beesha Suldaan Cabdullaahi Suldaan Moxammed Suldaan Khaliif, dhinaca kale ee gogosha loo fidiyay waxaa ka yimid odayaal iyo siyaasiyiin uu horkacayo Suldaanka beesha Suldaan Moxammed Suldaan Cosmaan Suldaan Negeeye. Shirku wuxuu ahaa mid nabaded , Dib u heshiisiin iyo Sulux dhexmaray labada beelood ee aan kor ku soo sheegnay.

Dood dheer , falanqeyn iyo is cafis ka dibwaxa shirka ka soo baxay qodobbadan hoos ku qoran:

1 - In nabad loogu baaqolabada beelood ee ku dagaallamay Deegaanka WALDEYNA.

2 - In la joojiyo xabbadda iyo colaadda Hubeysan.

3 - In la magacaabo guddi 6 qofood ka kooban oo daddexba dhinac tahay oo soo diyaariya sidii shir weyn oo nabadeed loogu qaban lahaadeegaankii colaadda iyo khilaafku ka dhaceen.

4 - Inta waqtigaa laga gaarayo in ay beel waliba deegaankeeda si nabad iyo colaad la'aan ah ay ugu noolaato, laysna dhexmaro.

ISHA: IQRA FM, NAIROBI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]