SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Zakaria Mohamud Haji Abdi oo kordhiyay dadaalkii ololihiisii tartanka madaxwaynenimada Soomaaliya.

My Motto: New Leaders, New Vision, New Somalia for 21st Century.

Qore: Muse Mohamed Ali | Cawshaan2@yahoo.com

KAAH

Zakariye oo aaminsan inuu yahay shaqsiga haysta kalsoonida ugu badan ee shacabka marka loo eego murashaxiinta kale ayaa ku celceliya inuu shaaca ka qaado sababta ku kaliftay inuu isa soo sharaxo. Markasta oo la waydiiyo waxa uu ku jawaabaa “arrimo waawayn oo mabaadi qaran ah oo ay ka mid tahay Hiilo umadda aan uga hiilinayo kuwii dilay, kufsaday, dhacay, qaxiyay iwm”. Oo haddana umaddii ay intaa ku sameeyeen sanooyin badan ku leh “ nagu abaal mariya in aan idin xukunno, waayo sax baan ku ahayn inaan intaas idinku samayno”!!!. Ayagoo weliba aanan garanayn sida qaran casri ah (modern state) iska daayee qayb yar (department) loo maamulo. Ceeb iyo dhimasho ayay nagu tahay inteena dalka wax u baratay annagoo joogna oo nool inaan umadda iyo annagaba iska qaban wayno raggaas. Iyo in aan wax ka bedelo dhaqanka ah qabiilo gaar ah dadka ka dhashay baa iska leh madaxtinimada Soomaaliy.kuna saleeyo qofka iyo dadnimadiisa iyo aqoontiisa (personal merit) ama shacabka u gartaan.

Wax yaabaha uu rabo inuu wax ka qabto waxaa ka mid ah:

  • soo celinta nabadgelyada iyo nidaamka dalka
  • sugida midnimada iyo qarannimada somaliya
  • dib u heshiisiin ku timaada wada xaajood ( dialuge ) dadka diriray ee soomaaliyeed si kalsoonidu u soo noqoto
  • dhaqan celinta dadka bahaloobey ( rehabilitation ) iyo dib u dejin ( resettlement ) dadka qaxay iyo kuwa bara kacay
  • dhawrista shuruucda, xuquuqda aadamaha iyo xoriyada muwaadika somaliga ah
  • dhaqaale furan oo tartan xalaal ah ku dhisan
  • dhawrista iyo dhayidda bii’ada oo aad loo dhaawacay mudadii dawladlaaanta la ahaa
  • xoojinta iskaashiga iyo xiriirka caalamiga
  • Mar aan weydiiyey Murashaxa Madaxweynaha sommaliya mudane Zakaria talaabada ugu muhimsan ee uu qaadi doono hadii la doorto waxa uu ku jawaabey “In aan soo celiyo kalsoonidii soomaalida kal tagtay oo aan abuuro is aamin iyo kala dambayn. Aniga oo kaashanaya khibrada aan u leeyahay maamulka iyo xiriirka aan la leeyahay beesha caalamka sida Afrika ,Carabta ,Yurub iyo Ameerika .

    Si aan u hubiyo sida waxqabadkoodu noqondoono ayaan dhowaan waxaan booqasho ku tegey sadexda dal ee EU-da ugu waaweyn waxaana la soo shiray wasaaradahooda arimaha debeda waana isla meel dhignay inay wax ila qaban doonaan”.

    Mar aan wax ka weydiiyey jaaliyadaha soomaaliyeed ee adduunka ka jira sida uu wax ula qaban doono waxaa uu ku jawaabey “Jaaliyadaha soomaliyeed anaaba ka tirsan oo wax ka aasaasay ( Secretary General of UK Somali Council, London 1998-2000.) iygaana iigu dhib yar xiriirkooda iyo la shaqayntooda.

    KOORSO "C PROGRAMMING" AH
    waa koorso lacag la'aan ah oo aad ku baranaeysid sidii aad adigu u samayn lahayd barnaamijyo aad aliftey..... www.somalitalk.com/program

    Wax qabadkii iyo taariikh nololeedkii Murashaxa Madaxweynaha Somaliya mudane Zakaria Mohamud Haji.

    Wuxuu dhashay sanadkii 1956 ,wuxuuna leeyahay xaas iyo lix caruur ah

    Wuxuu dugsiga sare ee Jamaal Cabdi Naasir ka baxay 1974/5

    Wuxuu jaamidada derejada koowaad ee BSc ka qaatay Jaamicada Riyaad ee dalka Sucudiga isagoo bartay cilmiga handasada beeraha.

    Wuxuu Jaamicada derejada labaad MBA ka qaatay SNU in Mogdisho

    Isla derejada labaad ee MSc waxa uu ka qaatay jaamicada Middlesex University ,london ,1997 isagoo raaciyey Postgratuate ah Information & Communication Technonogy, Computer Networks & Environmental Management.

    Ugu dambayntii wuxuu derejada sadexaad ee jaamicada PhD ka qaatay Oxford University, Oxford, England sanadkii 2000.

    Wuxuuna qoray Buugag cilmiyeed iyo kuwo farsamo,wuxuuna xubin ka yahay machadyo caalami ah sida Royal Institute of International Social Development., London,UK.

    Xilalkii uu soo qabtay

    Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaliya 2000/02

    Wasiirka Waxbarashada sare TNG 2002 / ilaa hadeer.

    Xooghayaha guud ee Somali Intellectuals Forum ( SIF ) 1993/2000

    Wuxuuna ka soo shaqeeyey dalka debadiisa sida dalalka carabta ,afrika iyo yurub oo jagooyin sar sare ka soo qabtay.

    Wuxuuna mudo ku hawlanaa xal u raadinta iyo wada heshiisiinta dadka soomaaliyeed isagoo wax ka qaban qaabiyey shirarkii xal u raadinta iyo midaynta soomaalya .

    Wuxuu wada hadalkiisii iigu soo gabagabeeyey halqabsigiisii ahaa “ Madax cusub,Aragti cusub oo horsed u noqota Somaliya qarniga 21 aad.”

    Muse Mohamed Ali.
    Cawshaan2@yahoo.com


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2003 

    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

     

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    xayaysiis

    mahuraan 
    MAHURAAN
    : Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

     


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD