SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines: Garwadeen dhaqaale oo bogaadin iyo ku-dayashaba mudan

“Haddaan nahay Jamhuuriyadda Jabuuti annaga ayaa maanta ugu dhow cid saldhig ama tiir-dhexaad u noqon karaysa daryeelka afka iyo dhaqanka la wadaago……Ilaahay ha idin garab galo,annaguna waxba idinkama hagran doonno intii karaankayaga ah” (Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle)

“Wax sidaan oo kale u qiimo badan waxaan ogaannay cidda keliya ee dooneysa in ay gacan ka geysato in ay tahay ciddii lahayd, iyagii baanuna dib ugu soo celinnay” (Dr. Maxamed Daahir Afrax)

WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Email: wacays2001@hotmail.com

KAAH

Dabayaaqadii bishii Juun ee ina dhaaftay ayaan tagey magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, si aan uga qayb galo kulan-aqooneed, dhaqaneed, iyo suugaaneed lagu qabanayey magaalada Jabuuti. Aniga iyo rag kaloo saaxiibadey ah waxaan sii raacnay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Daallo Airlines oo naga qaadday magaalada Boosaaso. Kulan-aqooneedkan waxaa soo qabanqaabiyey Naadiga PEN ee hal-abuurka iyo Qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla ee Naadi-weynaha PEN INTERNATIONAL. Kulankan waxaa loogu magac daray “Toddobaadka hal-abuurka Soomaaliyeed, wuxuuna ka koobnaa saddex hawlgal oo is feer-socday, kuwaas oo kala ah shirweynahii labaad ee Naadigan PEN, dood-wadaag aqooneed iyo bandhig fan iyo suugaaneed. Guud ahaan dadkii kulankan kasoo qaybgalay oo kor u dhaafayey 100 qof oo isugu jirey Soomaali iyo ajnabi waxay ka kala yimaadeen Jabuuti, (Somaliland, Puntland, Koorfurta Soomaaliya), Itoobiya, Keenya, Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo Carabta.

Maalintii furitaanka kulankan, waxaa la naloo qaybiyey galal ay ku jireen qoraallo loogu sii tala-galay ka-qaybgalayaasha iyo marti sharaftii kale ee lagu casumay munaasabadda furitaanka. Galalkii la qaybinayey waxaa dusha kaga qornaa erayadan: “Shirweynaha labaad ee Naadiga PEN ee hal-abuurka iyo qorayaasha ku hadla Afka-Soomaaliga, iyo toddobaadka hal-abuurka Soomaaliyeed, 24/06 - 02/07/003, Guriga ummadda ee Jabuuti, Jambuuriyadda Jabuuti. Waxaa taageero ka geystay Dahabshiil iyo Daallo Airlines”

Inta aanan furin galkii i horyaallay ee ay erayadaasi ku dul qornaayeen, waxaan durba is-weydiiyey nooca ay noqon karto taageerada ay shirkadahaasi bixiyeen, waayo waxay aniga ii ahayd markii iigu horreysay ee aan maqlo shirkado Soomaaliyeed oo taageero ka geystay kulan-aqooneed caalami ah oo dunida daafaheeda la isaga yimid. In kastoo aan xog-ogaal u ahaa in shirkadaha caalamiga ah ee dunida horay u martay ay kaalimo firfircoon ka qaataan mashaariicda horumarineed ee dalalkooda iyo dadkooda, iyo weliba gurmadyada caalamiga ah, misana marna ma aanan filayn in shirkadaha Soomaaliyeed ay xilligakan adag gaari karayeen biseylka heerkaas oo kale ah. Waxaan is-weydiiyey in ay shirkadahani dareemeen in horumarka ganacsigoodu uu ku xiran yahay taageeridda barnaamijyada horumarineed ee dalkooda iyo dadkooda!!

Dhanka kale, marna la-yaab iguma ayan noqon in dowladda iyo Shacabka Jabuuti ay mar kale dhabarka u riteen martigelinta iyo maalgelinta kulankan sidan oo kale u ballaaran, waayo qof kastoo Soomaali ah wuxuu si weyn uga dheregsanaa 13kii sano ee ay Soomaaliya dhulka taallay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay hormood ka ahaayeen dadaal kasta ee ku wajahnaa daryeelka danaha ummadda Soomaaliyeed.

Kulankan waxaa furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo halkaas ka jeediyey khudbad dhaqaajisay dareenka ka-qaybgalayaashii iyo marti sharaftii kale ee lagu casumay madasha kulankan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Jabuuti tahay cidda ugu dhow ee saldhig ama tiir-dhexaad u noqon karaysa daryeelka afka iyo dhaqanka la wadaago inta ay soo noqoneyso dowlad Soomaaliyeed oo leh awood ay xilkaa ku qaaddo mar kale, isagoo kulankan iyo xarakadda PEN u rajeeyey garab-gal Eebbe, islamarkaana hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Jabuuti aysan waxba ka hagran doonin intii karaankooda ah.

Ka hor khudbadda furitaanka Madaxweynaha Jabuuti, waxaa iyaguna halkaas warbixinno kasoo jeediyey Nuuradiin Faarax oo ah qoraa sare oo wax ku qora afka Ingiriiska, balse si weyn looga yaqaanno geyiga Soomaalida iyo dunidaba, iyo qoraa sare Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah guddoomiyaha Naadiga PEN ee hal-abuurka iyo qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla, hormuudna ka ahaa qabanqaabada kulankan. waxayna labadooduba dhowr jeer kusoo ceceliyeen mahadnaq iyo bogaadin ku aaddan taageerada ay dowladda Jabuuti iyo shirkadaha Dahabshiil iyo Daalo Airlines ka geysteen suurtagalinta kulankan.

Dr. Maxamed Daahir Afrax oo warbixintiisa si gaar ah ugu soo qaaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray qabanqaabada kulankan, wuxuu sheegay in uu magaalada Nayroobi u tagey sidii uu qorshaha kulankan ugu bandhigi lahaa hay’adaha samafalka caalamiga ah ee sheegta in ay Soomaaliya ka shaqeeyaan, balse haatan saldhiggoodu yahay magaalaada Nayroobi, wuxuuna intaas raaciyey in uu dadaal dheer u galay sidii hay’adahaas dhaqaalaha faraha badan kusoo qaata “wax-u-qabadka Soomaalida” uu ugu qancin lahaa in ciddii ku andacoonaysa “Soomaali baan wax u qabanaynaa” ay waajib ku tahay taageeridda qorshaha kulankan oo ay ujeeddadiisu tahay dhuraynta iyo dhiirrigalinta hal-abuurka iyo qorayaasha Soomaalida, si ay kaalinta kaga aaddan uga qaataan sidii dhaqan nabadeed iyo dib-u-dhis looga taabbagalin lahaa geyiga Soomaalida iyo weliba Geeska Afrika.

Lamood noqonse weyday. Dr. Afrax wuxuu magaalada Nayroobi kala soo noqday hungo, hase yeeshee wuxuu sheegay in uu soo ogaaday in " wax sidan oo kale u qiime badan cidda keliya ee u diyaar noqon karta in ay gacan ka geysato in ay tahay ciddii lahayd”.. Sidaas awgeed, Dr. Afrax wuxuu qorshihii qabanqaabada kulankanka dib ugu soo celiyey “ciddii lahayd” kuwaas oo ay hormuud u noqdeen dowladda iyo shacabka Jabuuti, oo uu mayalka u hayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyo dhanka kale qaar ka mid ah madaxda shirkadaha Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay. Labadaa dhinac oo iskaashanaya waxay isla markiiba dhulka ka qaadeen qorshihii kulankan hal-abuurka ee ay hay’adaha samafalka ee shisheeye ku soo bahdileen magaalada Nayroobi.

In kastoo aan laysku wada raacsanayn jawaabteeda haddana dad badan oo ka mid ah ka-qaybgalayaashii kulankan ayaa isla markiiba bilaabay in ay is-weydiiyaan su'aashan: ciddii markeedii horeba dooneysay in aad afkeeda ku beddesho afkaaga hooyo dhaqankeedana qaadato sidee bay gacan kaaga siin karaysaa horumarinta afkaaga hooyo iyo dhaqankaaga kuu gaarka ah?

Saacadihii ay socdeen khudbadaha furitaanka kulankan, waxaan mar kasta is-weydiinayey nooca taageerada ay bixiyeen shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines, iyadoo dhanka kalena ay igu sii kordhayeen dareen farxadeed iyo mid ku-digashaba; waxaan sii sawiranayey naxdinta iyo u-qaadan-waaga ku dhici doona hay’adihii samafalka ee magaalada Nayroobi dhoobnaa, ka dib marka ay maqlaan in dowladda iyo shacabka Jabuuti iyo shirkado Soomaaliyeed oo iskaashaday ay buuxiyeen kaalimihii dhalanteedka ahaa ee ay Deeq-bixiyeyaasha kaga lacag qaadan jireen. Waxaa hortayda ku sii qormayey sida fudud ee ay u qaldi doonaan Ddeq-bixiyeyaasha sida indho la’aanta ah lacagta ugu dhiiba, waayo waxaa hubaal ah in ay Deeq-bixiyeyaashu ogaan doonaan inuu qabsoomay shir Soomaaliyeed oo caalami ah oo aysan ka dhex muuqan hay’adihii lacagaha kaga soo guran jirey wax-u-qabadka Soomaalida.

Duhurnimadii markii la soo gunaanaday kulan-hawleedkii maalintaas, waxaan ku dhaqaaqay waraysiyo kala duwan oo aan la yeeshay guddigii qabanqaabada iyo ka-qaybgalayaashii kulankan, si aan u ogaado nooca taageerada ay bixiyeen shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines iyo dareenka ka-qaybgalayaasha kulankan ee ku aaddan taageeradaas iyada ah. Run ahaantii, ma aanan dooneyn in aan waraysto madaxda shirkadahaas oo aan hubo in aan ka heli karey xog intaas ka badan, waayo ujeeddadaydu waxay ahayd oo keliya in aan cabbiro dareenka dadka caadiga ah ee kulankan ka soo qayb galay, kuwaasoo si weyn ugu diirsaday kaalinta aan la caadeysan ee ay shirkadaha Soomaaliyeed ka qaateen suurta-galinta kulan-aqooneed noocaan ah.

Guddiga qabanqaabadu waxay ii xaqiijiyeen in Shirkadda Daallo Airlines ay kulankan ku taageertay tikidho lacag la’aan ah oo ka-qaybgalayaasha kulankan ay kusoo raaceen kuna sii raaceen diyaaradaha shirkaddan ee u kala goosha dunida dacalladeeda, halka shirkadda Dahabshiil-na ay ku yaboohday lacag caddaan ah oo aan cadadkeeda la ii sheegin taas oo gacan weyn ka geysatey kharashka hoteellada iyo cuntada ka-qaybgalayaasha.

Sida la wada xusuusan yahay qaran-jabkii Soomaaliya wuxuu saameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha dadka Soomaaliyeed. Ka-sokow burburkii dowladnimadii Soomaaliya, waxaa mar qura la waayey dhammaan adeegyadii bulsho. Waxaa burburay hay’adihii dowliga ahaa ama kuwii gaarka loo lahaa ee adeeg-bixinta. Waxaa kala xirmay ganacsigii iyo isu-socodkii dadka. Waxaa la boobay dhammaan xarumihii iyo agabkii adeegyadaas lagu fulin jirey. Ma aha wax lala yaabo in ay dowladi burburto, waxaase naxdin iyo caloolyowba leh in Qaran muddo dheer soo dhisnaa uu mar qura jiritaan beelo, ummaddii lahaydna ay ku kala oodmaan xayndaabka qabyaaladda.

Muddadii ay dagaallada sokeeye ka oognaayeen Soomaaliya, waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayey baahida loo qabo buuxinta kaalimihii ay banneeyeen hay’adihii adeeg-bixinta ee dowladda ama kuwii gaarka loo lahaa. Waxaan anigu qof ahaan xusuustaa iyadoo reer Puntland ay dhoofka, qaadashada lacagaha dibedda looga soo xawilo, iyo taleefan-dirsashadaba u aadaan Addis-ababa iyo Jabuuti.

Kaddib markii ay dagaalladii sokeeye qaboobeen ama ay kusoo koobmeen goobo gaar ah oo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaa geyiga soomaalida ka ambaqaaday shirkado fara badan oo loo abuuray ujeeddooyin ganacsi, hase yeeshee shirkadahaasi badankood waxay ku dambeeyeen hungo iyo burbur, waxayna badidood eersadeen waabaayadii qabyaaladda, nin jecleysiga, iyo danaysiga gaar ahaaneed ee horeba u soo halligay qarannimadii Soomaaliyeed.

Shirkadaha fara-ku-tiriska ah ee ka badbaaday aafooyinkaas isla markaana la soo banbaxay hab-dhaqan cusub oo ka duwan kii lagu wada sumoobay waxaa ka mid ah shirkadaha Dahabshiil iyo Daalo Airlines oo haatan noqday shirkadaha ugu waaweyn oo intii karaankood ah u guntan daboolidda baahida qaybo ka mid ah adeegyadii ay u harraadanaayeen Soomalida ku kala dhaqan dunida daafaheeda.

Shirkadaha Dahabshiil iyo Daalo Airlines waxaan oran karnaa waxay ka gudbeen xayndaabkii qabyaaladda iyo nin jeclaysiga, waana taas sirta ka dambeysa horumarka ay ku tallaabsadeen. Waxay u muuqdaan in ay garwaaqsadeen in horumarka ganacsigoodu uu ku dhisaalan yahay taageeridda barnaamijyada horumarineed ee dadkooda iyo dalkooda.

Dhambaalka ugu muhiimsan ee ay gudbineyso tallaabadan cusub ee ay qaadeen shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines ayaa ah “in ummadda Soomaaliyeed ay wax qabsan karto iyagoo aan gorof ceebeed la dhex wareegin hay’adaha shisheeye ee iyaga usoo shaqo tagey”. Waana dhambaalkii uu u horseedayey Naadiga PEN markii uu ku tallaabsanayey in uu hormuudka beec-mushtarka Soomaaliyeed ku casumo taakulaynta kulan-weynaha qorayaasha iyo hal-abuurka. Dareenkan cusub ee abuurmay waxaa dhaqaajintiisa iyo joogtayntiisa marti loogu yahay garwadeenka dhaqaalaha ee maskaxda furan oo kaashanaya tacliinleyda iyo indheergaradka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines waxay jidbixiyeen u noqdeen kaalintii garwadeennimo ee looga fadhiyey ganacsatada Soomaaliyeed, waana tallaabo bogaadin iyo ku-dayashaba mudan.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Email: wacays2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2003 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]